Guddoomiye Thaabit oo la kulmay Culimada Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay Culimada ku nool Magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa Culimadda kala hadlay sidii door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha ku aadan xal u helida xaaladda Gobolka Banaadir.

“Waxaan la kullanay Culimada Soomaaliyeed ee degan G/Benaadir waxaana ka codsanay in ay na garab-istaagaan si aan u nabadeyno una horumarino Gobolka Benaadir. Barnamijka Deriseynta ama Isha-Xaafadda waxaa qayb weyn ka qaadan kara wacyi-gelinta Culimada, si looga hortago sharta nabad-diidka ama argagixisada ee afkaaraha qaldan adeegsada.” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Soomaliyeed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

“Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dib-u-heshiisiinta, hanti-isucelinta iyo arrimaha cadaaladda & gar-soorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

“Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Gobolka Benaadir oo dhacaya 7-da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybgalaan, doorka uga aadanna ka qaataan.” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhiimka u ah horumarka Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...