Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia.

Date:

Dowladda Australia ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Iiraan ay ka saartay Liiska waddamada codsan kara mashruuca Baniโ€™adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Muhaajiriinta ka yimaada siddeed dal ayay Dowladda Australia sheegtay in loo kala horumarin doono mid ka mid ah Barnaamijyada dib u dejinta Qaxootiga ee Australia,waxayna ย muwaadiniinta kale ay u sheegeen in codsigooda aysan u badnayn in la aqbalo.

Wargeyska The Guardian ayaa ogaaday in dalalka mudnaanta leh ay kala yihiin Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo,Afgaanistan,Eritrea,Ethiopia,Myanmar,Bhutan,Syria iyo Ciraaq,iyadoo wadamo dhowr ah oo horay loogu tixgeliyay Barnaamijka dib u dejinta hadda laga saaray,sida Koonfurta Suudaan,Soomaaliya iyo Iiraan,awoodna uma yeelan doonaan iney codsadaan Mashruuca dib u dejinta dadka Soo galootiga ah ee Dowladda Australia ay bixiso.

Tallaabadaan ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka iyo waliba Hayโ€™adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyagoo ku tilaamay โ€œ Midab takoor cadโ€.

Mashruucaan dib u dejinta dadka Soo galootiga ee Australia ayaa ahaa mashruuc la soo jeediyay lana bilaabay sanadkii 2013-dii.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia ayaa Wargeyska The Guardian u sheegay in mudnaanta Mushruuca bini-aadanimo ee Australia qeybna ka ah Mashruuc lagu taageerayo Bulshada uu yahay mid sanad kasta ay goโ€™aamiso Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale