Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal.

” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi .

Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.

Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...