Home Blog Page 1396

Wasaaradda Qorsheynta oo tallaabo hor leh u qaadeysa uruurinta xogaha Qaranka.

0

Wasaaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa bilowdey ballaarinta Xogaha Qaranka.

Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta xogaha Qaranka Qaaradda Africa, munaasabaddii lagu xusayey waxaa ka qeyb-galay wasiirro, iyo saraakiil ka socotay hey’adaha kale ee dowladda.

Hal ku dhigga maalintaan ayaa loo bixiyey Nolol wanaagsan iyo xog dhaqaale oo horumarsan, wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa hal ku dhiggaasi.

Agaasimaha guud Xogaha Qaranka ee Wasaaradda Qorsheynta C/raxmaan Cumar Daahir, ayaa sheegay in xog uruurintu ay u tahay muhiimadda ugu weyn, sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay si dhow ula socdaan isbaddellada maciishadda suuqyada dalka, bil walbana ay warbixin ka soo saari doonaan.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Khaloocoow ayaa yiri “dowladdu waa in ay fahamtaa qorsho la’aan in aanan horumar la gaari karin, sidaa darteedna ay waajib tahay in la horumariyo wasaaradda Qorsheynta qeybaheeda oo dhan.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in sannadka 2018-ka u diyaar garoobbeen horumarinta Dhaqaalaha, Xogaha Qaranka ay ka mid tahay tirakoobka dadweynaha oo doorashooyinka muhiimad gaar ah u leh iyo hirgelinta mashaariic hor leh.

Qalabkii maamulka Hawada Soomaaliya oo la rakibay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta la soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo maalinta berri la furi doono Xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa maalinta berri ka dhici doonta magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya inta aanu dhamaan sanadkan.

dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in ay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.

Tirinta codadka doorashada madaxweynaha Laaybeeriya oo socota

0

Warka Dunida 27.12.2017—-Laaybeeriya ayaa biloowday tirinta codadka codadka maalin kadib markii ay si nabad ah uga dhacday doorashada madaxtinimada dalkaasi, xilli ay dadka rajaynayaan in mar uun dalka Laaybeeriya ay ka dhacdo isbedel xagga dimuqraadiyadda markii ugu horreeysay muddo 70-sanadood ah.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan xiddiga 51-sano jir ah ee hore uga tirsanaa cayaaraha caalamiga ah ee Goerge Weah, kaa oo kasoo horjeeda Joseph Boakai kaasi oo muddo 12-sano ahaa madaxweyne kuxigeenka Laaybeeriya muddo 12-sanadood ah..

Kudhowaad 2.2 million oo qof ayaa ka qayb galaya doorashada sanadkani kadhacday dalka Laaybeeriya oo kuyaala galbeedka qaaradda Afrika.

Weah, ayaa wareeggii koowaad ku horreeyay codeeynta tartanka doorashada, balse weli mahelin boqolkiiba kontonka cod ee uu u baahnaa si uu ugu guuleeysto doorashada oo la filayo in lagu kala baxo marka uu dhammaado wareegga labaad.

Labada musharax ee Goerge Weah, oo ah musharaxa u taagan xisbiga Golaha Isbedelka Dimuqraadiyadda ee loo soo gaabiyo (CDC), iyo Boakai, oo utaagan xisbiga Midnimad (Unity Party), ayaa waxaa ay ballanqaadeen in ay dib usoo nooleeyaan dhaqaalaha Laaybeeriya iyo mashaariicda dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Dalka Laaybeeriya waxaa soo xukumaysay Ellen Johnson Sirleaf, oo ahayd haweeynaydii ugu horreeysay oo madaxweyne ka noqoto dal Afrikaan, Sirleaf oo xilka dalkaasi soo haysay muddo 12-sanadood waxa ay ku guuleeysatay in mideeynta nabadda Laaybeeriya oo soo maray dagaalo sokeeye oo dhiig badan ku daatay dagaaladaasi oo socday 14-sanadood kahor inta aanan lasoo afjarin sanadkii 2013-kii.

Xaflad lagu Dooranayey Gudoomiyaha Haweenka Dumar kujira Aqalka Sare oo ka dhacday Xarunta Aqalka Sare+ Sawirro.

Doorashadan waxaa ku tartamaya Sagaal Gabdhood oo Aqalka Sare kamida kuwaas kala doonaya Gudoomiye, kuxigeenkiisa koowaad iyo kuxigeenka labaad iyo Xogayaha Gudiga.
Waxaa ku guuleysatay Gudoomiyaha Doorasho kadib Shugri Aadan Maxamuud, iyo Zamzam Ibraahim Cali oo ku xigeenka koowaad ku guuleysatay.
Waxaa kala soo qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Shacabka,  Wasiirka Haweenka, Haweenka ka shaqeeya Ururada Bulshada rayidka ah, Gobolka Banaadir, Xubno ka socda Xafiiska Q M ee Soomaaliya iyo Fanaanada Hiba Nuura.
Jawaahir Axmed Cilmi waa Madaxa Doorashadan waxaana sheegtay in Gudoomiyaha ku guuleysatay Shugri Aadan Maxamed.
Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay in Wasaaradda Gudiyada noocan ah aad ugu baahan yihiin.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Abshir Xaashi C/laahi ayaa sheegay in Gabdhaha Soomaaliyeed Hormuud u yihiin Dalka loona baahan in Dumarka Soomaaliyeed isku doobnaadaan.
“Waxaan rabnaa in markasta Dumarka Soomaaliyeed mid noqdaan meelkasta oo ay joogaan, waxaa kale oo aan rabnaa in Dumarka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ay mid noqdaan taasna hormar lagu gaari karo”
Shugri Aadan Maxamuud Gudoomiyaha Haweenka ee Golaha Aqalk Sare oo lahadashay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaantay in mideynta Gobdhaha Soomaaliyeed Doormuhiim ah ka qaadan doonaan.
Xubnihii kale oo ka qeyb galay Doorashada ayaa siweyn ugu dheeraaday kor u qaadista Hormarka Dalkan.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay magacaabista ergayga Gaarka ah ee Maymar

0
War maanta oo Arbaco ah ka soo baxay Xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee magalada Jiddeh ayaa lagu sheegay inuu Ururku si diiran u soo dhaweynayo qaraaka ka soo baxay Qaraamada Midoobay oo ah in ergay gaar ah loo magacaabo Xiisadda ka aloosan dalka Maymar oo guryahoodii laga soo barakiciyay kumanaan kun oo Muslimiinta Rohingya.
Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in talabadan magacaabista egaygaasi ay tahay mid lagama maar maan noqotay marka loo eego dhibaatada dadka tirada yer ee Muslimiinta dalkaasi Maymar ee Rohin-gaha lagu hayo.
Mr Guterres Wuxuuna intaa raaciyay inay talaabadaasi ay Qaraamada Midoobau u cuskatay  qodobka 122 ee codeyntii axadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Qaraamada Midoobay ee magaalada New-york kuna saabsaneyd  arrinta muslimiinta Gobolka Rohingya oo Ciidamada dalkaasi Maymar  dagaalka ay kaga soo barakiciyeen dagaanadooda.
Talaabadan muhimka oo ay qaramada Midoobay qaaday ayaa ku soo aaday xilli uu Ururka iskaashiga islaamku dadaal badan ugu jiro xal u helidda dhibaatada soo wajahday muslimiinta Rohingya ee dalka Maymar.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada ee soo dhisay Madaxweyne Waare

0

Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ansxiyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

77 xildhibaan oo ka mid ah 79 mudane oo soo xaadiray fadhigii codka loogu qaadayay xukuumadda cusub ayaa u codeeyay ansixinta xukuumadda, halka 2  xildhibaanna ay diideen.

 

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in ay Xoojinayso Tayada Waxbarashada Dalka.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Soomaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta Waxbarashada Dalka.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa tilmaamay in Wasaaradda oo ka duulaysa xoojinta Waxbarashada Qaranka ay Tababaro siiyeen Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo xoogan ugu jirta xoojinta iyo sare u qaadida Waxbarashada Qaranka iyadoona ay xusid mudan tahay in Hormarka dalka uu ku talaabsanayo ay kow ka tahay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiisha Da’da yar ee Ciidanka Xoogga.

0

Iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ku aadanaa in Saraakisha Da’yar ee dalka loosoo tababaray ay ka dhex muuqdaan hoggaamadda ciidanka xoogga dalka ayaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen/ C/wali Jaamac Gorod waxa uu isugu yeeray Saraakiisha Da’yar ee Ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha Dhalinyarada ee tababaro heer ka sare ah kusoo qaatay wadamo kala duwan ayaa Taliyaha ka codsaday in fursad la siiyo si wax kaga bedelaan amniga guud ee dalka, iyagoo balanqaaday inay dalka guud ahaan ka xureyn doonaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Cabdi wali Jaamac Gorod ayaa Saraakiisha da’yar u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo, isagoo ku amaanay sida ay ugu faraxsan yihiin dalkooda iyo dadkooda in ay naftooda u huraan, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu weydiistay inuu la kulmo Saraakiil Dhalinyaro ah oo ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan la kulmo saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh oo hadana muujinaya waxa ay qabaan, wadaniyada haday tahay aqoon haday tahay oo sida ay u arkaan inay wax u qabtaan, waxaa nasiib wanaag kala ah in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu i weydiistay inuu arko Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaanka ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda, waxaa is waafaqay Dareenkiina aan aniga qabay iyo midkii Madaxweynaha ayaa is waafaqay, laga bilaabo hoggaanada ilaa horin ilaa koox Saraakiisha Dhalinyarada ayaan ka dhigeynaa haduuu ilaah yiraahdo”ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay hoggaannada Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada kusoo fooda leh ciidamada xoogga dalka ee dalka looga cirib tirayo Al shabaab iyo sidii looga shaqeyn lahaa dib usoo kabashada ciidamada.

Shirka Guddoonada Golaha Sharci dajinta Dalka oo ka furmay Baydhabo.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa magaalada Baydhabo ka furay Shirka Guddoonada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Shirkan oo socon doonaa Mudo sedex Maalmood ah ayaa looga hadlayaa xoojinta iyo wada shaqeynta Golaha shacabka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Dhexe.

Waxaa la filayaa Gaba gabada shirka in laga soo saaro Warmurtiyeed la isku raacsan, iyadoo Amaanka Guud ahaan magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

Guddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Baydhabo gaaray

0

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wefdi guddoomiyaha golaha shacabka uu hoggaaminayo ayaa kulammo la qaadanaya masuuliyiin sare ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka qeyb-galaya shir ay isugu imaanayaan Barlamaannada dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Barlamaanka Soomaaliyeed.