Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah G/sare Cabdi Naasir Xoosh

Date:

Ugu  horreyn  eede ay soo gudbiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo jeediyay eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyaha  raxanta Doomaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, waxaana eedda loo jeediyay ku xusnaa in uu dil barer ah u geystay AUN S/guuto Saciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ahaa EX Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

G/sare  Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in uusan si ku tala gal ah u dilin Marxuumka  balse ey kaga fakatay sida uu sheegay.

Dhinacyada dacwadda ee kala ah xeer ilaalinta iyo qareenada ayaa kadib dooda guda galay, waxa eyna xafiiska xeer ilaalinta ugu horreynba garsoorka weydiisteen in loo ogolaado in la dhageysto markhaatiyeel goob-joog u ahaa wixii dhacay, waxa eyna dhammaan  sheegeen in uu jiray muran ka hor inta uusan falka dilka ah dhicin, sidoo kale waxa ey xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen sawirro iyo documents muujinayo dhacdadan..

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo  uu bixiyo  Diyo dhameystiran ..

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Genaral, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxamed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino)..

Ugu dambey, dhageysiga kiiskan oo sacada badan qaatay ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee  Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galayay dhageysiga dacwaddan in go’aanka Maxkamadda eey dib ka soo saari doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...