R/wasaare Khayre”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

Date:

Munaasabada ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay xuska sanad guuradii 74-aad ee aas- aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa kamid ahaa madaxdii ka qeybgashey Raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhamaan madaxdii ka qeyb gashey munaasabadaasi ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay dalka u leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen.

Wuxuu Ra’iisul wasaaraha uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska sida ay ugu dhabar adeegayaan in dalka ammaankiisa la sugo,isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay xoogga saari doonto dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashooda ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeeyey oo uu dalku yeesho ayaa la aas aasey sanadka markuu ahaa 1943-dii,waxaana ay soo mareen heerar iyo marxalado kala duwan,waana laf dhabarta u adeegista bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...