Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka Hirshabeelle

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta dib ugu soo laabtay, markuu safar wada tashi ah kuna saabsanaa arrimaha ammaanka uu lasoo qaatay madaxda Dowladda jabuuti.

Madaxweynaha oo  kulamo la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka federaalka u matala maamulkaasi iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbxinno ka dhagaystay mudanayaasha uu kulanka la qaatay.

Mudane; Waare ayaa ka war bixiyay kulamo uu Jabuuti kula soo qaatay madaxda Dalkaasi, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu baacsanaya Al-shabaab , furitaanka Jidadka iyo sidii laysaga kaashan lahaa nabadaynta degaannada Hirshabeelle.

Arriamaha Bini’aaddannimada ayuu sheegay inay u baahan tahay in wax laga qabto, isagoo culeyska labaadna ku tilmaamay gurista Webiga Shabeelle , Ceelasha oo fogaaday iyo xaalado abaareed oo halkaasi ka jira, taasoo saamayn ballaadhan ku yeelatay nolosha Dadka.

Madaxweyne Waare ayaa dowladda federaalka iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka ka codsaday inay gacan buuxda ka geystaan samata bixinta dadka ku tabaalaysan Dhulka Hirshabeelle iyo sidii gurmad Biyo dhaamis ah loogu samayn lahaa.

Mudane; Waare ayaa ku tilmaamay baahida jirta mid iyaga Gacantooda ka weyn , wuxuuna sheegay inay Dowladda federaalka Soomaaliya kaalin lixaad leh ka gaysato, sidoo kalan ay doorkooda ka qaataan Hay’adaha samafalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Dowladda dhexe iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa ka war bixiyay heerka ay imminka marayso xaaladda amni ee degaannada Hirshabeelle iyo arrimaha Bini’aadannimo ee halkaasi ka taagan, waxanay sheegeen inay muhiim tahay inay u wada istaagaan Dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo sama falayaasha Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...