Guddoomiye Jawaari oo kulan dhiiragelin la qaatay howl-wadeenna golaha shacabka

Date:

Ujeedka Kullanka Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Howlwadeenada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa waxaa uu ahaa dar dar gelinta howlaha shacabka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ayaa qaar ka mid ah howl wadeenada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay waxa ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen howlaha shacabka uu ummadda  u hayo, xaaladaha ay ku suganyihiin guud ahaan howl wadeenada Golaha Shacabka ,waxayna sidoo kale Guddoonka Golaha ay ku amaaneen hogaankiisa Wanaagsan.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari” ayaa aad u amaanay howsha adag ee ay dalka iyo dadka u hayaan howl wadeenada Golaha shacabka ,isagoo sidoo kale u mahad celiyay hay’adaha Amniga iyo Warbaahinta kaalintii ay ka qaateen baahinta howlaha Golaha shacabka.

kullanka maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay guud ahaan howl wadeenada Golaha shacabka ayaa waxa uu howlwadeenada ku dhiira gelinayaa in ay sii laba laabaan howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...