Home Blog Page 1391

R/Wasaare Khayre “Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska”

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

 

Madaxweyne ku xiggeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday “Sawirro”

0

Jowhar (SONNA), Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta  magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka  iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay  inay  tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u  siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo   tababarka  iyo qalabeynta  Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay in horumar laga sameeyey Amniga iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), December 5, 2017–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa daah furay shirka Qaran ee (Somali Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Muqdisho 4-ilaa 5-ta bishan December.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo banii’daamnimada, waxaana qeybta danbe shir guddoomineyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Iyadoo ay hadallo ka jeediyeen madaxda dawlad gobolleeyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiillo ka socday bulshada Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay horumaradii ay dawladdu gaartay 8dii bilood ee la soo dhaafay, waxaana uu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha guud. Sidoo kale waxaa la muujiyey sida ay laga maar-maan u tahay in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Waxuuna ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka, maadaama uu amnigu soo hagaagayo.

Madaxda shanta maamul Gobolleed ayaa dhankooda codsaday in laga caawiyo dhanka amniga iyo dhaqaalaha, si kor loogu horumarinta bulshada iyo dagaalka argagixisada.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa soo xiray shirka, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka inay ka dhabeeyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Wasiir Cabdi Xoosh oo khudbad ka jeediyay shirka heerka sare ee Muqdisho “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ka qaybgalay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Heerka Sare ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay,  Shirka oo uu ugu horeeyn furay Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada DFS, Madaxda Dawlad Goboleedyada, iyo Safiirada dawladaha xiriirka la leh Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheeyre oo qaybtii labaad ee shirka gudoominayay ayaa waxa uu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Wasiir Cabdi Xoosh si uu uga warbixiyo hawlaha ay Wasaaradda qabatay, Wasiirka ayaa ka hadlay hawlaha sideedii bilood ee la soo dhaafay u qabsoomay.

“Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyada oo garoowsan shaqada baaxadda leh ee hortaalla, waxa ay degsatay mabaadi’ ay ku hawlgasho oo ay ugu horeeyaan in waqti go’an lagu soo dhameeyo Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka (GDD) iyo in la dhiirageliyo ka qaybgal loo dhanyahay oo ballaran. Waxaan kulamo la qaadanay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada inaga oo ugu tagnay xarumahooda, sidoo kale Wasaaradaha D/Goboleedyada ayaan sii xoojinay wadashqaynta inaga dhaxeysa waxa aana sameeynay Madal sedexdii bilba mar aan isugu imaano” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Cabdi Xoosh isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Mahadcelin ayaan u dirayaa madaxda sare ee dalka oo garwaaqsaday muuhimadda GDD iyaga oo go’aan ku gaaray in qarashaadka ku baxaya GDD lagu maalgeliyo lacag ay Soomaali leedahay inaga oo og kaalinta ay Wasaaradda kaga jirto Miisaaniyadda sanadka 2018”.

Dhanka kale, Wasiirka oo amaan u diray dhamaan dadka ay shaqada kala dhaxeyso ayaa yiri “Hawlaha aan qabanay ma ahayn mid sahlan kuwa inna horyaallana waa kuwo aad u badan, sidaa awgeed, waxa aan hortiinaa amaan uga dirayaa dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo dhamaan hay’adaha aan shaqo wadaaga nahay ee suurtageliyay horumarka aan ka gaarnay arrimaha dib-u-eegista-dastuurka”.

Ugu dambayn, Avv Cabdi Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay baaq uu u diray Beesha Caalamka oo ahaa in ay fuliyaan ballamihii ay qaadeen ee ahaa in ay Soomaaliya ku garab istaagayaan GDD iyaga oo ku saleeynaya Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorshaha u yaalla Wasaaradda.

 

—–DHAMAAD—–

 

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”

0

Muqdisho, Disembar 05, 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.

“Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku boggaadiyey Beesha Caalamka iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga go’an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.”

Shirweynaha Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee soomaaliya AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka,

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Taariikhi ah la gashay Mareykanka muddo 30 sano ah kadib “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya,  ayaa maanta Heshiis taariikhi ah la gashay Dowladda Mareykanka mudo 30 sano ah kadib.

Heshiiskaan oo ku kacaya ku dhawaan $300 oo milyan oo Dollar,  ayaa waxa wax looga qaban doonaa arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan oo dollar.

 

Wajigii labaad ee Shirkii London ee ka socday Muqdisho oo lasoo gabagabeeyey

0

Muqdisho (SONNA), Wajiga 2-aad ee shirkii London  ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda  Dowladda Fedraalka ah,  kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaro  war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.

Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta  wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Shirka,  ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd  looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee  doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in  Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.

 

Qodobadii shirkaasi laga soo saaray goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 

 

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal, ayaa maanta la kulmay Wafdi  uu hoggaaminayey Ergeyga Midowga Yurub u jooga Soomaaliya,  iyaggoo kawada hadlay dar dar gelinta dagaalka Nabad diidka lagula dagaalamay, dhismaha iyo qalabeynta  Ciidanka Xoogga dalka.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone, ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageerada Dowladda Soomaaliya dhinacyada amaanka iyo dib u dhiska ee ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana ay Muhiimad gaar ah siin doonaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo warbaahinta Qaranka la hadlay,  ayaa Midowga Yurub ku ammaanay garab istaagga dowladda Soomaaliya ee joogtada ah,  waxaana uu ugu baaqay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu  jiraan in Soomaaliya mar kale cagaheeda ay ku istaagto.

 

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Dowladda Jarmalka uga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane  C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch, isagoo kala hadlay qodobo badan oo  ay kamid yihiin in fursado shaqo abuur ah  loosameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed , tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweyne  Gaas, ayaa ugu horayn xaqiijiyey in  Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha dib udhiska dalka.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya,  ayaa isla meel dhigay sidii dhalinyarada  loogu sameyn lahaa shaqo abuur, gaar ahaan sidii loogu hirgelin lahaa dalka dugsiyada farsamada gacanta, si ay u noqdaan dad aqoon leh kuna maareeya danahooda gaar ka ah iyo kan dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Dekedda Muqdisho oo laga soo saaray haraadiga Maraakiib horey u quustay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Shirkadda Al-Beyrak ee Maamusha Dekedda Muqdisho oo ka duuleysa  sare u qaadista Dayactirka iyo nadiifinta Dekedda Weyn ee magaala Muqdisho ayaa fulisay howl lagu hagaajinayo goobta ay kusoo xirtaan Maraakiibta oo laga soo saaray qalab ka haray maraakiib horey ugu quustay dekedda, si loo fududeeyo hanaanka shaqo ee dekedda magaalada Muqdisho.

Waxaa muuqanayey howlwadeenada Shirkadda Al-Beyrak oo ku howlan soo saarista Haraadiga Maraakiib ku quustay dekedda iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo loogu tala galay nadiifinta dekedda, waxaana ay ku guuleysteen in howsha oo bilow ah ay dibadda usoo saaraan qashin badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka howsha socota iyo soo xirashada maraakiibta kala duwan ee dekedda kusoo xiranaya.

Maxamed Sheekh oo ah u qaabilsanaha dhinaca Warbaahinta ee Shirkadda Al-Beyrak ee maamusha Dekedda Muqdisho ayaa tilmaamay in arintaan loogu talo galay qurxinta howsha muhiimka ah ee ka socota dekedda Muqdisho.

Shirkadda Al-Beyrak oo masuul ka ah maamulka dekedda Muqdisho ayaa qorsheysay talaabooyin badan oo ay ku dooneyso in ay ku hormariso shaqada ka socota dekedda sida uu mar kale sheegay Maxamed Sheekh u qaabilsanaha dhanka Warbaahinta ee Shirkadaasi.