Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Gaalkacyo

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu  kula kulmo waxgaradka, bulshada dhinacyadii magaaladaan isku hayey iyo saraakiisha ciidanka amniga.

Waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac iyo kumanaan dadweynaha magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...