Home Blog Page 1361

Warmurtiyeedkii laga soo saaray Shir Weynihii Kismaayo

0

Warmurtiyeed  kaso baxay shirweyne  qatay mudo labo maalin ah oo  ay ka qayb galen wasiirka  wasaaraadda dhalinyarad iyo spoortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo kuwa Maamul goboleedayada kajiraha dalka ayaa lagu so gabgabeyaay magaalada Kismaayo ee maamulka goboleedka Jubbaland.

 

Waxana looga arrinsanyaay wada shaqeynta ay yeelnayaan  wasaaraadah dhalinyarada iyo spoortiga  maamul goboleedayda dalka iyo wasaaraada dalinyarada iyo spoortiga Xukuumaada Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas oo heshiis la saxiixday Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

0

Puntland(SONNA)Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa shalay si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda Dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanadaeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul,  waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar,  isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida.

 

MadaxwyneWaare oo wada qorshe uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada

0

Ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in weli Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan  kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele ayaa wadaa kulamo wadatashi ah oo ku aadan soo xulista xubanaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhisidoono la yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Bare iyo madaxweynaha oo ay weliyaan madaxweyne ku xigeenka ayaa wadatashiyo ku aadan qaab dhismeedka Golaha Wasiirada ku yeeshey magaaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Waare uu wado qorshe ku aadan isbedelo cusub la sameeyo.

Waxaa laga dhursugayaa madaxweynaha magacaabista Golaha Wasiirada marka ay so dhamaadaan kulamada wadatashiyada ah oo todobaadyadii ugu dambeeyey ka soconayay magaalada Jowhar.

Madaxweyne Gaas oo heshiis la saxiixday Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe .

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda Dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanadaeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul,  waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar,  isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida.

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya

0

Madaxweynaha dowladda Masar ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsato wabiga Biyaha Nile, oo labada dal ay ku muransan yihiin.

Waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa xusay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.

Waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay fahansan tahay horumarka dowladda Itoobiya ,hadana marna aysan aqbali doonin in qeybta Biyaha ee Wabiga Nile ee dowladda Masar waxyeelo la gaarsiiyo.

Sarkaalka ugu sareeya maamulka Nuclearka ee Mareykanka oo diiday in la qaado weerar Nuclear ah

0

Sarkaalka ugu sareeya ee taliska Militariga Mareykanka ee maamula Hubka Niyuukleerka  ayaa markiiugu horeysay kahadlay arrimaha amniga iyo suuro galnimada dagaal Nuclear ah oo la qaado,wuxuuna sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Hadalkan ayaa k adambeeyay kadib markii Taliyaha uu hadal k ajeediyay  shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, wuxuu Jeneral John Hyten sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneral John Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah,isagoointaasi ku raday  in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Mareykanka ayaa ka walaacsan khilaafka uu kala dheceeya dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi Kiim John Un uu k abiyo diiiday baaqyo ku aadan joojinta Gantaalada Nuclearka ah.

Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA)-Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.


W/Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

SONNA

Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

0

Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Wasiir Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad Ee Dowlad Gobaleedka Jubaland Maxmuud Sayid Aadn Oo Furay Shirka Ayaa sheegay in jubbaland u diyaar garowday marti galinta ciyaar yahanada iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan oo markiisi labad la qabanaayo.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka iyo Wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho kasoo ay ku guuleysteen Ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland.

Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare

0

Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

Nuxurka Warbixinta Guddiga gaarka ah ee baarlamaanku u saareen dhiibista Qalbi Dhagax

0

Guddiga Baarlaamaniga ah ee loo xilsaaray baarista kiiska Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax)  ayaa maantaa soo saaray natiijada baaritanka ay sameeyeen.

Warbixinta Guddiga ayaa ka kooban qodobo ay ugu muhiimsanyihiin:

  • Ka-baaraan-degidda qaraarka Golaha Wasiirada ee 6dii Sebtember ee ku saabsanaa arrinkan.
  • Qodobada Dastuuriga ah, Heshiisyada Caalamiga ah iyo Shuruucda dalka u dagsan ee ku saabsan dhiibista Qalbi Dhagax.
  • Kabaaraan-degidda iyo qiimaynta Qadiyadda.
  • Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin

Gudigu waxa ay soo bandhigeen in ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta sida dhaw xiriirka ula lahaa kiiskan.
Masuuliyiinta waraysiga ay la yeesheen waxaa ka mid ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Taariikhda 21 October 2017.
  2. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda 22kii October 2017.
  3. Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taariikhda 22 October 2017
  4. Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taariikhda 23 October 2017
  5. Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madaxa Hay’adda Dembi-baarista Ciidanka Booliska Taariikh 23 October 2017.

Ka baaraandegidda iyo Qiimaynta Qadiyadda:

Gudiga ayaa warbixintooda ku soo bandhigay in arrintaan ay xirii la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka maadaama Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u-soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya, dowladdana ay waajib ku tahay in ay mudnnaanta koowaad siiso Sugidda amniga qaranka iyada oo  guddigu hoosta ka xariiqeen siyaasadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan nabad ku wada noolaanshaha wadamada Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Qalbi-Dhagax iyo Ururka ONLF

Guddigu waxa ay bayaamiyeen in dhiibsita Qalbi Dhagax aan hab sharci ah loo marin, lagana tala gelin Hay’daha Garsoorka, iyadoo isla markaas ay maareeysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugiida Qaranka oo kaliya, laguna saleeyey go’aan ku dhisan xog aan sugnayn oo hay’addu ay siisay Madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Guddigu waxa ay sheegeen in Jabhadda ONLF loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso  balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad  midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Go’aamo, Toosin iyo Tala bixin.

Guddiga Baarlamaaniga ah ee loo xilsaaray baaritaanka waxa ay Xukuumadda fareen in ay dib u raac ku samayso Heshiisyadii hore ee dalka galay iyo in taxadar dheeraad ah ay muujiso markasta oo ay maareeynayso hawlaha xasaasiga ah iyada oo ku salaynaysa xog sugan oo waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

Ugu dambayntii Guddigu waxa ay ugu baaqeen Golaha Shacabka in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khal khal amni, loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta Qaranka.

SONNA