Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xayir “Maareeye” oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu xusayay 35- Sana guuradii kasoo wareegatay aas-aaska TV-ga Qaranka Soomaaliyeed  oo xalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay Wasaarad muhiim u ah soo celinta Dowladnimada Soomaaliya.

“ Runtii waa la sheegay muhiimadda Wasaaradda Warfaafinta, Waana mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaalliya,waxaa la yiraahdaa nolosha labo ayay ku horumartaa,waxay ku horumartaa Information iyo Aqoon, labadaba Wasaaraddaa ayaa faafisa,Qofka waa inuu Aqoon leeyahay waana inuu Aqbaar helaa markaasi ayuu wax qaban karaa,labadaba sidaan sheegay warbaahinta ayaa laga heli karaa,marka Wasaarad aad iyo aad u muhiim ah weeye,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Anigu haddaan Ra’iisal wasaare ahaan lahaa dalkanna halkan uu mari lahaa saddex Wasaaradood keliya operationka ugu weyn xoogga saari lahaa,saddexdaasi oo ah Wasaaradda Warfaafinta,Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga saddexdaasi ayaan muhiimadda siin lahaa,mid quudkii bey keeneysaa,midna dadkey quluubtooda badaeleysaa oo xaqqa ku toosineysaa,nabaddana ku toosineysaa oo nolosha ku toosineysaa waa warfaafinta,midna waa Amnigiyoo marka intaa la helo Qof xun la weyn maayo oo meel socda,markaasi ayay tallaabo ka qaadeysaa.marka saddexdaasi ayaan dhisi lahaa Aniga.”

Wasiir “Maareeye” oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska soo martay ayaa sheegay in Wasaaraddani uu labo jeer Wasiir ka soo kala noqday markii ugu horeysay 2005 ilaa iyo 2006-dii iyo sanadkii 2015-tii,isagoona ku amaanay shaqaalihii u soo dhabar adeegay waqtigii adkaa ee ay adkeyd inaad magaalooyinka qaar ku dhex lugeysid.

Wuxuuna ugu hambaleeyay guusha maanta la gaaray,isagoo sheegay in meel adag ay ka keeneen ayna shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta yihiin kuwo naftooda u huray sidii Shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiq ah loogana wacyi gelin lahaa qatarta kooxaha nabad diidka ah ee dalka ka jira.

Ugu danbeyntii,ku simaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna ku-xigeenka Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayuu ku booriyay inuu il gaar ah ku eego shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya maadama 24-saac oo xiriir ah ugu shaqeeyaan Bulshadooda.

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaana dib loo howl-geliyay Sanaddii 2011-kii, iyadoo ay marba marka ka dambeysa sare usii kacaysay tayadiisa iyo howlaha uu bulshada u hayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...