Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, iyadoo weliba xoogga la saarayo dhanka ciidamada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

” waxaan uga mahadcelinayaa ciidanka Burundi in ay naftooda noo huraan si ay uga qeyb qaataan xasilinta Soomaaliya, taasina maahan mid aan ilaawi doonno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya wada shaqaynta saaxiibtinimada ku dhisan ee ay wadaagaan labada dal.

” Waxaan sii xoojinaynaa taageerada ciidamada, tababarada iyo in aan garab istaagno ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay u hantaan masuuliyadda ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi .

Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ay Soomaaliya u arkaan dal ay Walaalo yihiin, ayna u hayaan abaal ay Soomaaliya horay ugu gashay hadda kahor, mar uu dalkiisa Burundi ku jiray xaalado adag.

Madaxweyne Kuxigeenka Burundi ayaa casumaad booqasho rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku yimaado dalka Burundi, si ay uga wada hadlaan danaha labada wadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaadda booqashada rasmiga ah ee uu u fidiyey Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi, sidoo kalena wuxuu Madaxweynuhu sheegay in dalka Burundi uu yahay dal waxbadan garab istaagay Soomaaliya dalkiisana uusan ilaawi doonin abaalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr....

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...