Home Blog Page 1360

Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta oo muqdisho lagu qabtey

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hay’adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u heshiisiinta maadaama ay aasaas u tahay nabadda iyo xasiloonida Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga go’an tahay, isagoo Tusaale usoo qaatay dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna iyo Xal ka gaaristii dagaaladii Gaalkacyo.

Wakiilada ka socda dowladaha Yurub ee ka qeyb galaya kulanka ayaa balanqaaday inay door weyn ka qaadan doonaan Taageerada Soomaaliya ee dib u heshiisiinta.

Kulankan oo socon doona Labo Maalin ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan la qaatatey Maamulka Gobolka Benaadir

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.

“Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda, Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan”ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka”.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda Dastuurka uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda.

R/wasaare Khayre“Soomaaliya wax ay ku baaqeysaa in xal waara loo helo dhibaatooyinka aadanaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) . Waxuuna ku baaqay in la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere oo ka hadlay goloha ayaa sheegay in dariiqooyinkii hore ee wax looga qaban jiray dhibaatooyinku ay dadka badbaadin jireen xilli gaaban, laakiin ay waayo-aragnimadu ina tustay in aanan keenin xal waaara oo joojin kara masiibooyinka imaan kara mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre isagoo ugu baaqaya Beesha Caalamka in ay diirada saaraan horumarinta iyo xal u helida dhibaatooyinka bani’aadanimo ayuu yiri

“Waayo aragnimadeena  waxay si cad u muujineysaa baahida loo qabo in la isku xiro lana horumariyo nabadda, iyo amniga,”.

“Waxaynu ka baranay dhibaatooyinkaasi sida looga  jawaabo  oo kaliya, marka ay musiibo dhacdo, taasina waxay keentaa in dad badan ay ku dhintaaan, arintani waxay ka hor imaanaysaa xeerarka bini’aadanimadda. Hab dhaqankani waxaa uu na galiyay qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh marka la eego nolosha dadka iyo ilaha loo adeegsaday.

Waxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay raadinayso hab ay ku maalgeliso barnaamijyada horumarinta mustaqbalka dheer iyo siyaabaha cusub ee loogu shaqeynayo, isagoo hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in la helo isbedel deg-deg ah oo ku wajahan xal waara oo rasmi ah.

Sidoo kale waxuu ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya in ay is waafajiyaan taageeradooda qorshaha cusub ee ku wajahan nabadda, xasilloonidda iyo barwaaqaynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan  habkii hore loogu dhaqmi jiray.

Madashani waxay 2018 kulmisay dadka iska leh ka go’aan qaadashada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta, iyo nabadgelyada bulshooyinka caalamka, si loo wadaago xal wax ku ool ah lana sahmiyo siyaabo cusub oo lagu wanaajiyo hababka horumarinta si loo dhiiri-galiyo nabadda iyo xasilloonida.

Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada Soomaaliyeed”

0

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ee u baahan garab istaagga iyo la jaan-qaadka bulshada caadiga ah, waxa uu la qaatay wakiilllo ka socday dadka Naafada ah isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Guddoomiyaha Yarisow ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xeerarka iyo qawaaniin sida adag u difaacaya xuquuqda naafada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey in naafanimadu aysan ahayn micneheedu awood la’aan balse ay tahay amar Eebe, iyadoo taas laga duulayana uu maamulkiisu sii wadi doonno dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin naafadu.

“Ka maamul ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan qeyb ka geysanno wax walba oo lagu horumarinayo nolosha dadka naafada ah, weyna naga go’an in lala simo bulshada caadiga ah kuwa shaqeysan karana helaan fursado lamid ah kuwa dadka lixaadkoodu dhameystiran yahay.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Xubnahan oo isugu jiray qeybaha kala duwan dadka naafada ah ayaa maamulka Gobolka Benaadir u soo hordhigay baahida ay qabaan, gaar ahaan waxbarashada, shaqooyinka, dib-u-howlgelinta xarumihii ay lahaayeen iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) iyo Xog-hayaha guud ee Maamulka G/Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya oo kormeer ku tagey xarumo ciidan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka qeyb galey shir laga hadlaayo arimaha xabsiyada

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo  laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar, ayaa maanta gaaray Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay uga qeyb galeen Shir looga hadlayey arrimaha Xabsiyadda Soomaaliya, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Madax kale duwan oo Beesha Caalamka ka socda.

Shirkaan ayaa looga hadlay siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee ku saabsan xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo dhismahiisa hadda uu marayo meel gabo gabo ah, waxaana Xabsigaan uu u dhisan yahay si Caalami ah oo la mida Xabsiyadda Wadamada Horumaray oo kale, waxaana dhismahiisa dhismaha Xabsiga iyo Maxkmaddaha uu biloowday 2016 Xilligaasi oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Shirkaan ka dhacay Magaaladda Nairobi ee arrimaha Xabsiyada Soomaaliya looga hadlayo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada sare dalka,  Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale.

“Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray, waxaa halkaas uga qeyb galay shir looga hadlayo  siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7,  Shirkaan, waxaa igu wehliya Guddoomiyaha Maxkamada sare, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo booqanaya dalalka Uk iyo Mareeykanka

Prince Muxamed Ben Salman, oo booqashadiisa ay qaadan doonto muddo 3-esho ah ayaa la kulamo la qaadanaya madax kala duwan ee dowladda Masar, isagoo ukicitimi doona dalka UK kahor inta uusan tagin magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kusoo afjari doono socdaalkiisa dibadda.

Booqashada Muxamed Ben Salman ayaa timid maalin kadib markii maxkamadda Masar ay ayidday heshiiska ay Sucuudiga kula wareegayaan labo jasiiradood oo kuyaala badda cas.

Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay mar Boqor Salmaan Ben Cabdel-Casiis Al-Sacuud uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, bishii April ee sanadkii 2016-kii, halkaasi oo uu Boqorka Sucuudiga kaga dhawaaqay heshiiskan oo ku kacaya lacago balaayiin doolar ah, waxaana uu heshiisku isagu jiraa mid maalgashi ah iyo qafiifinta deeymaha lagu leeyahay dalka Masar.

Waa markii ugu horreeysay ee uu Amiir Muxamed Ben Salman Ben Cabdel-Casiis socdaal howleed ku tago dibaddaha taniyo markii loo magacaabay xafiiska ugu awoodda badan bishii June ee sanadkii 2017-kii.

shir looga hadlaayo arimaha barakacyaasha oo muqdisho ka furmey

0

Shirkan wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda saxda ah u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeybtaan qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri” “Waxaan masuuliyadeeda qaadana doonnaa sidii aan uga shaqeyn laheen qiimeynta dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha”

Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibanayaal,mararka qaarkood iyaga is dhibaateeya,madama u sahlan tahay iney dibada u baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya una heli lahaayeen dib u dejin iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha lama huraanka u ah.

Gurmad Qaran oo soo gabagabeeyay howlahii caawinta dhaawacyadii Qaraxii Soobe

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlihii Gurmadka ahaa ee uu waday Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Soobe, kaasi oo lagu caawinayay dadkii uu saameeyay qaraxii 14kii October ee 2017, Kooxaha Argagixisada ay ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gurmadka Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay iney dadaal dheer ku bixiyeen dhibanayaasha Qaraxii Soobe,wuxuuna sidoo kale sheegay iney aad uga taxadareen sidii loo gaari lahaa dhammaan dadkii Waxyeelada soo gaartay isagana illaalin lahaayeen in dad kale oo dhibanayaal ahayn ku soo dhex dhuuman.

“ Waxa ugu muhiimsan oo horta aan qabanay waxaa waaye dad gaaraya 1,357-Qof  ayaan gaarnay oo aan isleeyahay waa tiradii ugu badneyd oo dadka dhibaatada gaartay ah,waxaan kale oo aan u gargaarnay dad kale oo shaqo abuur loo sameeyay oo iyagana gaaraya 234-Qof oo ganacsatada yar yarka iyo warantada u badan,Qoysas aad u liitana oo labaatameeyo ku dhow iyagana shaqo abuur ayaan u sameynay si carruurtooda biil u hesho,waxaynu tira koobnay dadkaasi aan kuu sheegayo oo noogu kala qeybsan siyaabooyin kala duwan Agoon,dhaawac,dhimasho iyo dad shaqo abuur u baahan ayaan sameynay,” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gurmad Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac.

Sidoo kale,Guddoomiye shirwac ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ay qabteen ahayd iney u dhaxeeyeen dadka Soomaaliyeed ee deeqda soo dhiibay iyo dadkii u baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay iney Guddiga Gurmad Qaran ay ku ammaanan yihiin sida xilkasnimada leh ay uga soo baxeen mas’uuliyadii cusleyd ee la saaray.

“ Waxay na tuseen Guddiga iney yihiin dad ammaana leh,shacabka Soomaaliyeed waxay u dhiibteena ku soo celiyay shacabkii,natusay sidii deeqihii soo gaaray u bixiyeen,kana waa Soomaali oo iney aamin tahay awalba waa la ogaa laakiin hadda xaqiiqo ayay noqotay,waxaana si gaar ah ugu mahad celineynaa Guddiga ammaanadaasi ay gaarka iska saareen,waxaana ugu mahad celineynaa sida quruxda iyo kalsoonida ku jirya ay ummada ugu celiyeen” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ku simaha Ra’iisal wasaaraha dalka ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay Arrinta gurmadka ayaa sheegay iney ahayd howl culus una baahan in si daacadnimo ku dheehan tahay loo guto,islamarkaana si waafi ah ummada Khasaaraha ka soo gaaray Qaraxii Soobe si siman wax loo wada gaarsiiyo.

“ Markii ay dhacdadaasi dhacday madaxweynaha shir buu isugu yeeray deg deg ah oo amni iyo Gurmad intaba wuxuuna Xukuumadda faray oo uu hormuud u yahay Ra’iisal wasaaruhu in wax loo qabto Shacabka Soomaaliyeed ee wax ku noqday dhacdadii 14-kii October,waad ogeydeen gurmadkii caafimaadka ee dhaawaca wadamada saaxiibada nahay aan uga mahad celineyno Turkiga,Jabuuti,Kenya,Qadar iyo imaaraadka inoo soo gurmaday oo aan dhaawacii u daad gureynay,daawooyin iyo xirfadlayaal caafimaad inagula soo gurmaday,taasi oo ay dheertahay markii shacab weynaha Soomaaliya isu tashaday in dibad iyo gudaha la isu gurmado,qiiradii dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta shaqeyneysay iyo culimada oo aan ku aaminay oo gacan aamina ah wixii la uruurinayo maadama culimadeena ay yihiin,” ayuu Munaasadda ka sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ugu danbeyntii,Waxaa munaasabada lagu soo gabagabeynayay Howlihii Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,wuxuuna marka hore u mahad celiyay Xubnaha Guddiga oo uu sheegay iney howl wanaagsan ummada Soomaaliyeed  u soo qabteen.

Guddooniyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa yiri“ Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Guddiga Gurmadka Masiibadii 14kii October ee caawa halkaan nala jooga ayaan aad iyo ada ugu mahad celinayaa,shaqo fiican bey ummadda Soomaaliyeed u qabteen Illaahey Abaal haka siiyo shirka waa inoo xiran yahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,”

Dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska Soobe 14kii October ee sanadkii 2017dii,ayaa ka mahad celiyay deeqda la gaarsiyay,waxayna sheegeen in loo muujiyay walaalnimo iyo garab istaagi aan hagar lahayn.

Somalia and Turkey sign agreement to rebuild water reservoir in Middle Shabelle region.

0

Turkey and Somalia on Sunday signed an agreement to reconstruct storage reservoir in Middle Shabelle region.

The project which will be implemented Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) aims to rebuild the Jowhar Off-Stream Storage Reservoir which will be used for irrigation and flood management.

Somalia’s minister of Agriculture, Saeed Hussein said the deal will help Somalia in the agricultural production.

“This landmark pact will help the farmers in their productions by providing adequate water for irrigation. The project will also manage to reduce the floods,” Hussein said.

The TIKA coordinator, Gilib Yilmaz who spoke at the signing ceremony which took place in Somali capital, Mogadishu said the project will focus on the rehabilitation of the reservoir which colloects water for future use.

” This project will deal with reconstruction of reservoir to collect the water from River Shabelle for irrigation when the level of river water decreases, it will easy for the formers to continue the production. This will help Somalia to increase the farm production,” Yilmaz said.

Turkish Ambassador to Somalia, Olgan Baker, who attended the signing ceremony said his country is commited to support Somalia and its people.

” Turkey plans to complete the implementation of several development projects in Somalia  before the end of this year,” Bekar pledged.

Somali deputy prime minister, Mahdi Mohamed  Guled who also witnessed the signing of the deal said the nation will benifit from reconstruction of Hawaadley and Sabuni reservoirs.

” The project will inject the nation over ten beneficial programmes including increasing food production which lowers food shortages and the hunger,  availability of adequate water for irrigation, flood management and exportation of the country’s farm products,” Guled explained.

Somalia and Turkey have signed several deals including trade, agricultural, education and among others.

Last Month, Turkish delegation led by ambassador Baker had toured Somalia’s southern regional state, Jubbaland for assessment ahead of Turkey’s investment in Jubbaland.

The ambassador and delegation who visited Goobweyn town had pledged to implement development projects in the town which is famous fish and farm products