Xarumo dheeraad ah oo laga heli doono adeegyada caasimadda oo xariga laga jaray.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yarisow ayaa sheegay in xarumahan cuusb oo maamulku hirgaliyey ay bilow u yihiin daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo xaqiijiyey in Maamulka Gobolka uu xooga saarayo sidii dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir ay degmooyinkooda uga heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka gobolka.

“waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha howsha qaban doona in ay bulshada ugu adeegaan si hufan iyo in loo fududeeyo dadweynaha adeegyada ay xafiisyadan uga baahan yihiin, iyada oo sharafatooda la dhowrayo, waxaana ka maamul ahaan diyaar u nahay in aan dhammaan adeegyada asaasiga ah sidaan oo kale bulshada usoo gaarsiinno.” Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha labada degmo ayaa goob joog ka ahaa furitaanka xarumahan.

Dadka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabadan Maamulka Banaadir uu qaaday maadaama ay markii hore adeegyada maanta degmooyinkooda loogu geeyey ay usoo aadi jireen Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...