Guddoomiye Thabit Mas’uul ku sifoobay Naxariis (Maqaal)

Date:

Haddii aan idiin hor mariyo tafsiirka ay culumadu saareen waxay isku raaceen in الرَّحْمَنِ tahay naxariista guud ee gaal iyo muslim, xoolo iyo dhir ay ifka ku haystaan iyo in الرَّحِيمِ tahay naxariista gaarka ah oo dadka muslimiinta ah aakhiro garka u ah.

Haddaba haddii aan intaas ku dhaafo macnaynta الرَّحْمَةَ ama naxariista waxaan u laabanayaa labada erey الرَّحْمَنِ iyo الرَّحِيمِ oo sida aan horay u soo sheegay ay culumadu isku raaceen in ay tahay naxariista guud oo ifka abuurka oo dhammi helo iyo naxariista gaar ahaaneed oo aakhiro mu’miniinta u gaar ah. Ereyga الرَّحْمَنِ wuxuu soo noqnoqdaa 45 jeer markii aan ka reebo bisinka suuradaha dhammaanna si cad ayuu macnahiisa looga fahmayaa in Ilaah loola jeedo, Sidaas darteed in aan الرَّحْمَنِ ku macneeyo Ilaah ama Allaah wax dembi ah ma laha, marka bisinka markii la macnaynayo waxaan ka dhigi karaa.

Waxaa ku bilaabayaa magaca Allaha Raxmaanka ah ee aan laga naxariista badnayn. Ereyga الرَّحْمَنِ qof kuma magacaabi kartid laakiin waa la dhihi karaa qofkaasi waa qof الرَّحِيمِ ah, taasi oo loola jeedo waa qof naxariis badan.
Waxay naxariistu naxariis u tahay ciddii tamadinaysa ee garan karta kuna rayn raynaysa, laakiin wax aan kala garan karin naxariis iyo naxariis la’aan, naxariisi waxba uguma fadhido umana baahna, sidaasi darteed hal aayad oo Ilaah leeyahay xoolaha iyo dhirta waan u naxariistay ma jirto. Xoolaha iyo dhirta annaga ayaa naloogu naxariistay.

Waxaa kale oo muuqata in dadku isku qaldayaan naxariista iyo sunnada Alle wax u jaan gooyey. Waxaa sunnada Alle ka mid ah in ruuxii wanaagsan uu if iyo aakhiraba ugu naxariisto oo cadaab ka ilaaliyo kii xunna uu if iyo aakhiraba cadaabo. Ruuxii uu Alle ifka ugu naxariisto ayuu aakhirana ugu naxariisanayaa ee ma aha aakhiro meel naxariis aadan horay ifka ugu soo shaqaysan lagugu siinayo, naxariistii ifkana aad ifka uga soo tagayso ma aha. Naxariista jannada waa middii ifka lagu soo shaqaystay ee ma aha mid hor leh oo aakhiro loo hawl gelayo.

Naxariistu waxay u gaar tahay dadka in qofka wanaagsan la janneeyo kan xunna la cadaabo waa sunnada Alle uu adduunka ku dhaqo. Quraanka inta meelood ee الرَّحْمَنِ uga jirto macnaheedu waa Alle, haddaba in la isku naxariisto waa taa fadliga ay leedahay, ayaa waxaa loo baahan yahay in ciddii awoodda inay u naxariistaan inta liidata, waana midda aan maqaalkaan ugu soo qaadanay Mas’uulka ku sifoobay naxariista, waana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Todobaadkii hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sii sagootiyay Maxamed Mustaf Cusmaan oo ah wiil yar oo muddo 8 bilood ah la xanuunsan dhiig kaga furmay Wadnaha, kaasi oo dalka gudihiisana wax loogu qaban waayay.

Guddoomiye Thaabit ayaa ku guuleystay in dalka Turkiga Wiilkaasi Maxamed Yare loo qaado, si xaaladiisa caafimaad wax loogu qabto, iyadoo Guddoomiyuhu bixinaya dhammaan lacagaha wiilka xanuunsan ku baxaya mudada uu joogo dalka turkiga, waxaa kaloo ee uu bixiyay Dal u galka ama Viisaha iyo Tikidka wiilka xanuunsan iyo hooyadiisa ay uga ambabaxeen Muqdisho oo ay ku aadeen dalka Turkiga.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaya guddoomiyaha gobolka oo markii aan xaalada wiilka u sheegay ka dib jawaab deg deg ah ka bixiyay oo ugu dambeyn suurta gashay in dalka Turkiga loo qado”, sidaasi waxaa yiri isagoo qiireysan Waalidka Wiilkaasi yar.

Guddoomiyaha Gobolka waxaa kale oo uu horrey u dammaanad qaaday Wiil kale oo sina la yiraa Maxamed yare oo haatanba lagu daweynayo Isbitaal ka mid ah kuwa ku yaal Dalka Turkiga, kaasi oo Guddoomiye Thaabit uu kafaala qaaday ilaa uu ka bogasdo.

Shalayto ayay aheyd markii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu mar kale ku guuleystay inuu Caafimaad dibadda ah u diro Faa’iso Maxamed Cabdi oo ah gabadhii uu dhibaatada u geystay askarigii ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Gudoomiye Thaabit ayaa bixiyay dhammaan lacagta caafimaadka, Dal ku galka Visaha iyo Ticket-ka dalka Turkiga faaiso loogu qaaday, waxaana uu dammaanad qaaday sidoo kale dhammaan qarashaadka ku baxaya inta Turkiga ay joogto Faai’so Maxamed Cabdi oo qabta dhaawac uu soo gaarsiiyey Askari ka tirsan Ciidanka Puntland.

Aabe Maxamed Cabdi ayaa si qanacsanaan ka muuqato ugu mahadceliyay Gudoomiye Thabit Cabdi Maxamed, sida uu mar walba ugu danqado Bulshada kuwooda ugu taakta daran, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo gacan ka geystay taageerada Faai’so loo sameeyay ayaa gudoomiye Thaabit u mahadceliyay.

Duqa Magaalada Muqdisho waxaa kaloo uu kaalin lixaad leh ka qaatay Musiibadii Qaran ee 14-kii bishii Oktoobar ka dhacday Isgoyska Zoppe ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna muujiyay dareen ku aadan arrintaasi foosha xumeyd, maalintaasi ayuu qaatay Caalamadda guduudan ilaa iyo haddana waa ay u xiran tahay, si u muujiyo inuusan wali ilaabin dhacdadaasi xasuuqa aheyd.

Waxaa ku soo gunaanadayaa Maqaalkaan waa in dadka wax heysta iyo Masuuliyiinta Dowladda inay gacan ka geystaan u gargaaridda Ummaadan ka soo daashay Colaad, abaar iyo cudurro, waxaa kaloo leeyahay Thaabit waa la hayaaye gargaarkiisee waana sii wadayaaye, yaa kale oo isna ka qeybqaadanaya kaalmeynta iyo taakuleynta Shacabka Soomaaliyeed, haddaba sow lama oran karo Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed waa Mas’uul ku sifoobay Naxariis.

W.Q. C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...