Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo baaritaano caafimaad iyo daaweyn lacag la’aan ah u sameysay caruur iyo haween danyar ah.

Date:

Wasaarada caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug oo gacan ka heleysa Hay’ad lagu magacaabo Childbirth Survival international (C.S.I) , ayaa markii u horeysay ka howl biloowday deegaanada Galmudug, waxaana  baaritaano caafimaad iyo daaweyn lacag la’aan ah usameysay caruur iyo haween danyar ah,  kana mid ah qoysaska barakacayaashaa, kuwaasi oo qabay xanuuno, islamarkaana ay u awoodi waayeen sababa dhaqaale awgood in ay tagaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Muxyadiin Cismaan Gabayre oo ka mida masuuliyiinta hay’adda ayaana ugu horeyn warbaahinta Qaranka soomaaliyeed uga warbixiyay sababaha keenay in xilligaan ay daweyn iyo baaritaano caafimaad u sameeyaan dadka danyarta ah.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug Marwo Naciimo Maxamed Catoosh, ayaa uga mahad celisay Hay’adda C.S.I daaweynta iyo baaritaanada caafimaad ee ay u sameeyeen hooyada iyo dhalaanka soomaaliyeed,  iyadoona sheegtay in ka wasaarad ahaan ay soo dhaweeyn doonaan cid kasta oo wax u qabaneysa  danyarta ku nool guud ahaan deegaanada Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...