Ra’iisulwasaare Kheyre: Heshiiska Berbera qeyb kama nihin, waana sharci darro

Date:

 

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiis dhex maray Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo ku saabsan qeybsiga dhaqaalaha ka soo xerooda dekadda Berbera.

Ra’iisulwasaaraha dalka oo maanta ka soo laabtay booqasho 3 maalin qaadatay oo uu ku tagay Imaaraadka Carabta, ayaa shir jaraa’id ka sheegay ” Waxaan rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo dowladda Soomaaliya qeyb kama ahan,lagalama hadlin, lug kuma lahan, cidina nagalama ay wada hadal arrinkaas haba yaraatee”.

Waxa uu ra’iisulwasaare Kheyre intaas ku daray “Mowqifka dowladda Soomaaliya waa kii aad ku aragteen war saxaafadeedkii Wasaaradda Dekadaha oo ku soo baxay amarka ra’iisulwasaaraha”

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in taas macneheedu yahay in heshiis kasta oo masiiri ah oo la galayo kunan saabsan kheyraadka dalka meel kastoo ay tahay ay u igmantahay oo kaliya xukuumadda Federaalka ah, ansixintiisa waxaa u igmay baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkad kasta oo dooneysa inay maalgashato Soomaaliya, laakiin buu yiri waa in loo soo maraa dariiqa saxda ah, kaas oo ah in loo yimaado hay’adaha dastuuriga ah ee ummadda Soomaaliyeed u igmatay in ay gali karaan heshiis noocaas ah.

Ra’iisulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre waxa uu sheegay in aysan ka gabbaneynin ay bulshada Soomaaliyeed u ilaaliyaan ammaanada ay u dhiibteen una caddeeyaa waxa jira marka ay taagan yihiin arrimo ay ka walwalsan yihiin.

Waxa uu ra’iisulwasaare Kheyre ugu baaqay shirkadaha doonaya in ay Soomaaliya maal gashadaan in ay soo maraan hay’daha federaaliga ah ee loo igmaday howshaas. waxa uuna dariiq kasta oo aan kaas ahayn ku tlmaamay  mid aysan dowladda Soomaaliyeed aqbaleyn lana tiigsaneyso Sharciga.

Halkan ka daawo hadalka ra’iisulwasaaraha

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...