Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo socdaal ku maraya Sanaag iyo Sool

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay ay ku hoydeen Degamada Badhan halkaas oo ay kula kulmeen Maamulka, Odayaasha  iyo dadka deegaanka, waxayna soo kormeereen Mashaariicyo badan oo ka socda degmada.

Wasiir Jamaal ayaa dhinaca kale sheegay in maanta ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhahar halkaas oo ay kula soo kulmi doonaan Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, iyagoo safarkoodana soo gaba gabeynaya Maalinta Beri ah safarkooda qaatay Afarta Maalin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...