Home Blog Page 1392

Kulan looga hadlayay horumarinta maamulka Hirshabeelle oo lagu qabtay Jowhar

0

Kulan looga hadlayay sidii loo dabooli lahaa bahiyaha kala duwan ee ka jira maamulka Hir-shabeele’ayaa lugu qabtay magaalada Jowhar.

Waxaana soo qaban qaabiyay kulankaasi wasaaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hir-shabeele, iyadoo’ay goob joog ka,ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Qorsheeynta Qaranka,ee D.F.S.  hay’ado ka tirsan U. N. maamulka Hir-shabeele, gobalka shabeeleha dhexe, kan degmada Jowhar qaybaha kala duwan ee bulshada Hir-shabeele,ee mgaalada Jowhar

Kulanka waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa u mahadceliyay hay’adihii ka soo qaybgalay kulanka.

Waxaa, isna halkaasi ka hadlay sii hayaha xilka wasaaradda Qorsheeynta Hirshabeele, Maxamed Cabdi C/laahi  wuxuuna fahfaahiyay muhiimadda kulanka u leeyahay maamulka Hirshabeelle.

Waa kulankii, ugu horeeyay oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Qorsheeynta Hir-shabeele, ee looga hadlo sidii loo dabooli lahaa, bahiyaha ka jira Hir-shabeele

Madaxweyne Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka

0

Donald Trump,madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku amray laamaha amniga Mareynkanka gaar ahaan kuwa xuduudaha iney si adag u baaraan dadka ajaanibka,waxaana amarka Trump uu ka danbeeyay weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.

Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.

Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.

Arbacadii shalay madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Congreska dalka Mareynkanka iney dib u eegis ku sameeyaan bixinta Viisaha dalka ku gal ah si loo xakameeyo falal danbiyeedyada dilalka ugu horeeya ee ka dhaca dalka Mareynkanka.

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay goobta uu ka dhacay shika lagu dilay sideeda qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Kooxaha Xuquuqul insaanka u dooda ayaa dhaleeceeyay talaabooyinka qaar ee Trump uu kaga fal celiyo dhibaatooyinka kadhaca dalka Mareynkanka oo ka baxsan bini-aadanimada.

Donal Trump oo amray in la adkeeyo amaanka Mareynkanka

0

Muqdisho(SONNA) Donald Trump,madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku amray laamaha amniga Mareynkanka gaar ahaan kuwa xuduudaha iney si adag u baaraan dadka ajaanibka,waxaana amarka Trump uu ka danbeeyay weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawcay.

Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanku.

Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay Dawladda Islaamka in ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga ah in uu ka hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.

Arbacadii shalay madaxweynaha dalka Mareynkanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Congreska dalka Mareynkanka iney dib u eegis ku sameeyaan bixinta Viisaha dalka ku gal ah si loo xakameeyo falal danbiyeedyada dilalka ugu horeeya ee ka dhaca dalka Mareynkanka.

Ciidamo aad u fara badan oo Boolis ah ayaa lagu kordhiyay goobta uu ka dhacay shika lagu dilay sideeda qof 11 kalena dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Kooxaha Xuquuqul insaanka u dooda ayaa dhaleeceeyay talaabooyinka qaar ee Trump uu kaga fal celiyo dhibaatooyinka kadhaca dalka Mareynkanka oo ka baxsan bini-aadanimada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xiggeenka Dalka Sudan

0

Khartoum (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo u joogay Suudaan , ayaa Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalkaasi  kula kulmay Madaxweyne ku xiggeenka dalka Suudaan,  Xasabuu Maxamed C/raxmaan oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne ku xiggeenka, ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay iska soo hadal qaadeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Iskaashiga dhinaca amniga ee labada wadan, dimoqraadiyeynta, horumarinta addeegyada Bulshada iyo siyaabaha tooska ah ee wax wada qabsiga labada Dal ee dhinaca dimoqraadiyeynta.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday,  isagoo u mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Suudaan.

Waxaa kale uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Magaaladda Khartuum maanta kula kulmay Xeer ilaaliyaha guud ee Dalkaasi Mudane  Cumar Axmed Maxamed oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Madax banaanida iyo qaab dhismeedka Garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Mudane Ibraahim Maxamuud Xaamid oo ah Kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna Xogahayah Guud Xisbiga talada haya  ee Dalkaasi oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada Wadan iyo habka sameynta Axsaabta Siyaasadeed, maadaaama Soomaaliya uu hadda ay u  diyaar garoobeeyso Nidaamka Axsaabta Siyaasadeedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa waxa booqasho Sharafeed u tagay Xarunta Aqalka labaad ama Golaha Wakiilada  Dowlad goboleedyada ee Jamhuuriyadda dalkaasi suudaan, waxaana halkaasi uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka labaad ee wakiilada Dowlad goboleedyada Jamhuuriyadda Suudaan oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin ,xiriirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada, Habraaca ay u ilaaliyaaan danaha walaayaadka iyo nidaamka xukunka iyo sidoo kale Awooddaha loo dhaadhiciyay  Bulsahada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa booqday Isbitaalka suudaan ee la geeyay qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay Musiibadii 14-October ka dhacay Isgooyska 14.ka October Ex zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo ALLE  uga baryay in caafimaad deg deg uu siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”

0

Muqdisho (SONNA) , 1 November 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.

—DHAMMAAD—-

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Sudan

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo u joogay Suudaan , ayaa Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalkaasi  kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan,  Xasabuu Maxamed C/raxmaan oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne ku xiggeenka, ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay iska soo hadal qaadeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Iskaashiga dhinaca amniga ee labada wadan, dimoqraadiyeynta, horumarinta addeegyada Bulshada iyo siyaabaha tooska ah ee wax wada qabsiga labada Dal ee dhinaca dimoqraadiyeynta.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday,  isagoo u mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Suudaan.

Waxaa kale uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Magaaladda Khartuum maanta kula kulmay Xeer ilaaliyaha guud ee Dalkaasi Mudane  Cumar Axmed Maxamed oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Madax banaanida iyo qaab dhismeedka Garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Mudane Ibraahim Maxamuud Xaamid oo ah Kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna Xogahayah Guud Xisbiga talada haya  ee Dalkaasi oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada Wadan iyo habka sameynta Axsaabta Siyaasadeed, maadaaama Soomaaliya uu hadda ay u  diyaar garoobeeyso Nidaamka Axsaabta Siyaasadeedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa waxa booqasho Sharafeed u tagay Xarunta Aqalka labaad ama Golaha Wakiilada  Dowlad goboleedyada ee Jamhuuriyadda dalkaasi suudaan, waxaana halkaasi uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka labaad ee wakiilada Dowlad goboleedyada Jamhuuriyadda Suudaan oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin ,xiriirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada, Habraaca ay u ilaaliyaaan danaha walaayaadka iyo nidaamka xukunka iyo sidoo kale Awooddaha loo dhaadhiciyay  Bulsahada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa booqday Isbitaalka suudaan ee la geeyay qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay Musiibadii 14-October ka dhacay Isgooyska 14.ka October Ex zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo ALLE  uga baryay in caafimaad deg deg uu siiyo.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka  ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda 

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga maaliyadeed ee DFS, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu  xoojinayo maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu  kabadali doonno habka Maaliyada Dalka.

” Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa  Maaliyada iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awooddaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga  iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle

Ra’iisul Wasaare Khayre “Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.

—DHAMMAAD—

Imaaraadka oo Ciidamo Qalabkooda u dhameystiran yahay ku wareejiyay Taliska Ciidanka xooga dalka+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay Dowlada Imaaraadka wuxuu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, C/weli Jaamac Xuseen “Gorod”, Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ciidamada xooga dalka ay u heli lahaayeen Tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta si ay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Argagaxisada Al shabaab kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane  C/raxmaan Ducaale Bayle,  ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhhuuriyadda Soomaaliya  hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.