Home Blog Page 1360

Madxweyne Mogabe oo xilkii hoggaaminta Xisbiga Zanu PF laga qaaday

0

Zimbabwe(SONNA) Kadib kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Haraare ee xaryunta Dalka Zimbabwe,ayaa Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF xilka hoggaaminta xisbiga ka qaaday madaxweyne Robert Mugabe  .

Hogaamiyaha xisbigaasi ayaa loo magacaabay Emmerson Mnangagwa oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Dalka Zimbabwe,kaasi oo horey uu xilkii uga qaaday Roberta Mogaabe.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Magaalada Haraare ee xarunta Dalka Zimbabwe ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Mr Mugabe iyo ciidamada Militariga,waxaa la arkayaay gaadiid Militari oo ka soo baxaysa aqalka uu ka degan yahay magaaladaasi.

Talaabadii shaqada looga ereyey Mr Mnangagwa ayaa keentay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka.

Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe,kuwaasi oo da dalbaday in uu xilka ka dego

Baarlamaanka Dalkaasi Zimbabwe ayaa ku hanjabay in hadii madaxwyen Mogabe oo diido in uu xilka wareejiyo ay xil ka qaadis ku sameyndoonaan.

Qaahiro oo shir uga furmay Wasiirada Arrimaha dibadda Carabta

0

Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa isugu yimid shir deg deg ah oo ay ku baaqdey Dowladda Sucuudi Carabiya,balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa ka baaqsaday shirkaasi sababo aan la shaacin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga,shirkan Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Carabta uga furmay xaruntooda ay ku leeyihiin magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa looga hadlayaaFaragelinta ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta,sidoo kalana Dawlahadaha Carabtu ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in wadamada isutaga imaaraadka Carabta,baxrayn iyo kuwayd ay ku taageereen dawladda Sucuudi Carabiya qabashada shirkan

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay mas’uul sare oo u Hadley Wadanka Lubnaan uu sheegay in Wasiirka Arimaha dibada Lubnaan  Gibran Basil uusan ka soo qayb galin shirka Wasiirada Wadamada Carabta.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa sii kordhayay xiisada u dhaxaysa Iiran iyo Sucuudi Carabiya taasi oo keeni karta in labada dawladood dhib ka dhex dhaco.

Qadiyadda Lubnaan ayaa kamid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin,waxaana Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Saacad Alxariiri uu 4tii bishan  November Sucudiga kaga dhawaaqay inuu xilkii iska casilay

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

QORMO: Gulufka Ciidamada Qaranka Iyo Firxadka Alshabaab!!

0

in badan ayaa la sugayaayey in maalin uun la arko iyada oo lagu dhiiran karo wax ka sheegga foolxumooyinka ay sameeyaan Argagixisada Alshabaab, in badan ayaa la dhawrayey in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaado kooxdaan wax yeelooyinka iyo gumaadka ba’an ku haayey shacuubta soomaaliyeed.in badan ayay umadda Soomaaliyeed sugayeen in ay indhahooda ku arkaan jabka Qawlaysatada Alshabaab iyo iyaga oo sii kala ordaya ka dib markii ay u gacan qaadaan ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed oo kaashanaya Soomaalida horusocodka ah ee dalka iyo dadka soomaaliyeed jecel in ay xoroobaan.

Maanta ayaa la arkay in ruux kasta oo ka mid ah Muwaadiniinta soomaaliyeed isaga oo u heelan la dagaalanka cadawga argagixisada Alshabaab, waxaa kacay dhiigga qof kasta oo soomaaliyeed ka dib markii uu arkay ama uu maqlay dhacdadii 14ka Oct , ka dibna uu dhagaystay qudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud. Max’ed C/laahi Farmaajo.oo runtii tilmaamaysay in Kooxdaan nabadiidka ah ee la magac baxday Alshabaab aysan ahayn koox ku dagaalamaysa Diin iyo xuquuq ka maqan, balse ay yihiin cadaw loo soo wakiishay daadinta dhiigga umadda soomaaliyeed ee muslimka ah.

Durbadiiba waxaa is diyaariyey ciidamada geesiyiinta ah ee Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta xalaasha ah ee ay ka go’an tahay in ay dadka iyo dalkoodaba ka xoreeyaan cadwga Alshabaab, waxaa biloowday abaabul  cilmiyeysan oo ay hogaan ka yihiin madaxda sare ee qaranka waxaana la bilaabay baacsiga kooxda qawlaysatada ah ee alshabaab.

Waxaa lagu weeraray goobo fara ku tirsi ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen in dhawaalaba kana soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka masaakiinta ah oo ku nool qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka sida Caasimadda.

Ciidamada Qaranka ayaa u dhigay daruus lama iloobaan ah dhamaan goobihii ay  cadawgaasi kula kulmeen, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la hadashay qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan deegeenada Alshaab ay ku suganyihiin ay sheegay in qaar ka mid ah cadawga oo ay ciidamadu soo gaarin ka sii firxanayaan goobaha ay ka joogaan ka dib markii loo soo sheegay  kuwii lagu qaabilay goobaha kale wixii gaaray iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ciidamada geesiyiinta ah ee Qaranka.

Guulaha lixaad leh oo ay ciidamadu ka soo hooyeen cadawga Alshabaab ma aha qaar tiro lagu soo koobi karo balse ma aha mid ay kaligood soo hooyeen, waxaase hubaal ah in qaybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen la dagaalnka cadawgaas , gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed.

Todobaadkii la soo dhaafay  waxaa furrimaha dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab gaaray wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka  Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed ,waxayna ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Alshabaab gaarsiiyeen deeq dhaxal gal ah oo niyadda ciidamada qaranka kor u qaaday isla markaana dareen siisay in aysan kaligood la dagaalamaynin cadawga.

Haweenkaas furimaha tagay waxay la hadleen Ciidamada goobahaasi ku sugan ee xabadda cadwga laabta u dhiganaya si ay dalkooda uga dul qaadaan heeryada uu dulsaaray Cadawga Alshabaab, waxayna u balan qaadeen in aysan marnaba ka maqnaan doonin goobaha ay  joogaan ciidanka mar kastana ay soo booqan doonaan ,islamarkaana ay u dhimanayaan dalkooda iyo dadkooda, waxayna intaas ku dareen inta alshabaab ay dalka goob kaliya ka haystaan  aysan seexan doonin furimaha dagaalkana aan laga waayi doonin haweenka Soomaaliyeed, sida ciidamada Qaranka oo kalana ay iyaguna u joogi doonaan.

Midnimada Shacabka iyo Ciidanka qaranka waxay dhabar wareen ku noqotay cadawga Alshabaab oo in badan iyo sanado aan tirsi lahayn isku dirka dadka soomaaliyeed, dilka, gawraca iyo kufsiba ku haayey umadda soomaaliyeed, laakiin Alshabaab iyo Amiiradoodaba waxaa maanta u cadaatay haddii shacabka Soomaaliyeed uu midoobo in aysan galaas biyo ah ka sii cabbi doonin dalka Soomaaliya xitaa aan iraahdo Geeska Afrika dalaka kulaala oo dhan.

W/Q :-C/risaaq Axamed Absuge

WARBIXIN:- Gulufka Ciidamada Qaranka Iyo Firxadka Alshabaab!!

0

Muqdisho(SONNA):–in badan ayaa la sugayaayey in maalin uun la arko iyada oo lagu dhiiran karo wax ka sheegga foolxumooyinka ay sameeyaan Argagixisada Alshabaab, in badan ayaa la dhawrayey in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaado kooxdaan wax yeelooyinka iyo gumaadka ba’an ku haayey shacuubta soomaaliyeed.in badan ayay umadda Soomaaliyeed sugayeen in ay indhahooda ku arkaan jabka Qawlaysatada Alshabaab iyo iyaga oo sii kala ordaya ka dib markii ay u gacan qaadaan ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed oo kaashanaya Soomaalida horusocodka ah ee dalka iyo dadka soomaaliyeed jecel in ay xoroobaan.

Maanta ayaa la arkay in ruux kasta oo ka mid ah Muwaadiniinta soomaaliyeed isaga oo u heelan la dagaalanka cadawga argagixisada Alshabaab, waxaa kacay dhiigga qof kasta oo soomaaliyeed ka dib markii uu arkay ama uu maqlay dhacdadii 14ka Oct , ka dibna uu dhagaystay qudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud. Max’ed C/laahi Farmaajo.oo runtii tilmaamaysay in Kooxdaan nabadiidka ah ee la magac baxday Alshabaab aysan ahayn koox ku dagaalamaysa Diin iyo xuquuq ka maqan, balse ay yihiin cadaw loo soo wakiishay daadinta dhiigga umadda soomaaliyeed ee muslimka ah.

Durbadiiba waxaa is diyaariyey ciidamada geesiyiinta ah ee Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta xalaasha ah ee ay ka go’an tahay in ay dadka iyo dalkoodaba ka xoreeyaan cadwga Alshabaab, waxaa biloowday abaabul  cilmiyeysan oo ay hogaan ka yihiin madaxda sare ee qaranka waxaana la bilaabay baacsiga kooxda qawlaysatada ah ee alshabaab.

Waxaa lagu weeraray goobo fara ku tirsi ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen in dhawaalaba kana soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka masaakiinta ah oo ku nool qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka sida Caasimadda.

Ciidamada Qaranka ayaa u dhigay daruus lama iloobaan ah dhamaan goobihii ay  cadawgaasi kula kulmeen, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la hadashay qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan deegeenada Alshaab ay ku suganyihiin ay sheegay in qaar ka mid ah cadawga oo ay ciidamadu soo gaarin ka sii firxanayaan goobaha ay ka joogaan ka dib markii loo soo sheegay  kuwii lagu qaabilay goobaha kale wixii gaaray iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ciidamada geesiyiinta ah ee Qaranka.

Guulaha lixaad leh oo ay ciidamadu ka soo hooyeen cadawga Alshabaab ma aha qaar tiro lagu soo koobi karo balse ma aha mid ay kaligood soo hooyeen, waxaase hubaal ah in qaybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen la dagaalnka cadawgaas , gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed.

Todobaadkii la soo dhaafay  waxaa furrimaha dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab gaaray wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka  Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed ,waxayna ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Alshabaab gaarsiiyeen deeq dhaxal gal ah oo niyadda ciidamada qaranka kor u qaaday isla markaana dareen siisay in aysan kaligood la dagaalamaynin cadawga.

Haweenkaas furimaha tagay waxay la hadleen Ciidamada goobahaasi ku sugan ee xabadda cadwga laabta u dhiganaya si ay dalkooda uga dul qaadaan heeryada uu dulsaaray Cadawga Alshabaab, waxayna u balan qaadeen in aysan marnaba ka maqnaan doonin goobaha ay  joogaan ciidanka mar kastana ay soo booqan doonaan ,islamarkaana ay u dhimanayaan dalkooda iyo dadkooda, waxayna intaas ku dareen inta alshabaab ay dalka goob kaliya ka haystaan  aysan seexan doonin furimaha dagaalkana aan laga waayi doonin haweenka Soomaaliyeed, sida ciidamada Qaranka oo kalana ay iyaguna u joogi doonaan.

Midnimada Shacabka iyo Ciidanka qaranka waxay dhabar wareen ku noqotay cadawga Alshabaab oo in badan iyo sanado aan tirsi lahayn isku dirka dadka soomaaliyeed, dilka, gawraca iyo kufsiba ku haayey umadda soomaaliyeed, laakiin Alshabaab iyo Amiiradoodaba waxaa maanta u cadaatay haddii shacabka Soomaaliyeed uu midoobo in aysan galaas biyo ah ka sii cabbi doonin dalka Soomaaliya xitaa aan iraahdo Geeska Afrika dalaka kulaala oo dhan.

W/Q :-C/risaaq Axamed Absuge

Akhriso qodobadii kasoo baxay shirweynihii Kismaayo ee looga hadlayey Tartanka Kubadda Cagta M/goboleedyada iyo G/Banaadir

0

SONNA (Kismaayo) shirweynahaan ayaa looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya, Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka  iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Hadaba shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ku saabsan ahmiyadda tartanka la filayo in lagu qabto magaalada Kismaayo.

 

Madaxweyne Waare oo wada qorshe uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada

0

Jowhar(SONNA) Ilo wareedyo ay heleyso Wakaaladda SONNA ayaa sheegaya in weli Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ay ka socdaan  kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeele ayaa wadaa kulamo wadatashi ah oo ku aadan soo xulista xubanaha Golaha Wasiirada oo dhawaan la dhisidoono la yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Bare iyo madaxweynaha oo ay weliyaan madaxweyne ku xigeenka ayaa wadatashiyo ku aadan qaab dhismeedka Golaha Wasiirada ku yeeshey magaaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan Wasiiradda cusub ee lasoo Magacaabayo,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxweyne Waare uu wado qorshe ku aadan isbedelo cusub la sameeyo.

Waxaa laga dhursugayaa madaxweynaha magacaabista Golaha Wasiirada marka ay so dhamaadaan kulamada wadatashiyada ah oo todobaadyadii ugu dambeeyey ka soconayay magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya

0

Madaxweynaha dowladda Masar ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsato wabiga Biyaha Nile, oo labada dal ay ku muransan yihiin.

Waxaa uu sheegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax al-Siisi ayaa xusay in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Haila Mariam Daselegne.

Waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay fahansan tahay horumarka dowladda Itoobiya ,hadana marna aysan aqbali doonin in qeybta Biyaha ee Wabiga Nile ee dowladda Masar waxyeelo la gaarsiiyo.

Sarkaalka ugu sareeya maamulka Nuclearka ee Mareykanka oo diiday in la qaado weerar Nuclear ah

0

Washington(SONNA) Sarkaalka ugu sareeya ee taliska Militariga Mareykanka ee maamula Hubka Niyuukleerka  ayaa markiiugu horeysay kahadlay arrimaha amniga iyo suuro galnimada dagaal Nuclear ah oo la qaado,wuxuuna sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Hadalkan ayaa k adambeeyay kadib markii Taliyaha uu hadal k ajeediyay  shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, wuxuu Jeneral John Hyten sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneral John Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah,isagoointaasi ku raday  in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Mareykanka ayaa ka walaacsan khilaafka uu kala dheceeya dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi Kiim John Un uu k abiyo diiiday baaqyo ku aadan joojinta Gantaalada Nuclearka ah.