Home Blog Page 1361

Maamulka hirshabelle oo hub ku wareejiyey ciidamada Amisom

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen lagu qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay qaar kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu weeraray duleedka degmada Balcad.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow waxana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Milatarigaba ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan ugu tagnay iyadoo ciidamadii Alshabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay,waxaan ka soo badbaadinay qaar ka mid ah qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen,ciidamo go’odoomay”ayuu yiri taliye Xasan Dhicisow.

Munaasabadan ayaa lagu wareejiyay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan halkan aan u joogaa in aan dib ula wareegno hub lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen walaalaheena.”ayuu yiri sarkaalka u sareeya ciidamada AMISOM ee ka howlgala dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Tan waxa ay cadeyn u tahay in aan iskaashanayno oo aan si wadajir ah oo walaatinimo leh aad inoola shaqeyneysaan.”ayuu sii raaciyay sarkaalkan.

Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada gurmadka fidiyay ay ahaayeen kuwo muujiyay geesinimo isla markaana maamulka uu abaalmarinayo.

“Sharafta iyo geesinimada aad muujiseen kuwii gurmaday iyo kuwii taakuleeyay intaba waa mid muujineysa Wadaninimo iyo Soomaalinimo.”ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay munaasabad lagu wareejinayay hub ay ciidamada dowlada federalka ka soo badbaadiyeen weerar ay ku qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasoo saad u sidey ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Jowhar.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo hormarineed

Munaasabadan oo  ku saabsaneyd mid Mashaariic  horumarineed ay  ku kala  saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TiKA ayaa   ujeedada tahay  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka  wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga  Soomaaliya  olgan Baker  oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay  go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha  Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
  2.  Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
  3.  in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baa’i’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeena.

Al Shabaab Bomb target diffused before exploding.

0

Puntland Security Forces (PSF) destroyed four roadside bombs in Galgala Mountains. The roadside bombs planted by the Islamist Al-Shabaab militants were targeting convoy of the security forces or security mobile patrols vehicle.

In the statement, PSF bomb team said they successfully defused the bombs that were planted on a road in the Bali-khadar area of Galgala Mountains, where Puntland forces are battling Al-Shabab militants.

The Al-Qaeda branch in Somalia has resulted to planting of roadside bombs on military supply routes targeting government forces and AMISOM troops.

In December 2017, Puntland bomb expert, Colonel Osman Abshir Omar was killed while trying to defuse a roadside bomb in Galgala Mountains; Al-Shabab militant claimed the responsibility for the attack.

Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo soo gaarey magallada Muqdisho

0

Maxaabiistan oo maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah .

R/wasaare ku-xigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashay siideynta muwaadiniinteeda oo ku xir-xiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay ee Ku harsaneyd Hindiya,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76-na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtay Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaalla dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaanno Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geysta dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey odeyaasha dhaqanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.

“In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.

Wasaaradda Howlaha Guud oo ka qeyb qaadaneysa Bilicda Xarunta Tababarada Ciidanka Xoogga ee Turky-Som

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo  dib u Dhiska Xukumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Shaqalaha Wasaaradda Howlaha Guud ayaa iska kaashaday ka qeyb qaadashada hagaajinta iyo ka shaqeynta bilicda xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Xogga ee Turk-Som,  iyaagona gaarsiyey caro loogu tala galay beeridda dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay iney caraddaan tahay mid ay baahi u qabeen islmarkaana madaxda Dugsiga ay ay ka codsadeen iney ka caawiyaan, si kor loogu qaado  hagaajinta iyo bilicda Dugsiga oo ah xarun ay wax ku bartaan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney kaalin muuqata ka qaataan sidii  bilicda dugsiga loo tayeyn lahaa maadaama dowlada Turkiga ay qeyb weyn mar walibo ka qaataan hormarka dalka.

Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatey guddoomiyeyaashaa gobolada Puntland

0

Kulankan uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland uu la qaatey guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga oo uu ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdulaahi Timacde iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankan uu maanta la qaatey Wasaaradda iyo Guddoomiyeyaasha gobolada waxaa looga wada hadley xaalada guud ee Gobolada sida Amniga, nidaamka dawliga ah, Cashuurha, Dhaqaalaha, waxbarashada, Horumarinta, Abaaraha, xaalufka deegaanka iyo daaweynta xoolaha.

Dhinac kale Guddoomiyeyaasha Gobolada oo warbixino kooban siiyey madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada guud ee amniga goboladu wanaagsan tahay, balse meelaha qaar ay ka jiraan xaalad abaareed oo hada isku bedashey biyo dhaamis.

Sidoo kale Madaxweynaha D Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadley Guddoomiyeyaasha Gobolada ayaa waxa uu farey inay dar dar geliyaan qaadida canshuuraha bariga iyo macaashkaba isla mar ahaantana ay adkeeyaan ilaalinta sharciga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalana looga baahan yahey inay la xisaabtamaan hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO) iyo hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gar-gaarka aadanaha si loo hubiyo in la gaarsiiyey adeegii saxdaha ahaa dadka danyarta ah sida barkacayasha, reer guuraaga, dadka ay abaaru saameeyeen iyo guud ahaan shacbka reer Puntland.

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaare Khayre oo u amba baxay Mareykanka

0

Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka ambabaxey Magallada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Dalka Mareykanka ayaa la filaaa in uga qeybgalaan shir ka dhacaya magaalada (Washington DC).

Waxaa kamid ah wafdga ra’iisul Wasaaraha xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayay arrimaha wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018ka,kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Banggiga Adduunka.

Waxaa la filaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,waxayaabaha ugu badan oo diiradda u saran wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in deymaha laga cafiyo.

 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatey Wasiirka arimha dastuurka

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo ay wehliyeen Ku-Xigeenadiisa.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay masuuliyiinta kaga hadleen hannaanka dhameeystirka Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegayay sida ay uga go’antahay in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri “Waxaa naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin lahaa ilaa heer degmo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina waxay ku imaan kartaa marka inaga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka Gobolka Banaadir”.

Dhanka kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo masuuliyiintii la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna dhankiisa ballanqaaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyn doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Qaranka u heyso.

Ugu dambayn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoonka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna billaw u ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay 2-dii bishan magaalada Kampala ee Xarinta Dalka Uganda, kaas uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya ka jeediayay shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandakulan kula qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).

Shirka uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeyb-galay ayaa waxa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, waxaana madaxdii shirkaasi ka qeyb-gashay ay bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo halkaasi ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxdii shirkaasi ka soo qeyb-gashay ayaa ammaanay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyad dalka ,iyagoo isku raacay in la xoojiyo kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaalada ay ku xasilinayso Soomaaliya.