Wasiirka Amniga Soomaaliya oo xarigga ka jaray xarunta agoonta Boliiska Soomaaliya

Date:

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xarunta agoonta Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Xaruntaan oo lagu taalla degmada Wadajir waxaa hirgaliyey sii hayaha taliyaha ciidanka Boliiska iyo  saraakiisha hoggaannada Boliiska, waxaa goobjoogeyaal ka ahaa masuuliyiin uu ka mid tahay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xarunta oo lagu xannaaneyn doono aqoonta ay ka Shahiideen ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Ururka Sosda ayaa Qalan waxbarasho ku wareejiyey ku simaha Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed, si waxbarashooda ay ugu bilowdaan agoonta.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Lataliye sare Xafiiska madaxweynaha ayaa ku ammaanay Boliiska Soomaaliyeed daryeelka agoonta, sidoo kale S/guuto Maxamed Axmed Geesa-cadde ayaa u mahadceliyey dadkii ku gacan siiyey hirgelinta xaruntaan.

Sii xilka taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan barbaarinta agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ciidanka shaqeeya oo dhanna ay qeybtooda ka qaadanayaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxame Abuukar Isloow (Ducaale oo xaruntan furay ayaa ugu baaqay labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya in ay ka qeyb-qaataan Xaannada Agoonta Boliiska iyo Waxbarashadooda.

Ugu dambeyn Cali Cabdullaahi Abti-doon oo ka mid ah ehelka carruutooda xaruntan lagu xanneeyn doono ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Boliiska Soomaaliyeed oo ah astaanta nabadda iyo u adeegaha Bulshada Soomaaliyeed.

Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah,Iskuul wax lagu barto,Dugsiga Qur’aan,Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...