Home Blog Page 1386

Gudiga Gurmadka ee Putland oo soo gaaray Muqdisho”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA)-Gudiga gurmadka Qaran ee Putland ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho kuwaas oo wada lacago ay iska soo aruuriyeen shacabka iyo maamulka Putland si-ay uga qeyb qaataan Gurmadka loo sameynayo Dadkii dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Magaaladda Muqdisho 14 kii October.

Goroonka Diyaaraha Muqdisho ayaa waxaa gudigan  ku soo dhaweeyey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xubno ka socday Gudiga Gurmadka Deg Deg ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceynsane ayaa sheegay in loobahan in Soomaalidu isgarab istaagto ayna ugu mahadcelinayaan sida ay ay ugu soo gurmadeen walaalahooda dhibtu gaartay.

Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo aruuriyaan shacabka iyo maamulka putland ayaa gaareysay 480,000 kun oo Dallar taasi oo loogu tala galay in loogu gargaaray dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay musiibadii ka  dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha abaabulka dagaalka Alshabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

-DHAMMAAD-

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegano katirsan Shabeelooyinka

0

Howlgaladani oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaano katirsan Gobolada Shabeelooyinka ayaa waxaa Maleeshiyaadka Shabaab looga saarey deegaano dhowr ah oo katirsan labada Gobol.

Deegaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto,Daniga Baalow iyo Deegaanka Jabaluul oo dhamaan toodi ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

Waxaa hoggaaminaya howlagaladaasi Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/llaahi Cali Caanood iyo abaanduulaha qeybta 12ka April Janaraal  MAxmuud Maxamed Koronto kuwaasi oo ciidamada ku dhiiro geliyay in Shacabka ay ka difaacaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada guud ee howlgaladan ay yihiin sidii kooxda Shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka isku xira Gobolada Shabeelada Hoose,SHabelada Dhexe iyo deegaanada ku xeeran oo inta badan Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.

Howlgaladani ayaa ku so beegmaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Maleeshiyada Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

Madaxda Soomaliya oo go’aan midaysan dul dhigtay sariikiisha AMISOM+ Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa siweyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka looga ciribtirayo Alshabaab iyada oo sidoo kale la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

Ururka Haweenka Qaranka oo 50 Haween ah baray farsamada gacanta

0

Muqdisho (SONNA) – Ururka Haweenka Qaranka ayaa maanta tababbar u soo gabo gabeysay 50 haween ah oo la baray farsamada gacanta, gaar ahaan tolidda dharka, iyadoo munaasabaddii lagu soo gabo gabeynayay ay ka qeyb galeen xubno kala duwan iyo madaxda ururka.

Qaar ka mid ah haweenkii la baray farsamada gacanta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadaha la baray, sida tolidda dharka, ayna ku maareeyn doonaan noloshooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Marwo Madiino Maxamed Warsame oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in haweenka tababbarka loo soo xiray ay ka kala yimaadeen 17-ka degmo ee Gobolka iyo qaar ka mid ah xeryaha Barakacayaasha.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay inay joogteyn doonaan tababbarada gacanta ee la siinayo haweenka, si ay noloshooda u maareeyaan, waxaana ay dowladda Shiinaha uga mahadcelisay sida ay gacanta uga geysteen taaba gelinta tababbarka.

Tababbarka oo socday muddo afar bilood ah ayaa haweenkii ka faa’iideystay waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad, maadaama la siiyay xirfado ay ku shaqeysan karaan.

 

 

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib u dayactiray buundada Degmada Qoryooleey “SAWIRRO”

0

Qoryooleey (SONNA) – Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir ku sameeyaan buundada Degmada Qoryooleey, kaasi oo kalhore ay qarxiyeen maleeshiyada Al-Shabaab oo u jeedkoodu ahaa inay hakad geliyaan isu socodka gaadidka iyo dadweynah ee buunadada isticmaala, maadaama ay kala qeybsado buundada Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan ku-xigeenka Maaliyadda iyo Maamulka Degmada Qoryooleey ayaa xariga ka jiray buundada, kaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Degmada Qoryooley Cabdi Axmed ayaa sheegay in dayactirka buundada uu in muddo ah socday maamulka Degmaduna uu gacan ka geystay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa buundada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali  Najax ayaa u mahadceliyay Maamulka Degmada iyo bulshada ku dhaqan Degmada Qoryooleey waxa uuna sheegay in argagixsada Shabaab  ay cadaw ku yihiiin horumarka bulshada.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo Masuliyiintii la socotay ayaa booqday isbitaalka Degmada Qoryooleey, isagoo kulan la qatay Maamulka Isbitaalka iyo howlwadeenada ka howlgalla, waxaana intaasi kaddib ay booqdeen suuqa weyn ee Degmada iyo waaxyaha ay Degmada ka koobantahay.

Maaamulka  Gobolka Sheblelaha Hoose ayaa Degmada Qoryooley waxa uu ka  hirgeliyay leerarka cadceedda ku shaqeeya, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Degmada, waxaana Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Degmada ay xilli habeen ah ku dhax socdeen gudaha magaalada  iyagoo ganacsatada ka  xog warestay xaaladaha Amni ee Degmada.

 

Maxamed Cali Cumar Jubba

Haween la baray farsamada gacanta si ay u maareeyaan noloshooda

0

Muqdisho (SONNA) – Boqol Haween ah oo ka mid ah dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Goblka Benaadir ayaa loo soo gaba gabeeyay tababbar muddo afar bilood ah socday oo ay ku baranayeen farsamada gacanta gaar ahaan ka shaqeynta Harqaanka iyo tolista dharka, isla markaana Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SSWC ay bixineysay, iyadoo sidookale haweenkaasi la guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen oo dhameystiran.

Agaasimaha Hey’adda SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ujeedka tababbarkan uu ahaa in Haweenka lagu dhiiri geliyo inay shaqeystaan si ay u maareeyaan nolosho qoysaskooda

Cabduqaadir Gacal Abkow oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada arrimaha Haweenka ka shaqeysa ee SWDC ayaa haweenka tababbarka loo soo xiray ku bogaadiyay inay ku shaqeystaan waxyaabaha la baray

Qaar ka mid ah Haweenkii loo soo xiray tababbarka ay ku baranayeen tolista harqaanka ayaa sheegay in waxyaabaha la baray ay bulshada inteeda kale usii faa’iideyn doonaan, ayna dhankooda ugu shaqeystaan.

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada DFS “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Wasiirada DFS.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada DFS arrimo la xiriira xaaladda Guud ee dalka, wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee Wasaraddaha Puntland iyo kuwa DFS, Isxog waraysi, arrimaha Fadaraaliisamka iyo dhamaystirka Dastuurka DFS, ka xoraynta dalka xooxaha nabad diidka ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in kulan kani noqonayo kii ugu horeeyey oo ay Muqdisho ku-yeeshaan Wasiirada Puntland iyo Wasiirada DFS, isla markaana ay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeedba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada tashto ka xoreynta dalka kooxaha nabad diidka ah, madaama ay lid ku yihiin horumarka dalka, Nabadda, Xasiloonida iyo isu socodka dhammaan gobolada Soomaaliya,  isla mar’ahaantaana ay taasi u baahan tahay in laga yeesho qorshe dhab ah oo lagu curyaamin karo laguna soo dabar jari karo cadawga shacabka Soomaaliyeed ee tabarka yar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku booriyey Wasiirada Puntland iyo Kuwa DFS ee uu kulanka layeeshay  inay yeeshaan xiriir wada shaqayneed oo ku salaysan sidii Wasaarad walba oo DFS ahi ula yeelan lahayd Wasaaradaha dhiggeedaha ee ka jira dhammaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya si loo horumariyo xiriirka wada shaqayneed ee Wasaaradaha dalka.

Ugu dambayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed, wanaajinta xiriirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah DFS gaar ahaan Puntland, ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida Qaranka Soomaliyeed.

 

=DHAMMAAD=


Guddoomiye Jawaari oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

0

Wefdigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuutriyadda Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Khaartuum ee Dalka Suudaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno katirsan golayaasha Dowladda iyo mas’uuliyiin kale,waxaana ku wehliyay safarkiisa xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday safarkooda Dalka Suudaan,oo uu ahaa mid muhiimd gaar ah u lahaa Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari iyo wefdigiisa ayaa intii ay joogeen dalka Suudaan waxaa ay ka qeybgaleen shirkii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo markii ugu horeysay ka dhacay Dalka Suudaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa kulan gaar ah la yeeshey guddoonka baarlamaanka Dalka Suudaan iyagoo heshiis ku aadan wadashaqeynta labada baarlamaan ay kala saxiixdeen.

Haween la baray farsamada gacanta si ay u maareeyaan noloshooda

0

Boqol Haween ah oo ka mid ah dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee Goblka Benaadir ayaa loo soo gaba gabeeyay tababbar muddo afar bilood ah socday oo ay ku baranayeen farsamada gacanta gaar ahaan ka shaqeynta Harqaanka iyo tolista dharka, isla markaana Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SSWC ay bixineysay, iyadoo sidookale haweenkaasi la guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen oo dhameystiran.

Agaasimaha Hey’adda SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ujeedka tababbarkan uu ahaa in Haweenka lagu dhiiri geliyo inay shaqeystaan si ay u maareeyaan nolosho qoysaskooda

Cabduqaadir Gacal Abkow oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada arrimaha Haweenka ka shaqeysa ee SWDC ayaa haweenka tababbarka loo soo xiray ku bogaadiyay inay ku shaqeystaan waxyaabaha la baray

Qaar ka mid ah Haweenkii loo soo xiray tababbarka ay ku baranayeen tolista harqaanka ayaa sheegay in waxyaabaha la baray ay bulshada inteeda kale usii faa’iideyn doonaan, ayna dhankooda ugu shaqeystaan.