Axmed Ciise Cawad oo Khartuum u tegay dhameystirka heshiis eey horey u galeen.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ku soo dhaweeyay sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule iyo Qaar ka mid ah Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukumadda Soomaaliya oo Warbaahinta Qaranka la hadlayay ayaa sheegay inuu Suudaan u yimid dardar galinta heshiis ay horay u wada galeen labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Suudaan, iyo sido kale inuu kormeero Shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu Magaalada Khartuum kaga qeyb galay shirka 7-aad ee Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Suudaan oo muddo 4 Maalin ah ka socoday Khartuum, iyadoona uu shirka soo xiray Maxdaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaaan Cumar Xasan Axmed AL-Bashiir.

Gabgabdii Shirka 7-aad ee Safiirada Suudaan ayaa waxaa Billad sharaf la guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada dalka Kenya haatana ah Wasiika Waxbarashada Kenya Aamino Maxamed Jabriil oo shirka lagu Casuumay.

Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Suudaan Ibraahiim Axmed C/caziiz, ayaa bogaadiyay kasoo qayb galka shirkan ee dhiggiisa Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ammaanay wasiiraddii hore arrimaha dibedda Kenya anha wasiirka cusub ee waxbarashada Aamina Maxamed Jabriil.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Magacaabista wasiirka arrimaha dibedda ee Dalka Kenya Ambassador; Monica Juma, wuxuuna u rajeeyay guul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...