R/wasaare Kheyre oo ka qeyb galey munaasabad lagu xusayay mallinta afka hooyo

Date:

Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo ayaa munaasabad lagu maamuusayay waxa lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay siwada jir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanka iyo Akadeemiyad Goboleedka AGAH.

Mus’uuliyiinta ka qeybgashey waxaa kamid ah Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay amunaasabadda.

C/qaadir Nuur Xuseen Maax guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay xoogga saaraan sidii loo horumarin lahaa Afka Hooyo ee Soomaaliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadaasi ka balanqaaday in Xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ku bixin doonto sidii sare loogu qaadi lahaa Afka Hooyo ee Soomaaliga ah,wuxuuna xusay in dhawaan la dhisidoono xaruntii Akadeemiyad Goboleedka oo la dhagax dhigay sanadkii 2015kii,dowladduna ay lacag dhan 1 Milyen oo dollar ay ku bixineyso.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intaasi ku daray in Dowladdu ay miisaaniyadda ku dartay Akaceemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta si loo horumariyo.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Khayre balanqaadkiisa ku aadan in Dowladdu ay kaalin teeda ka qadanayso sidii loo horumarin lahaa Afka Hooyo,isagoo ka sheekeeyey marxaladihii loo soo maray ee qorista Afka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...