Gaalkacyo oo laga hir-gelinayo Garsoor ciidan oo ka madax banana Maamulada Galmudug iyo Puntland….

Date:

Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  Qeybaha  21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegay SNV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay SNTV in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro,  ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu  u sheegay SNTV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale