Degreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabey guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee K/Galbeed oo markii ugu horeysay uu yeesho Dowlad Goboleedka K/Galbeed.

Date:

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse,kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax  oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Degreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta Xilalka loo magaacaabey  ay xilkooda u gutaan si hufan, islamarkaana si Caddaalad iyo Sinnaan Ku Jirto Ugu Adeegaan, Adeegyada ay uga baahanyihiin bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...