Dalalka ku jira urur gobolleedka IGAD oo Muqdisho uga shiray arrimaha Socdaalka

Date:

Muddo afar maalmood ah oo uu socon doono Shirkan Wadatashiga ah ayaa ayaa looga doodayaa Sharciga isu-socodka xorta ah ee dadka IGAD si dalalka xubnaha ka  ah Urur Goboleedka IGAD ay isku waafajiyaan siyaasadahooda dhinacyada Ganacsiga,Gaadiidka,isgaarsiinta,beeraha iyo Keyraadka dabiiciga ah iyo in Alaabaha iyo dadku iskku gudbaan.

Waxaana Shirkan ka qeybgalaya Masuuliyiin katirsan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah oo ay kamid yihiin Agaaismaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, xoghayaha joogtada ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Somaaliiya, wakiilo kasocday dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee buulshada iyo mas’uliyiin ka tirsan Qaramada Midoowe, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD  oo iyagu shirka soo qaban qaabiyey

Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambasador Jamaaludiin Mustafa oo ku hadlayay magaca Xogahayaha Guud ee IGAD ayaa sheegay in shirkan uu daba joogo shirar isla sharcigan looga doodayey  oo lagu qabtay dalalka Uganda, Jabuuti iyo Ethiopia.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dwoladda Federaalka ah G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa xusay in isu socodka dalalaka IGAD oo la hagajaiyo ay muhiim u tahay dalalka ku jira IGAD ayna u horseedi karto hormar wadajir ah.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliya Cali Maxamed Cali ayaa ka qeybgalayaasha shirka ugu baaqay inay si qota dheer uga doodaadaan sharciga isu-socodka xorta ah ee dalalka IGAD iyagoo ka eegaya danta dalka iyo dadka Soomalaiyeed.

Wakiilada ka socday Qaramada Midoowe, Midowga Yurub iyo Midowga Africa ayaa bogaadiyay in la sameeyo sharciga isu socdka xorta ah ee dalalka Urur Goboleedka IGAD ku bohoobey.

iyagoona sheegay in Sharcigan uu wax badan ka badali doono  dhaqaalaha Wadamada ku bahoobay IGAD iyo ilaalinta xuquuqda Qoxootiga maadaama dalalkan ay ku badan yihiin dadka qoxootiga oo isaga gudaba Wadamada dariska ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...