Gurmad Qaran oo soo gabagabeeyay howlahii caawinta dhaawacyadii Qaraxii Soobe

Date:

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlihii Gurmadka ahaa ee uu waday Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Soobe, kaasi oo lagu caawinayay dadkii uu saameeyay qaraxii 14kii October ee 2017, Kooxaha Argagixisada ay ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gurmadka Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay iney dadaal dheer ku bixiyeen dhibanayaasha Qaraxii Soobe,wuxuuna sidoo kale sheegay iney aad uga taxadareen sidii loo gaari lahaa dhammaan dadkii Waxyeelada soo gaartay isagana illaalin lahaayeen in dad kale oo dhibanayaal ahayn ku soo dhex dhuuman.

“ Waxa ugu muhiimsan oo horta aan qabanay waxaa waaye dad gaaraya 1,357-Qof  ayaan gaarnay oo aan isleeyahay waa tiradii ugu badneyd oo dadka dhibaatada gaartay ah,waxaan kale oo aan u gargaarnay dad kale oo shaqo abuur loo sameeyay oo iyagana gaaraya 234-Qof oo ganacsatada yar yarka iyo warantada u badan,Qoysas aad u liitana oo labaatameeyo ku dhow iyagana shaqo abuur ayaan u sameynay si carruurtooda biil u hesho,waxaynu tira koobnay dadkaasi aan kuu sheegayo oo noogu kala qeybsan siyaabooyin kala duwan Agoon,dhaawac,dhimasho iyo dad shaqo abuur u baahan ayaan sameynay,” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gurmad Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac.

Sidoo kale,Guddoomiye shirwac ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ay qabteen ahayd iney u dhaxeeyeen dadka Soomaaliyeed ee deeqda soo dhiibay iyo dadkii u baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay iney Guddiga Gurmad Qaran ay ku ammaanan yihiin sida xilkasnimada leh ay uga soo baxeen mas’uuliyadii cusleyd ee la saaray.

“ Waxay na tuseen Guddiga iney yihiin dad ammaana leh,shacabka Soomaaliyeed waxay u dhiibteena ku soo celiyay shacabkii,natusay sidii deeqihii soo gaaray u bixiyeen,kana waa Soomaali oo iney aamin tahay awalba waa la ogaa laakiin hadda xaqiiqo ayay noqotay,waxaana si gaar ah ugu mahad celineynaa Guddiga ammaanadaasi ay gaarka iska saareen,waxaana ugu mahad celineynaa sida quruxda iyo kalsoonida ku jirya ay ummada ugu celiyeen” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ku simaha Ra’iisal wasaaraha dalka ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay Arrinta gurmadka ayaa sheegay iney ahayd howl culus una baahan in si daacadnimo ku dheehan tahay loo guto,islamarkaana si waafi ah ummada Khasaaraha ka soo gaaray Qaraxii Soobe si siman wax loo wada gaarsiiyo.

“ Markii ay dhacdadaasi dhacday madaxweynaha shir buu isugu yeeray deg deg ah oo amni iyo Gurmad intaba wuxuuna Xukuumadda faray oo uu hormuud u yahay Ra’iisal wasaaruhu in wax loo qabto Shacabka Soomaaliyeed ee wax ku noqday dhacdadii 14-kii October,waad ogeydeen gurmadkii caafimaadka ee dhaawaca wadamada saaxiibada nahay aan uga mahad celineyno Turkiga,Jabuuti,Kenya,Qadar iyo imaaraadka inoo soo gurmaday oo aan dhaawacii u daad gureynay,daawooyin iyo xirfadlayaal caafimaad inagula soo gurmaday,taasi oo ay dheertahay markii shacab weynaha Soomaaliya isu tashaday in dibad iyo gudaha la isu gurmado,qiiradii dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta shaqeyneysay iyo culimada oo aan ku aaminay oo gacan aamina ah wixii la uruurinayo maadama culimadeena ay yihiin,” ayuu Munaasadda ka sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ugu danbeyntii,Waxaa munaasabada lagu soo gabagabeynayay Howlihii Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,wuxuuna marka hore u mahad celiyay Xubnaha Guddiga oo uu sheegay iney howl wanaagsan ummada Soomaaliyeed  u soo qabteen.

Guddooniyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa yiri“ Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Guddiga Gurmadka Masiibadii 14kii October ee caawa halkaan nala jooga ayaan aad iyo ada ugu mahad celinayaa,shaqo fiican bey ummadda Soomaaliyeed u qabteen Illaahey Abaal haka siiyo shirka waa inoo xiran yahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,”

Dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska Soobe 14kii October ee sanadkii 2017dii,ayaa ka mahad celiyay deeqda la gaarsiyay,waxayna sheegeen in loo muujiyay walaalnimo iyo garab istaagi aan hagar lahayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...