Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.

Date:

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayna soo qaban qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan waxaa ka soo qeyb galay madaxda Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Ugu horeyn inta aysan bilaawan Munaasabadda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa goobta ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkane Suudaan Cabdiweli Xasan Xuseen iyo Fiidwo Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ardayda Somaaliyeed ee Dalkaasi Suudaan waxkabarata ayaa warbixin ku saabsan xaaladooda nololeed iyo heerkooda waxbarasho uga xog waramay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wafdigiisa,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Qudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ardayda ugu warbixiyay xaalka Dalka uu marayo iyo horumarka ay ku tilaabsatay Dowladda Soomaaliya,isagoo Ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta soo gabagabeeya booqasho 4-maalin qaadatay oo uu ku joogay Dalka Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...