Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka qeyb galey shir laga hadlaayo arimaha xabsiyada

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo  laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar, ayaa maanta gaaray Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay uga qeyb galeen Shir looga hadlayey arrimaha Xabsiyadda Soomaaliya, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Madax kale duwan oo Beesha Caalamka ka socda.

Shirkaan ayaa looga hadlay siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee ku saabsan xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo dhismahiisa hadda uu marayo meel gabo gabo ah, waxaana Xabsigaan uu u dhisan yahay si Caalami ah oo la mida Xabsiyadda Wadamada Horumaray oo kale, waxaana dhismahiisa dhismaha Xabsiga iyo Maxkmaddaha uu biloowday 2016 Xilligaasi oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Shirkaan ka dhacay Magaaladda Nairobi ee arrimaha Xabsiyada Soomaaliya looga hadlayo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada sare dalka,  Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale.

“Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray, waxaa halkaas uga qeyb galay shir looga hadlayo  siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha  ee (MPCC) oo ku yaala KM 7,  Shirkaan, waxaa igu wehliya Guddoomiyaha Maxkamada sare, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Muddada Is-diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Dalka oo la lordhiyay 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...