Home Blog Page 1376

Ururka Iskaashiga Islaamka oo soo dhaweeyay magacaabista ergayga Gaarka ah ee Maymar

0
War maanta oo Arbaco ah ka soo baxay Xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee magalada Jiddeh ayaa lagu sheegay inuu Ururku si diiran u soo dhaweynayo qaraaka ka soo baxay Qaraamada Midoobay oo ah in ergay gaar ah loo magacaabo Xiisadda ka aloosan dalka Maymar oo guryahoodii laga soo barakiciyay kumanaan kun oo Muslimiinta Rohingya.
Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in talabadan magacaabista egaygaasi ay tahay mid lagama maar maan noqotay marka loo eego dhibaatada dadka tirada yer ee Muslimiinta dalkaasi Maymar ee Rohin-gaha lagu hayo.
Mr Guterres Wuxuuna intaa raaciyay inay talaabadaasi ay Qaraamada Midoobau u cuskatay  qodobka 122 ee codeyntii axadii la soo dhaafay ka dhacday xarunta Qaraamada Midoobay ee magaalada New-york kuna saabsaneyd  arrinta muslimiinta Gobolka Rohingya oo Ciidamada dalkaasi Maymar  dagaalka ay kaga soo barakiciyeen dagaanadooda.
Talaabadan muhimka oo ay qaramada Midoobay qaaday ayaa ku soo aaday xilli uu Ururka iskaashiga islaamku dadaal badan ugu jiro xal u helidda dhibaatada soo wajahday muslimiinta Rohingya ee dalka Maymar.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirrada ee soo dhisay Madaxweyne Waare

0

Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ansxiyay golaha wasiirrada ee uu soo dhisay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

77 xildhibaan oo ka mid ah 79 mudane oo soo xaadiray fadhigii codka loogu qaadayay xukuumadda cusub ayaa u codeeyay ansixinta xukuumadda, halka 2  xildhibaanna ay diideen.

 

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in ay Xoojinayso Tayada Waxbarashada Dalka.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Soomaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta Waxbarashada Dalka.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa tilmaamay in Wasaaradda oo ka duulaysa xoojinta Waxbarashada Qaranka ay Tababaro siiyeen Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo xoogan ugu jirta xoojinta iyo sare u qaadida Waxbarashada Qaranka iyadoona ay xusid mudan tahay in Hormarka dalka uu ku talaabsanayo ay kow ka tahay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Saraakiisha Da’da yar ee Ciidanka Xoogga.

0

Iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ku aadanaa in Saraakisha Da’yar ee dalka loosoo tababaray ay ka dhex muuqdaan hoggaamadda ciidanka xoogga dalka ayaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen/ C/wali Jaamac Gorod waxa uu isugu yeeray Saraakiisha Da’yar ee Ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha Dhalinyarada ee tababaro heer ka sare ah kusoo qaatay wadamo kala duwan ayaa Taliyaha ka codsaday in fursad la siiyo si wax kaga bedelaan amniga guud ee dalka, iyagoo balanqaaday inay dalka guud ahaan ka xureyn doonaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Cabdi wali Jaamac Gorod ayaa Saraakiisha da’yar u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo, isagoo ku amaanay sida ay ugu faraxsan yihiin dalkooda iyo dadkooda in ay naftooda u huraan, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu weydiistay inuu la kulmo Saraakiil Dhalinyaro ah oo ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan la kulmo saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh oo hadana muujinaya waxa ay qabaan, wadaniyada haday tahay aqoon haday tahay oo sida ay u arkaan inay wax u qabtaan, waxaa nasiib wanaag kala ah in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu i weydiistay inuu arko Saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaanka ciidanka xoogga dalka ka dhex muuqda, waxaa is waafaqay Dareenkiina aan aniga qabay iyo midkii Madaxweynaha ayaa is waafaqay, laga bilaabo hoggaanada ilaa horin ilaa koox Saraakiisha Dhalinyarada ayaan ka dhigeynaa haduuu ilaah yiraahdo”ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay hoggaannada Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada kusoo fooda leh ciidamada xoogga dalka ee dalka looga cirib tirayo Al shabaab iyo sidii looga shaqeyn lahaa dib usoo kabashada ciidamada.

Shirka Guddoonada Golaha Sharci dajinta Dalka oo ka furmay Baydhabo.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa magaalada Baydhabo ka furay Shirka Guddoonada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Shirkan oo socon doonaa Mudo sedex Maalmood ah ayaa looga hadlayaa xoojinta iyo wada shaqeynta Golaha shacabka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Dhexe.

Waxaa la filayaa Gaba gabada shirka in laga soo saaro Warmurtiyeed la isku raacsan, iyadoo Amaanka Guud ahaan magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

Guddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Baydhabo gaaray

0

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wefdi guddoomiyaha golaha shacabka uu hoggaaminayo ayaa kulammo la qaadanaya masuuliyiin sare ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka qeyb-galaya shir ay isugu imaanayaan Barlamaannada dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Barlamaanka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jubbalaan oo Kismaayo ku soo dhoweeyey Ciyaartooyda kooxda Jubbaland

0

Ciyaartoyda xulka kubada cagta Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose oo ay kulan noqdeen koobkii Kubada cagta ee Dowlad Gobaleedyada iyo Banaadir kaasoo ciyaarta Finalka ay kaga guuleysteen Xulka kubada cagta Puntland.

Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa damaashaad iyo farxad kusoo dhaweeyay ciyaartoyda Xulka kubada cagta Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay lasoo laabteen ciyaartoyda Jubbaland, waxaana magaalada oo dhan ka soconaya damaashaad xoogan oo ciyaartoyda lagu soo dhaweynayo.

Xidigaha xulka Jubbaland ayaa intii uu socday tartanka kubada cagta Dowlad Gobaleedyada waxay soo bandhigeen ciyaaro aad u wanaagsan oo loo riyaaqay.

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo xarigga ka jaray xarunta agoonta Boliiska Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xarunta agoonta Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Xaruntaan oo lagu taalla degmada Wadajir waxaa hirgaliyey sii hayaha taliyaha ciidanka Boliiska iyo  saraakiisha hoggaannada Boliiska, waxaa goobjoogeyaal ka ahaa masuuliyiin uu ka mid tahay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xarunta oo lagu xannaaneyn doono aqoonta ay ka Shahiideen ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Ururka Sosda ayaa Qalan waxbarasho ku wareejiyey ku simaha Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed, si waxbarashooda ay ugu bilowdaan agoonta.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Lataliye sare Xafiiska madaxweynaha ayaa ku ammaanay Boliiska Soomaaliyeed daryeelka agoonta, sidoo kale S/guuto Maxamed Axmed Geesa-cadde ayaa u mahadceliyey dadkii ku gacan siiyey hirgelinta xaruntaan.

Sii xilka taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan barbaarinta agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ciidanka shaqeeya oo dhanna ay qeybtooda ka qaadanayaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxame Abuukar Isloow (Ducaale oo xaruntan furay ayaa ugu baaqay labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya in ay ka qeyb-qaataan Xaannada Agoonta Boliiska iyo Waxbarashadooda.

Ugu dambeyn Cali Cabdullaahi Abti-doon oo ka mid ah ehelka carruutooda xaruntan lagu xanneeyn doono ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Boliiska Soomaaliyeed oo ah astaanta nabadda iyo u adeegaha Bulshada Soomaaliyeed.

Xarunta Aqoonta ayaa waxay ka kooban tahay Qeyb jiif ah,Iskuul wax lagu barto,Dugsiga Qur’aan,Masjid lagu tukado iyo Garoon kubadda ay ku ciyaaraan carruurtan Agoonta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka Puntland ku ammaanay doorkooda hirgelinta Federaalleynta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed.

Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta  wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Barlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaanka Federaal iyo dib u ka bashadiisa dalka.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan xal u helidda dhibaatooyinka Gabdhaha Saxafiyiinta oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

0

Madashan aqoon isweydaarsiga ku saabsaneyn dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha Saxafiyiinta iyo Xuquuqda Aas-saasiga ee Sufuxiyiinta, waxaa soo qaban qaabiyey ururka u dooda Xuquuqda Gabdhaha Saxafiyiinta ee SOWJRA, wasiirka Warfaafinta, guddoomiyaha NOSOJ, saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta iyo gabdhaha saxafiyiin ee ka howlgalla Mudisho ayaa madasha kulanka isku dhaafsaday dooda mira-dhal ahaa.

Xubno ka mid ah gadhihii saxafiyiinta ahaa ee kulanka ka soo qeyb-galay ayaa soo bandhigay afkaaro ka xiriira dhibaatooyinka ay la kulmi karaan iyo sida xilligaan uu xalka ku jiro, iyadoo loo marayo dhabbaha Saxaafaddeed.

Guddoomiyaha Ururka SOWJRA Leyla Cadceed Cismaan ayaa sharraxaadka bixisay waxa uu u taagan yahay ururkooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay horumar sameeyaan Gabdhaha Saxafiyiinta ah.

Tafaftiraha Telefishinka Qaranka, guddoomiyaha Ururka NOSOJ iyo Abuukar Cawaale (Qaad-diid), ayaa si wadajir ah daraaran ugu jeediyey Gabadhaha Saxafiyiinta ah, si ay ugu dhiiradaan ka miradhallinta Mihnaddooda Saxaafaddeed, loogana gudbo caqabaha jira.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in gabdhuhu ay astaan horumar u yihiin bulshada Soomaalida, loona baahan yahay in ay dhiiradaan, si ay himiladooda u gaaraan.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo dhoweeyey dedaalka ururka SOWJRA, isla markaana wasaaradda Warfaafinta ay ka go’an tahay dhiiragelinta gabdhaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed.