Home Blog Page 1398

Kismaayo oo uu ka furmay shirka mideynta Canshuuraha Bariga Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo ka furay shirka wadatashiga Canshuuraha Bariga ee dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Shirkan waxaa dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe  ku matalaya wasiirrada Maaliyadda, sidoo kale waxaa shirka jooga khabiirro sare oo dhanka Maaliyadda iyo arrimo canshuuraha ku takhasuustay.

Mudada shirka uu socon doona waxaa lagu falan-qeynayaa sii loo hirgelin lahaa nidaamka qaadiska iyo mideynta canshuuraha Bariga Soomaaliya, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo Miisaaniyadda sannadkaan ay wajahi doonto Canshuuraha Bariga.

 

Madaxweyne Farmaajo “wakhtigeyga ugu badan ciidanka ayaan ku bixin doonnaa”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ka dhawaajiyay in la isku diyaarinayo howl gal.

Madaxweynaha oo shalay kula hadlayay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in mar walba weerarka ay soo qaadaan Al-Shabaab, oo ay shacabka ku dhibaateeyaan, isla markaana loo baahan yahay in Ciidamada ay duulaanka qaadaan, Shabaabkana ay carraan.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab la laba jibaaro, isla markaana ay taariikh qormeyso, waxaa uu ciidamada ugu baaqay inay la yimaadaan niyad wanaag iyo daacadnimo.

“Waqtigeyda inta ugu badan waxaan siin doonaa Ciidamada, dhaqaalaha inta ugu badan ciidanka siineynaa, illaa dalkaan aan ka xoreyneyno oo aan ku soo dabaaleyno nabadda, waxa qormaya waa taariikh, waari meysidee war fiican hakaa haro. howl galada bilaabanayaan waana ku guuleysanayaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Kenya oo mar kale codsatey in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu dhammeeyo wada hadal

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal, hasa yeeshee Soomaaliya dhankeeda ay muhiim ah in ay isla fahmaan.

Horaanta sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.

Wasiirka Amniga: Shirar aan fasax loo haysan lama qaban karo

0

 

Wasaaradda Amniga Gudaha dalka ayaa sheegtay in aan la qaban karin shirar aan fasax looga heysan wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Benadir.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin  in shirar aan fasax loo haysan la qabto.

Afhayeenk

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo sheegay in shir aanan lagu qaban karin Muqdisho, iyadoo aan fasax laga heysan wasaarada Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Δευτέρα, 18 Δεκεμβρίου 2017

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan sugidda amniga ayna dowladda ku gacan siiyaan sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.

Khilaaf soo kala dhex galay madaxda Maleeshiyada Alshabaab

0

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in uu jiro khilaaf aad u xooggan oo soo kala dhex galay horjoogeyaasha maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdicaziiz Ibraahim Xildhibaan oo la hadlayay SNTV ayaa sheegay in khilaafka horjoogeyaasha Alshabaab uu sii xoogeystay ka dib weerarkii dadka badanku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Zope, 14-kii October.

Waxa uu intaas ku daray in horjoogeyaasha kooxda ee kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karateey ay isku maandhaafeen in kooxdu sheegato falkaas iyo in ay ka aamusto, taas oo sii hurisay khilaafkii maarkii horeba xoogganaa ee kooxda ka dhex jiray.

Waxaa jira warar sheegay in uu dhacay iska hor imaad dhex maray maleeshiyo labada dhinac kala taabacsan, kaas oo sababay in horjooge Axmed Diiriye oo ku magacaabay hoggaamiyaha maleeshiyada Shabaab, uu u baxsado keymaha si uu naftiisa u badbaadiyo

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyay ee kalfadhiga 2-aad

0

Golaha Shacabka ayaa maaanta yeelanaya Kulankooda ugu dambeeye ee kalfadhiga 2-aad , iyadoo Mudanayaashu ay fasax galayaan.

Kulankooda Maanta ayaa lagu wadaa inay warbixin looga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa todobaadkii hore sheegay in 16-ka bishan la soo xiri doono kulamada baarlamaanka, kadibna ay Mudanayaashu fasax gali doonaan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fasax ku maqnaan doona ilaa iyo bisha Maarso ee sanadka 2018-ka, xilligaasi oo dib loo furi doono kalfadhiga 3aad.

Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka oo soo bilowday bishii Luuliyo ee sanadkan ayaa ilaa iyo xilligan waxaa ay yeeshay kulamo fara badan oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo furay waddooyinkii xirnaa ee Gaalkacyo

0

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Galmudug,Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdiwali Jaamac (Gorod) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay si rasmi ah u fureen wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi uu gaarey wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug,kuwaasi oo howlo nabadeed ka dhexwada bulshada kunool magaaladaasi Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Gaalkacyo,iyagoo ka qaaday jidgooyooyin  halkaasi yaalay.

In muddo ah waxaa kala xirnaa isu socodka dadka labada dhinac ee magaaladaasi Gaalkacyo,waxaana haatan lafilayaa in dadku ay dib u bilaabaan ishdexgal.

10 katirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay Bokool

0

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey dagaal dhexmaray ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur iyo maleeshiyaad katirsan kooxaha argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Bokool.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada daacadda u ah Abuu-mansuur ay duulaan ku qaadeen deegaano ku dhow Abal oo hoostaga magaalada Xudur,iyagoo ka warhelay xogo la xiriira in halkaasi ay kusugan yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Gobolka Bokool ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 7 maleeshiyo ah,halka kuwo kalena ay dhaawacmeen,sidoo kale qaar oo nolosha lagu soo qabtay.

Dhanka kale waxaa la sheegay in dhanka ciidamada daacadda u ah Abuumansuur uu soo gaarey khasaare aan sidaasi u badnayd,waxaana xaaladdu ay tahay mid degan deegaankuna ay kusugan yihiin ciidamadii taabacsanaa Mukhtaar Roobow Abuumansuur.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo.

Tababar lagu baranayo Hanaanka Kalluumeysiga oo laga furay Muqdisho

0

Tababarkaan oo  ku saabsan qaabka loo jalaaban karo kalluunka wanaagasan,  islamrkaana sare loogu qaado tayada kalluunka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo socoto doono mudo lix maalmood ah ayaa waxaa furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow,waxaana tababarka ka faa’ideysanaya 72-ruux oo ka kala socda shaqaalaha Wasaaradda iyo iskaashatooyinka Kalluunka Gobolka Banaadir.

Agassimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayreedka Badda Dowladda Somaaliya oo ka hadlay furitaanka tababarkaan ayaa sheegay in muhiimada laga leeyahay uu yahay sidii wax badan looga fahmi lahaa hanaanka wanaagsan ee loo kalluumeysto iyo sida looga faa’ideysto.

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo isna ka hadlay tababarka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka dhex ceegaago baddeena Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Tababarkaan oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ayaa isugu jira labo qeybood oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Hay’adaha Dowladaha UK Norwey.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Gaalkacyo

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Wakaaladada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo booqan doona xeryaha ciidamada Xoogga dalka,isagoo ku dhiira gelinaya dadaalka ay ugu jiraan Difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa maalmihii u danbeeyay howlo kormeer ku marayay deegaanada Puntland,wuxuuna sidoo kale booqday Guutada 54-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.