Home Blog Page 1387

Qaramada midoobay oo ka digtay xaalado adag oo weli ka taagan Purma

0

Geneva-(SONNA)-Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ka digtay Maanta oo Jimca ah in dib loo celiyo Dadka kasoo jeeda qoomiyadda Rohingaha ee ku sugan Dalka Bangaladhesh, iyadoo aan la hubin xaaladda goobaha la dejinayo oo ay weli ka jiraan tacaddiya ka dhan Muslimiinta laga badan yahay.

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in marka hore Gobolka Waqooyiga Purma ee Rakhiin laga shaqeeyo ammaankiisa iyo xasiloonidiisa inta aan Muslimiinta reer Rohinga laga soo daabulin Bangaladhesh.

Afhayeen u hadlay jimciyadda qarumaha ka dhaxaysa laanteeda qaxootiga oo lagu magacaabo Adrian Edwards, ayaa sheegay inaanan Dadka dib loo celin karin iyadoo aan la hubin xaaladda Gobolka Rakhiin ee ay Rohiinguhu degaan.

Bilihii Novembar iyo Decembar ee Sanadkan ayaa la sheegay inay gudaha Dalka Bangaladhesh gaareen 646,000 Qof, kuwaas oo ka cararay gabbood-fallada ka jira Dalka Mynamar sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

Isha: Reuters

Boliiska Kenya oo toogtay Nin looga shakiyay argagixiso

0

Nairobi-(SONNA)-Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa Saakay toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaasoo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha ammaanka.

Ninkan oo markii la dilayay ku sugnaa degaan lagu Magacaabo Likoni, ayaa isku dayay inuu la dagaallamo Askarta, isagoo Seef ku dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha Boliiska, ka hor intaanan la toogan.

Mtsomo, ayaa la tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Ururka Al-shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya, isagoo la tilmaamay inuu dhallin yaro badan oo kasoo jeedda Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah u qoray inay ka mid noqdaan Daacish.

Isha: The Standard

Madaxweyne Waare oo Casha sharaf u sameeyay Xulka kubbadda Cagta ee Hirshabeelle-(Sawirro)

0

Muqdisho-SONNA)-Kulan Casha sharaf iyo dhiirri gelin ah ayaa waxaa Xalay Magaaladan Muqdisho loogu sameeyay xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle, kaasoo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle  Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabell Gudoomiyaha gobolka Shabeellada dhaxe  Gudoomiyah Arrimah Bulshada gobolka shabelah dhaxe iyo gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabelle Cabdi qani jeenyo oo madasha ka hadlay ayaa ku Ammaanay Ciyaartooyda   Hirshabeelel dedaalka iyo diyaargaroowga dheer ee ay Sameeyeen, isagoo ka sheekeeyay taariikhdii ay Hirshabeelle ku lahayd Sportiga Dalka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Hirshabelle  Cabdi Xuseen Geedi  ayaa u rajeeyay dhalinyarada kubadda cagta hirshabelle  inay ku guuleestan koobkaasi, wuxuuna faray inay la yimmaaddaan dedaal iyo dhabar adayg ku aaddan hanashada Koobka Kubbadda Cagta ee Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle  Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa ugu ku boorriyay Ciyaartooyda Hirshabelle in tartanka koobka  Dawlada gobleedyada iyo gobolka Banaadir ay guulo la taaban karo ka soo hooyaan, soona celiyaan kaalintii ay kaga jireen Sportiga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya ayaa Marti galisay Sanadkii 2aad ee tartanka ciyaaraha Dawlad Goboleedyada Dalka, markaas oo ay koobka hanatay Ciyaartooydii ka socotay Puntland.

Maxaad ka taqaanaa Taariikhda fog ee magaalada Barakeysan ee Qudus?

0

Qudus(SONNA)Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda.

Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun, iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo maray.

Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.

Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah Qabiilo Carbeed.

Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka talinayay  Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.

Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta ku hayay 33-Sano.

Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.

Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa.

Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed

Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.

Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii.

Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada.

Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii.

Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.
Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah.

Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.

Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya.

Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda.

Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto. Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa.

Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah.
Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.

W/Q: Eng. Xuseen Sabriye.

Rabshado xoog leh oo ka socda Qudus iyo Falastiiniyiinta oo gubey calamada Mareykanka iyo Israel+Sawirro

0

Qudud(SONNA) Kumanaan shacabka muslimiinta reer Falastiin ayaa bilaabay bannaan baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Qudus waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ku qeylinayo ereyo ka dhan ah siyaasadda Mareykanka,sidoo kale dadkani waxaa ay dabqabadsiiyeen sawirka madaxweyne Donald Trump taasi oo muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan in Uhuudda loo gacan geliyo magaalada Barakaysan ee Qudus.

Guud ahaan waxaa Albaabada u laaban goobaha ganacsi,Iskuulada iyo xafiisyada shaqo, si dadku ay uga dhiidhiyaan qadiyadda magaalada Qudus,dibadbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisal Wasaaraha Uhuudda,taasi oo ku dareensiinaysa heerkja ay taagan yihiin shacabka reer Falastiin.

Wadamada Caalamka islaamka ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa caro xoogan oo ka dhalatay go’aanka madaxweyne Donald Trump,uu Qudus ugu gacan gelinayo Uhuudda,waxaana la filayaa in banana baxyo ballaaran ay ka dhacaan wadamada Muslimiinta.

Hoggaamiyaasha wadamada Islaamka ayaa lafilayaa in go’aano ay ka soo saaraan arrimahaasi,iyadoomadaxweynaha Dalka Turkiga Ordugan uu shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dallaka Islaamka,si ay uga falceliyaan talaabada Madaxweyne Donald Trump.

Aqalka cad ee Maraykanka oo ku kala qaybsan arrinta Quddus

0

Washington-DC-(SONNA)-War kasoo baxay Aqalka cad ee Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ayan jirin qorshe laysku raacsan yahay oo safaaradda Maraykanka ee Talaviv loogu rarayo Magaalada barakaysan ee Qudus.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Waddanka Maraykanka ayaa meesha ka saaray in ku dhawaqista Madaxweyne Donald Trump ay la micno tahay in maamulkiisa uu ka baxayo wada hadalladii uu ka waday Bariga dhexe.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka , Sarah Haka Bisandares, ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay ka go’antahay inuu sii wado wada xaajoodkii u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil, mana jirto bay tiri Dowlad kale oo ku raacsan qorshahaasi.

Waddamada saaxiibka dhow la ah Maraykanka qaarkood ayaa ka hor yimid qorshahan uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Trump, iyadoo ay durbaba soo baxayaan diidmo ka imaanayso xubno ka mid ah Aqalka cad iyo xisbiyada Dalka Maraykanka.

Isha:VOA

R/Wasaare ku xigeenka XFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-Ababa

0

Adis-Ababa(SONNA) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Itoobiya Maxamed Cali Nuur, masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa la xiriirta ka qeybgalka  munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Waxaa lafilayaa in ay halkaasi khudbado ka jeediyaan madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa,iyadoo lafilayo in ku xigeenka raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) uu halkaas ka jeediyo uu kaga hadlidoona ahmiyadda munaasabadda iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Mudane Mahdi Maxamed guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka digay in la baajiyo kulanka Mike Pence iyo Maxamuud Cabaas

0

Washington(SONNA) War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan dowladda Falastiin inay hakiso kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Arrintani ayaa soo baxday waxyer un kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka Mr  Mike Pence kaasi oo la qorsheynayo in uu booqdo dhulka Falastiin.

Mas’uul sare oo katirsan xisbiga madaxweyne Maxamuud Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus,taasi oo keentay in Mareykanka uu soo saaro digniintaas.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mr Pence ayaa lafilayaa in uu socdaal ku taga Bariga Dhexe dabayaaqada Bishan,lama oga waxyaabaha shirkaasi uga qorsheysan maamulka Donald Trump.

Isku dhacyo u dhexeeya Falastiyiinta iyo ciidamada Yuhuudda ayaa ka dhacay magaalada la heysto ee Daanta Galbeed,waxaana ku dhaawacmay ilaa 30 falastiiniyiin ah.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

 

Madaxweyaha JFS oo Sharma Sheekh uga qeybgalaya shirka ganacsiga Africa+Sawirro

0

Masar(SONNA) Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa ka furmay shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Soomaaliya waxaa uga qebgalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkiisa Masar ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka  lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in uu kulamo la yeeshey madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi qaar kood,kuwaasi oo xiriir uu kala dhexeeya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay go’aanka Maraykanka ee Qudus

0

Muqdisho (SONNA), Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.