Home Blog Page 1393

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeysay Ciyaartowda Puntland iyo Jubbaland

0

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Marwo khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan ku-xigeenadeeda ayaa maanta ku soo dhoweysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ciyaartowda Dowlad Goboleedyada jubbaland iyo Puntland oo ka mid ah Ciyaartowda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya tartanka Ciyaaraha maamul Goboleedyada ee 7-da bishan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ciyaartowda labada Maamul Goboleed ayaa waxaa kala hogaaminaya Mas’uuliyin ka tirsan Jubbaland iyo Puntland,waxayna Mas’uuliyiinta  Warbaahinta Dowlada Soomaalia ugu warameen qaabka ay u dhacday soo dhoweyntooda iyo ujeedka ay u yimaadeen Muqdisho,Waxayna ka mid celiyeen sida ixtiraamka leh ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo soo dhaweyn ka dib la hadashay Warbaahinta ayaa bogaadisay ciyaartowda Puntland iyo Jubbaland ka kala socday ee maanta soo gaaray Muqdisho,waxay sheegtay in ahmiyad gaar ah uu xambaarsan yahay tartanka maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Gobolka Banaadir.

Wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay koobkan oo ay ku tartami doonaan ciyaaryahanada kubadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo 7-da bishani furmayo,iyadoo lagu wado in la soo gabagabeeyo 23-bishan December.

Golaha shacabka oo ansixiyay Xubin ka mid noqon doonta Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka

0

Muqdisho(SONNA):– Xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay xubin ka mid noqon doonta  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Golaha Shacabka Jamuuriyada Fadaraalka marki uu furmay kulankooda waxaay cod aqlabiyadleh ku ansixiyeen xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqoneysa Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar ayaa lagu wadaa iney marto xildhibaanada  Aqalka sare si ay iyagana u ansixiyaan markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ayaa dhawaan waxaa sidan oo kale soo meel mariyay Xubinnimadeeda Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Hotel Shaamoow oo ka dhacay Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):– Munaasabad loogu baroordiiqayay Alle ha u naxariistee  Ardaydii  iyo Mas”uuliyiintii  heerka Qaran ee ku dhintay Qaraxii 3-dii Decenbar 2009-kii ka dhacay Hotel Shaamoow oo ay soo qaban qabiyeen dhaqaatiir ka qalin jabisay Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana ka soo qeyb galay la-taliyaha dhanka Siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Dhaqaatiir Macalimiinta Wax ka dhiga jaamacada Banaadir iyo Marti sharaf lagu Casuumay.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dukumiintiiyo ka hadlayay Waxii ka dhacay hotelka Shaamoow oo xiligaasi ay ka socotay Xaflada Qalin jabinta.

Dr. Xaarith Shoole oo ka mid ahaa Ardaydii Xilligaasi wax ka baranayay Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in saaxiibo dhowr ah ku waayay Qaraxii Hotelka ka dhacay.

Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay  in marna aan laga Caajisin la dagalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab, isla-markaan hal-meel looga soo wada jeesto.

La-taliyaha Dhanka Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, Maxamuud Axamed Nuur Tarsan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay in ay is- abaabulaan isla-markaana ay soo sheegaan Shabaabka ku dhuumaleysanaya Magaaladaan.

Ugu danbeyntii,Senator  C/Waaxid Cilmi Goonjeex ayaa Alle ugu baryay dhamaan dadkii ku dhintay Qaraxaasi ay geysteen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab inuu geeyo Janatul Fardowso.

AKHRISO: Nuxurka Khudbadaha laga jeediyay Wejiga Labaad ee shirka London

0

Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir guddoominaya Wejiga Labaad ee shirkii london oo maanta si rasmi ah uga furay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale,Waxaa madasha ka hadlay madaxda Dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasoo sheegay iney door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney qaataan doorkooda ku aadan dhismaha Ciidamada Qaranka.

Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland oo isna ka hadlay Wejiga Labaad ee shirkii London ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aamada ka soo baxa shirkan,wuxuuna sheegay in Jabbaland ahaan culeyska heysta uu yahay in Horjoogayaasha Kooxda Argixisada gabaad ay ka dhigtaan deegaanada Jubbaland loona baahan yahay in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa qeexay iney muhiim tahay in la waqtiyeeyo qorshaha Amniga Qaranka iyo sida loo tababarayo Ciidanka ayna ula wareegayaan amniga wadanka.

Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Galmudug oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Burcadbadeeda awooda la wiiqay,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in Galmudug ahaan guul ay ka gaareen shirkii wada hadalka ee ka dhacay dalka Jabuuti,isagoo carabka ku dhuftay in dhawaan ay tagayaan magaalada Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo si kooban shirka uga hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay sii liidanayaan,islamarkaana uu gabalkooda uu sii dhacayo,isagoo cadeeyay in la heysto wado cad oo lagu horumari karo,” Waa in aan dayacin fursadaha aan heysano maanta”,ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyaa dagaalka ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Qaraxii 14-kii October ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid Xanuun badan oo muujiyay dhibaatada Cadowga,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo Amniga Gobolka,wuxuuna sheegay iney sameeyeen qorshe hordhac ah oo lagula soconayo Amniga ilaa iyo heer degmo.

Waxaa sidoo kale,goobta hadalo kooban ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM iyo u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kuwaasoo sheegay iney garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxayna dhiira geliyeen dhismaha Ciidanka Amniga Qaranka si ay awood ugu yeeshaan iney dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo oo goor-dhow furay Wejigii Labaad ee shirkii London+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goordhow si rasmi ah Muqdisho uga furay Wejiga Labaad ee shirkii London oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya,kuwa Dowlad goboleedyada iyo Beesha caalamka.

shirka ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa  in dib u eegis lagu sameeyo horumarada ilaa iyo haatan laga gaaray Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sheegay in la xoojinayo Ciidamada Badda Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA):— Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay in waxyaabaha shirka Golaha Amniga Qaranka ee shalay ka qabsoomay Muqdisho looga hadlay ka mid ah in la dhiso lana xoojiyo Ciidamada Badda Soomaaliya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybadii ay lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ayaa sheegay in Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga loo saaray dhismaha Ciidamada Badda Soomaaliya,kuwaasi oo qiimeyn ku soo sameeya qaabka ugu fududud ee Qorshahan uu ku fuli karo.

” Waxaa Muqdisho ka qabsoomay shirka Golaha Amniga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo qiimeyn ku soo sameeyay xoogga dalka Soomaaliyeed,sidaasi oo kale Guddiga wuxuu soo jeediyay in qiimeyn taasi la mid ah lagu sameeyo Ciidamada Dowlad Goboleedyada iyo in la dhiso ciidamada Badda Soomaaliya,waxaana loo saaray Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana halkaan uga mahad celinayaa Ciidamada Qalabka sida iyagoo daruufo adag ku shaqeynaya hadana u halgamaya Wadankooda,” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga xilliga uu warbaahinta u faah faahinayay shirka Golaha Amniga ee ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Madal looga doodayey horumarada iyo caqabadaha ka jira dib u habaynta maamulka dowliga ah oo la soo gabagabeeyey+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):– Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta  lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dowladda, aqoon yahano ka kala socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Waxyaalaha kulankaan looga dooday ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha isbedelada badan ee dalka jira.
  2. Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba).
  3. Doorka haweenku ku leeyihiin maamulka guud iyo shaqooyinka hey’daha dawladda.

Ugu horeynta Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha mudane Saalax Axmed Jamac oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraday heerarka kala duwan ee ay soo mareen dhisida Hay’adaha dowliga kuwaas oo laf dhabar u ah horumar balaaran ee wadan ku talaabasado

“Shirkaan waa ka duwan yahay shirarka kale oo qabsooma, ujeedkiisuna waa inaan la imaano madal (Forum) looga doodado horumarada shaqaluhu ay sameeyaan, shirkaan wuxuu la xariiraa maamulka iyo maareynta, ee maahan mid saiyaasadeed, waxaan labada malin ee uu socda looga  doodi doonaa meesha  aan ka nimid iyo halka aan higsanayno, dalka horumarkiisu waa mid ku xiran in la helo  shaqaale carbisan oo leh hufnaan, karti iyo aqoon, taas ayaa ka turjumaysa sidii aan u gaari lahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka  oo waxyaalaha dowladdu qabanayso mudnaanta u kala leh” ayuu yiri Wasiir Salaax

Xiriiryaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha  Dowladda (CIP) ahna qaban qaabiyaha madashan Xassan Dirie ayaa dhankiisa sheegay in madashaan ay tahay tii ugu horaysay ee dalka ka dhacda, waxaana ay noqon doontaa mid si joogta ah loo qabto sanad kasta iyadoo hada ka dib lagu soo bandhigi doono daraasad laga soo sameeyey hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Gabgabadii Madasha ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay saxaafada u akhriyey Agaaismaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxman Yusuf Al-cadalah.

  1. Ka qaybgalayaashu waxay isla garteen baahida loo qabo in lahelo sharciyo iyo siyaasado qeexan oo kala xadidaya siyaasadda iyo maamulka hay’adaha dowladda.
  2. Madashu waxay soo jeedinaysaa in ahmiyad gaar ah la siiyo in masuul kasta oo loo magcaabayo xil lagu taxgaliyo inuu xirfad u leeyahay shaqada uu qabanayo.
  3. In maamulada kala gadisan ee heer federal iyo heer mamaul goboleed ay kala fa’iidaystaan xirfadaha iyo waayo aragnimada dhexdooda ah.
  4. Madashu waxay isla garatay baahida loo qabo in la kordhiyo tayada iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala hay’adaha kala gadisan ee dowliga ah.
  5. Madashu waxay ku boorinaysaa xarumaha waxbarashada sare ee dalka in ay ku saleeyaan manahajyadooda baahida xirfadeed ee ka jirta dalka isla markaan ay dib u qiimeeyaan tayada ardayda ay soo saarayaan.
  6. Madashu waxay isla garatay ahmiyada ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee xirfad la’ah uu ka shaqayn karo dalka oo dhan aana laguna xadididin gobol iyo degaan gooni ah, badalkeedana loo tixgaliyo xirfada uu u leeyahay shaqda.
  7. Ka qayb galayaashu waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah iyadoo la isku raacay in sanadkiiba mar la qabto, shirkaan midka xigana waxaa loo qorsheeyey in la qabto October 2018.
  8. Ka qayb galayaashu waxay adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuda shaqaalaha iyo u dhamaytirida qalab iyo xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu danbayn madashu waxay u mahadcelisay Bangiga Aduunka oo fududeeyey qabsoomida kulankaan, Xooghayaha Joogtada Xafiiskak Ra’iisul  Wasaaraha, Howlwadeenada Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, gudiga shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, oo dhamaantood suuragaliye qabsoomiada Madashaan, waxaa sidoo kale u mahadcelinaysaa aqoonyahanada talooyinka ka soo jeediyey iyo masuuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ka soo qayb galay Madashan kuna soo siyaadshay khibrad lixaad leh intii ay socotay.

 —–DHAMAAD—-

 

Wejigii 2-aad ee shirkii London oo Muqdisho ka furmaya

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo kol hore ka dhacay Magaaladda London ee xarunta Dalka Britain.

Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya,kuwa Dowlad goboleedyad iyo Beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in shirkani diiradda lagu saari doono arrimaha Ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomey dowladda Soomaaliya.

“Wejigii labaad ee shirkii London ayaa muqdisho ka furmaya,waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo,shirka waxaa uu ku saabsan yahay soo bandhigista waxyaabihii dowladda Soomaaliy uga qabsoomay qodobadii ka soo baxay shirkii london,waa shir isla-xisaabtan ah,waxaana ka qeybgalaya Madaxda Soomaliya iyo beesha Caalamka,” ayuu yiri Eng Yariisow.

Dhanka kale,Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in muhiimada shirka ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo horumarada ilaa iyo haatan laga gaaray Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

 “Guusha ayaa lagu qiyaasi doonaa iyadoo la tixgelinayo go’aamada muhiimka ah ee la qaadi doono si ay ciidamada AMISOM u qaadeen howlgalo wax ku ool ah, oo ay ku xoojinayaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si ay AMISOM u awood ugu yeelato in ay hirgeliso waajibaad cusub oo la siiyey iyada oo loo marayo Golaha Amaanka Inay noo ogolaato inaan awood u yeelano in aan fulino hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaannu sugnaa ammaanka guud, inaan ilaalinno xarumaha dadwaynaha, inaan la talino ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , oo aan si wax-ku-ool ah u abuurno si ay awood ugu yeeshaan iney awooda dalka nagala wareegaan, ” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Bishii May isla sanadkan 2017 ayay ahayd markii magaalada London uu ka dhacay wejigii koowaad ee shirkaasi,oo laga soo saaray qodobo muhiim ah oo quseeyay arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigaysa shirkani waxyaabihii uga qabsoomey shirkiii London.

Dad Shacab ah oo xalay Dil iyo Dhaawac loogu geystay Gobolka Hiiraan

0

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii xalay deegaan ka tirsan Gobolkaasi lagu dilay Dad shacab ah kuwo kalena lagu dhaawacay.

Ilaa 2 qof oo shacab ah ayaa xalay fal dil ah loogu geystay deegaanka Gafiir oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,iyadoo sidoo kale halkaasi lagu dhaawacay ilaa 3 qof oo kale,kuwaasi oo dhamaantoodi ahaa dad shacab ah.

Wariyaheena Gobolka Hiiraan C/shakuur Cusmaan Cali ayaa sheegay in falkani uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Gafiir oo khayaas ahaantii 10 KM dhanka Waqooyi kaga began tuulada Hees oo labadoodaba hoostaga Degmadaasi Maxaasi ee Gobolka Hiiraan,taasi oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.

Qaar kamid ah Shacabka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku baxay goobta dhacdadaasi ka dhacday,waxaana loo soo qaaday isbitalka guud ee magaalada Baladweyne si loo dabiibo dadkii halkaasi lagu dhaawacay.

Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha ammaanka ayaan weli soo saarin wax war ah oo ku aadan dhacdadani dadka lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay.

Dunida Islaamka oo walaacsan go’aanka Trump ee ku aadan aqoonsiga Qudus

0

Falastiin(SONNA) Iyadoo Mareykanka uu wado qorshe Magaalada Qudus uu ugu aqaansanayo in ay tahay caasimadda Israel ayaa waxaa soo ifbaxaya walaaca dalalka Islaamka ay arrintaasi ka muujinayaan.

Dowladda Jordan oo kamid ah wadamada bariga dhexe ku yaala ayaa waxaa ay ugu baaqday Mareykanka in uusan ku dhaqaaqin talaabadaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Waxaa uu sheegay Wasiir Ayman Safadi in wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u yiri ku dhawaaqidda arrintaas waxay keeni doontaa caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka.

Inkastoo Jared Kushner oo uu sodddog u yahay Trump uu sheegayo in uusan weli jirin go’aan noocaas ah oo la qaatay,ayaa hadana Waxaa la isla dhexmarayaa in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada,waxaaan arrintani ay u muuqataa in ay tahay talaabo halis hor leh keeni karto.

“Waxaan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa’iil. Go’aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn doontana dadaallada nabadda”. Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwitterka Wasiirka arrrimaha dibadda ee Jordan.

Ilaa iyo haatan majiraan waraar rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee ku aadan wararkan la isla dhexmarayo.

Majdi al-Khalidi oo ah lataliyaha Maxamuud Cabaas Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska AFP u sheegay in uu isku dayaya Cabaas in uu raadiyo taageero caalami ah si uusan madaxweyne Trump ugu dhawaaqin arrintaas,wuxuuna xiriir la sameeyey Axaddii hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.