Gudoomiyaha aqalka sare oo sheegey in muhiim ay tahey in la dhiso akadeemiyada fanka iyo suugaanta

Date:

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa xukuumadda u soo jeediyay in ay ku dedaasho hir-gelinta xarumaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanka , Akadeemiyad Goboleedka AGAH, golaha murtida iyo madadaalada, Maktabadda iyo Madbacadda Qaranka oo muhiim u ah Dowlada Soomaaliya.

Mudane Xaashi; oo ka hadlayay xuska Maalinta Afka Hooyo oo shalayto ka dhacay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga fanka iyo Suugaanta ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay Dalka soo nooleynta xarunta golaha murtida iyo madadaalada Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa golaha ku tilmaamay isku xiraha Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay  Fanaaniinta Qaranka nolashooda, caafimaadkooda iyo qalabkii ay ku shaqayn lahaayeenba in wax laga qabto.

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadaasi ka balanqaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ku bixin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa Afka Hooyo ee Soomaaliga ah,wuxuuna xusay in dhawaan la dhisidoono xaruntii Akadeemiyad Goboleedka oo la dhagax dhigay sanadkii 2015kii,dowladduna ay lacag dhan 1 Milyen oo dollar ay ku bixineyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...