Ciidamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya (warbixin)

Date:

Ciidamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, waxayna ka mid yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa ka kooban Afar tiir oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo ciidanka difaaca cirka.

Sanadkii 1963kii waxaa safar magaalada Moosko ku tagay ra’iisal wasaarihii xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaasi Dr:- C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Gen:- Daauud C/lle Xirsi waxayna heshiisyo la soo galeen daowladii  Midowga Soofiyeeti.

Heshiiskaa oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab milatari oo dhanka badda ah sida maraakiibta dagaalka,muddo yar kadibna Ciidamada Badda waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysay 40-askari oo isugu jiray Saraakiil ,S/xigeen iyo Dabley,tiradaasi yar ee ciidanka Badda Soomaliya lagu aasaasay ayaa waqti gaaban kadib isku bedelay Ciidamo tiro iyo tayo ahaanba loogu aamini karay ilaalinta Xeebta dheer  ee Soomaaliya.

Bishii febaraayo sanadkii 1965kii dowlada Midowgii Soofiyeeti waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowlada soomaaliya waxayna ku wareejisay ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya maraakiibtii ugu horaysay ee ciidanku ku howlgalay,saraakiisha ,maalintaasi oo loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda iyo difaaca xeebaha looga dabaaldago jamhuuriyada Soomaaliya.

Ciidamada badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Midowga Soofiyeeti, mudo sanad ka yar kadibna waxaa ciidanka Badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxa ay ciidanka badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo markii loo baahdo ka dagaalami kara dhulka.

Sanadkii 1977kii ciidamada badda waxa ay lahaayeen labaatan-markab Toban urur oo Commandos ah oo badda iyo berigaba ka dagaalama Toban iyo shan -Bar oo xeebaha ku tixnaa, iskuul lagu barto Culuumta badaha oo ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo ku yaallay magaalada Baraawe.

Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baraawe.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa soo maray Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Macoow,  Col- Cali Xaashi Barre,  Admiral Maxamed Cumar Cismaan,  Admiral Saciid C/lla Cumar, Admiral Faarax Qare, Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii saameeyay dalka waxa ayna hada ku howlgalaan Doonyo dheereeya, kuwaa oo sameeya sahan,  kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow, sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si baadda Soomaaliya looga ilaaliyo baylahada.

Mudnaanta ay leedahay maalintaan qiimaha leh ee sanadguuradii 53aad ee Ciidamadda badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed  awgeed ayaa waxaa hambalyo u dray saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Aliflayda, dablayda ciidamada Badda iyo Xaasaskooda Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya  Max’ed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisalwasaaraha Xukumada Federalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha Ciidanka Xoga Dalka Soomaaliya  Sareeye gaas C/Wali Jaamac Gorod, dhamman masuuliyiintaan ayaa u rajeeyeen Ciidamada Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed inay sanadguuradaan teeda kale  ku gaaraan horumar iyo in ay ku guulaystaan waajibaadka qaran ay dalkooda u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...