Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta XFS oo la kulmay Maayarka Caasimada Jabuuti

Date:

Wasiir ku xiggeenka Wasaradda  Owaqafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Ibraahin Axmed Dhuubow iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa waxa ay kulan la qaatay Maayarka  caasimada Djibouti , Marwo Faduma Cawaale Cismaan, kulankaasi  oo ay uga arinsadeen arrimo badan oo labada dhinac quseeya.

Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Owqaafta, ayaa waxaa wehliyey agaasimaha guud iyo la-taliyaha Wasaaradda, waxaana labada dhinac kulankaan ay uga wada hadleen xaaladii ugu dambaysay ee dalka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Mudane Ibraahin Axmed Dhuubow, ayaa warbixin ka siiyey Duqa Magaaladda Jabuuti horumarka ka scda Magaaladda Muqdisho, isaggoo sheegay in caasimada Soomaaliya ay ka socdaan dadaalo badan oo dib bilicdii  loogu soo celinayo, Waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya dadaal weyn ay ugu jirto siddii ay markale cagaheeda iskugu taagi lahayd.

Maayarka caasimada Djibuuti, Marwo Faduma Cawaale Cismaan , ayaa ku ammaantay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto dhib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta guud ahaan Soomaaliya, waxayna ku ammaantay Maamulka gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan soo celinta bilicdii caasimada.

kulanka ay madaxda Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ay laqateen mayerka caasimada Jabuuti, ayaa waxa uu qayb ka ahaa kulamo ay baryahanba laqadanayeen qaar ka mid ah madaxda dalkaasi.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Kulanka Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...