Home Blog Page 1388

In ka badan 100 arday oo deeq waxbarasho loogu qaaday Dalka Sudan

0

Muqdisho (SONNA) In kabadan 100-boqol Arday oo helay deeq Waxbarasho ayaa maanta u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan

Ardaydan oo tiradoodu ay tahay 115 arday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo marti sharaf kale.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan la taliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka xiriirka dibadda ayaa sheegay in ardayda ay yihiin kuwii ku guuleystay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku sii sagootineynaa ardayda kaalimaha koowaad ka galay Imtixaamkii qaranka ee la qaaday sanad dugsiyeedka 2016-2017, tirada ardayda waa 115 arday, 90 waa wiilal halka 25 ay yihiin gabdho, waxaana ay soo baranayaan takhasuusyo kala duwan” ayuu yiri Ismaaciil.

Qaar ka mid ah ardayda kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay ka heleen dowladda Sudan, iyagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay deeqda ay siisay iyo dadaalka ay Wasaaraddu u gashay inay u dhoofaan dalka Suudaan.

Guddoomiyeyaasha Golaha shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo Khartoum heshiis ku kala saxiixday”Sawirro

0

Khartuum(SONNA) Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Xasuuq ay Daacish ka geysatay Mosul

0

SONNA-( Baghdad)- Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa shaacisay in Ururka Daacish ay qudha ka jareen ugu yaraan 741 Qof oo rayad ah intii uu socda dagaalkii lagaga saarayay Magaalada Mosul.

Madaxa guddiga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Zeid Raad Al Xuseen ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ka jawaabaan kuwii Mas’uulka ka ahaa ficillada arxan darrada ahaa ee ka dhacay halkaas.

Qaramada Midoobay laanteeda xuquuqul Insaanka ayaa sidoo kale sheegtay in la baarayo tacaddiyada la sheegay inay halkaasi ka geysteen Ciidamada Ciraaq iyo gabbood falladii dhacay.

ISIS ayaa la sheegay inay kumanaan Qof ka dhigatay gabbaad, taasoo sababtay inay inay halkaasi ku dhintaan  461 Qof duqeymaha ay geysteen ciidamada Ciraaq iyo kuwa Mareykanka, laga soo billaabo bishii November ee 2016 illaa July 2017.

Qaramada midoobay ayaa dhimashada wadarta guud ku sheegtay 2,521 Qof oo shacab ah, halka 1,673 kalena la dhaawacay intii uu socday howlgalka Ururka Daacish looga saarayay Magaalada Mosul.

Baarlamaanada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo Heshiis kala saxiixday

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu  ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka digay diidmada Shilin Soomaaliga

0

Baladweyne(SONNA) Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne.

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay iney arrintani ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ganacsatada Baladweyne, wxuuna ugu baaqay iney bulshada dan yarta ah ka qaadaan cunaqabataynta ay saareen haddii kale lala xisaabtami doono.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga,waxanay sheegeen qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka (EVC PLUS)  oo aan la wada awoodin.

Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo maxkamad ka soo muuqday

0

Muqsdisho(SONNA) Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Bakistan Nawaz Sharif ayaa ka soo muuqday Maxkamad ka dib markii lagu eedeeyay labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamada,Nawaz Shariif iyo Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xiriira hanti ay ku leeyihiin magaalada London.

Dadka taageersan Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan ayaa sheegay in dacwadahani ay siyaasadeysan yihiin,isaga qudhiisana eedeynta wuu iska diiday.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra’iisulwasaarenimada bishii Luulyo ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baaritaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad ka soo muuqdeen Ra’iisulwasaaraha, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Wariyaal ku sugan magaalada Islamabad ayaa soo sheegaya in dhageysiga Koowaad ee Maxamadeynta Shariif si dhow loogala socon doono gudaha Pakistan iyo dibaddaba.

Qareenada u doodaya Ra’iisal wasaarihii hore ee Bakistan Nawaz Shariif iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa sheegaya in dacwadani ay tahay mid siyaasad ka danbeyso,islamarkaana aanay mid xaqiiqda iyo cadaalada ku saleysan.

Madaxweye Farmaajo oo Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay W/Warfaafinta Dowlad goboleedyada+(Sawiro)

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf ah  la qaatay  Wasiiradda Warfaafinta Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo Magaaladda Muqdisho u joogay,Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow,Agaasimayaal, Wasiirada Warfaafinta Dowlad goboleedyada,Xildhibano iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo Warbaahinta Soomaaliyeed ku saabsan iyo doorka horumarka dalka ay ka qaataan.

Kulanka Qodobaddii lagu soo qaaday oo ugu weynaa waxaa kamid ah Muhiimadda Saxaafadda ay leedahay, doorka ay ka qaataan Wacyi gelinta Bulshada,Amniga iyo ka qeyb qaadashada Dagaal Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in Guud ahaa Meelaha ay kaga dhuumanayaa Argagixisada Alshabaab dalka ay kaga xoreyso iyo arrimo kale.

Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, ayaa Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay Shirweyne Wadatashi ahaa oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay,waxaana shirkaasi ay uga hadleyn sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii Wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo addeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho ka socday.

Madaxweyne Gaas oo kulan gaar ah la yeeshey xubnaha labada Aqal ee Puntland matalaya

0

Kulanka casho sharafta ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad Goboleedka Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo xubno katirsan madaxtooyada maamulkaasi.

Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u matala Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin qodobadan soo socda.

  1. Isxog waraysi.
  2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta maamulka Puntland iyo DFS.
  3. qaybsiga khayraadka dalka.
  4. Arrimaha Fadaraalka iyo Dastuurka
  5. kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xog-waramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u matalaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Trump oo Twitterkiisa muddo kooban hawada laga saaray

0

Donal Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa cinwaanka uu ku leeyahay barta Twitterka laga saarey hawada muddo kooban taasi oo jahwareer iyo shaki gelisay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Falkani ayaa dhacay fiidnimadii khamiista,balse uu goor dambe uu dib ugu soo laabytay hawada,waxaaan shirkadu ay ka hadashey sababta keentay arrintaasi.

Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in cinwankiisa Tiwitterku ay ku xiran yihiin dad gaaraya 41.7 milyen oo ruux oo ku kala nool dunida dacaladeeda,waxaana uu hawada ka maqnaa Ciwaanka madaxweynaha muddo dhan 11 daqiiqo, waxaana soconayan baaritaano arrintani ku aadan Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Wararka ayaa sheegaya in Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban ay arkayeen fariin dhahaysa cinwaankaasi majiro.

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.

Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay.

MMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in istaicmaalka Twitterka uu ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.

Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.