Home Blog Page 1343

Madaxweyne Xaaf oo dhuusamareeb ka furay shirka dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna (SAWIRRO).

0

Madaxweynaha dowlada goboleedka Soomaaliyee ee Galmudug mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magaalada dhuusabareeb ee xaruunta Gobolka Galguduud ahna Caasimadda Galmudug ka furay shir looga hadlayo Hirgalinta Gudiyada dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusun.

Shirka looga hadlayo dhaqan galinta heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Dalka aanu walaalaha naxay ee Jabuuti ayaa waxaa joobgoog ka ahaa Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sh Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha Bulshada .

Axmed Ducaale Geele Xaaf madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyee ee Galmudug ayaa dadaal xoogan ugu jira dhaqalin galinta heshiiskii ka dhacay Caasimadaha Soomaaliya iyo Djabuuti kaasoo ka mid noqday heshiisyada miro dhalay.

sa

Wasaaradda Dekadaha oo wax kama jiraan ku tilmaantay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

0

Wasaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan aan dustuurka waafaqsaneyn ku tilmaantay heshiis la sheegay dhex maray shirkadda dekedaha DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo maamulka Somaliland. Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskani yahay mid dhaawacay midnimada dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ayaa u qornaa sidan:

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay in uu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Office of the Minist
Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakeiril uga ah arrimaha dekadaha dalka oo

dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;

1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.

2. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed
3. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah, waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa in ay maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo

Golaha amniga Muqdisho oo qodoba ka soo saaray kulan eey yeesheen.

0

Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob  oo mudnaan u leh ammaanka Caasimadda.

Waxaa  sidoo kale kulanka lagu falan-qeeyey  hab dhinac waliba leh ee wax looga qaban karo xaaladda amniga  caasimadda, kaas oo aad muhiim u ah, maadaama la diyaariyey ciidamo isku dhafan oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falalka ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed  kooxaha argagixisadu.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday halka uu marayo qorshaha wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhinaca ammaanka, iyada oo la kaashanayo qeybaha ciidamadda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii guul mirro dhal ah looga gaari lahaa xasillinta Caasimadda.

“Xasillinta amniga Caasimaddu ma ahan arrin hal maalin oo qura laga shaqeeyo, waa in aad si joogto ah uga ka qeyb-qaadataan,  adinkoo  la imaanaya wax-qabad kaashanayana shacabka, si aan uga guuleysano argagixsada mar  walba dhibaatada u geysanaya nafta iyo maalka shacabkeena,  waana in aad qaadataan masuuliyad naga wada saaran arrintan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Kulanka ayaa waxaa intii uu socday diiradda lagu saaray, dhacadadii degmada Warta Nabadda  oo koox burcad ay boob iyo dil u geysteen ganacsato Soomaaliyeed iyo nin Bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Hodan, iyadoo dhammaan gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyey falalkaas oo hadda ku xiran C.I.D  sharcigana la horgeyn doono, waxana hoosta laga xariiqay in aan la aqbalayn shaarka dawladda lagu dhibaateeyo shacabka.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu lafa-guray qaabka ugu habboon ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee aan ka tirsanayn Guutada 12 abriil looga saari lahaa magaalada, dibna loogu celin lahaa xeryahooda, si loo adkeeyo dhaq-dhaqaaqa amniga Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda oo ka qeyb ah halganka nadaafadda Muqdisho (SAWIRRO).

Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa si wadajir ah u sameeyey Olalaha Nadaafadda Caasimadda, kaas oo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda Caasimadda ah.

Ku-simaha R/Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qeybaha bulshada ayaa wadajir olalahan uga sameeyey goobo kamid ah Muqdisho.

“Caasimada dalka ee Muqdisho waa muraayada iyo halka laga qiimeeyo dal walba, sidaas daraadeed maanta waxaan u istaagnay inaan nadaafadda ka shaqeyno, taas oo ah waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Madaxda ayaa dhiirigeliyey shaqaalaha dawladda iyo shacabkii howshan ka qeyb qaatay, iyadoo wadajir loogu baaqay muhiimadda ay leedahay inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Benaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

 Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya.

0

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal SOomaaliya iyto Britain.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare  kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi R/W xigeen Dalka.

Dowladda Britain ayaa kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada Ciidamada Qalabka Siad ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay dalka Uganda.

0

Wafddigan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u amba baxay Dalka Yugandha.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirta ka qeybgalka  shir Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda  maalinta berito ah oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018 ka furmaya,kaasi oo  fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

Wafddiga madaxweynaha Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin kaladuwan ayaa inta uu joogo Dalka Yugandha wuxuu la kulmaya hoggaamiyaasha wadamada ciidamadooda Jooga Soomaaliya,isagoo kala hadlidoona howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhanka kale War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni,ayaa marti-gelin doona shirka oo beri furmaya,waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan madax heerkeedu sareeyo,sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa,Xubno ka socda Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Xubno ka kala socda Gobolka iyo Ururo caalami ah iyo Wakiilo metalaya shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doono qaab gunaanadka shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka,waxaana shirka New York uu ahaa mid la isku aragti dhaafsanayay Xaaladda Soomaaliya,Mustaqbalka Ciidamada Midowga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo waliba hanaanka Kumeel gaarka ah ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Al-shabaab oo dilay Dameero u rarnaa ganacsatada Waajid.

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay Gaari dammeero siday raashiin ay lahaayeen Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,iyagoona gubay ku dhawaad 10-gaari dammeer iyo raashiikii u rarnaa Ganacsatada degmadaasi.

C/qaadir Nuur Goome oo ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab deegaan duleedka ka ah degmada Waajid ay ku dileen ku dhawaad 10-dammeer ah,islamarkaana ay gubeen raashiinkii saarnaa oo u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dammeerada Raashiinka siday ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceelboon waxayna ku sii jeedeen degmada Waajid.

“ deegaano banaanka ka ah degmada Waajid ayaa kuwii Shabaabka ahaa wadada u galeen Kareetooyin Raashin sida (Gaari Dameero) degmada u soo socday,dameeradii wey dileen raashiinkiina wey gubeen”,ayuu yiri Guddoomiye Goome.

Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid C/qaadir Nuur Goome ayaa sheegay in ragii waday dameerada ay ka soo baxsadeen Kooxda Al-Shabaab,islamarkaana degmada ay yimaadeen,isagoona dhanka kale tilmaamay iney tageen deegaanka ay Shabaabka ku gubeen raashiinka durbana maleeshiyaadka goobta isaga baxsadee..

Wuxuu sheegay in hanti badan oo lagu qiyaasay 50-dollar goobta ay kaga baaba’day Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxaana hadda wada hadalo u socda Ganacsatada Raashiinka laga gubay iyo maamulka degmada Waajid,sida uu Guddoomiye Goome sheegay.

Ka Hortagga Kharta Kaallimaha Shidaalka iyo arrimo kale oo la isku weydiiyay kulankii golaha wasiirada Puntland.

0

Shirkii Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Ilaalinta xuquuqda Ciidanka, Ansixinta xeerka Habka Hubinta Badeecadaha, Ka Hortagga khatarta kaallimaha shidaalka ee  Magaalooyinka waaweyn iyo  Ansixnta Xeerka  Shaqaalaha Rajidka ah ee  Puntland.

Amniga Puntland:

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay, waxayna laamaha amnigu ku hawlan yihiin ka hortagga khatarta cadowga, waxaana ka socda magaalooyinka waaweyn baaritaano joogto ah, Isla markaana wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda Amniga inla  ilaaliyo xuquuqda ciidanka ku dhinta hawl-galka dalka.

Ansixinta Xeerka Habka Hubinta Badeecahada:

Golaha Maamulka Puntland ayaa maanta Ansixiyay xeerka Habka Hubinta Badeecadaha dalka soo gelaya  si looga hortago  waxyeelada badeecaha dhacay  iyo kuwa  sumaysan.

Ka Hortagga Kharta Kaallimaha Shidaalka:

Wasiirada Puntland  ayaa  ka dooday  sidii si  dhamesytiran loogu fulin lahaa dhammaan go’aamadii goluhu kasoo saaray  kharta kaallimada shidaalka  oo ku soo badanaya  magaalooyinka waaweyn, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan wasaaradda ay khusayso go’aamadaan in ay si dag dag ah uga  hawl-galaan.

Ansixinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Puntland:

Golaha Xukuumadda Dawladda ayaa  maanta Ansixiyay  xeerka  shaqaalaha rajidka ah  ee Puntland, xeer kaan oo xoojinaya horumarinta  shaqaalaha Dawladda Puntland.

Taliyaha Asluubta oo wili ku jiro booqashadiisa shaqo uu ku joogo wadanka Qatar.

0
 Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qatar oo ku yaal Magaaladda Doha, waxaana halkaasi ay kula kulmeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Dalkaasi.
 
Taliyaha oo ay la socdeen Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Aslubta iyo Sarakiil kale, ayaa mid mid u tagay qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe ee Doha, waxaana qeybihii uu tagay kamid ahaa, Waxbarashada, Farsamadda, Warshaddaha, Maktabadda iyo Qeybta Jimicsiga.
 
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Qatar S/guuto Maxamed Sacuud Naasir Al Otaibi, ayaa kawada hadlay dhismaha Xabsiyadda Soomaaliya, in Qibraddaha Shaqo la is dhaafsado, horumarinta isgaarsiinta Ciidanka iyo arrimo kale.
 
S/guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa guul ku tilmaamay wada hadalka dhex maray labada dhinac, isaggoo tilmaamay in Safarka uu ku yimid Qatar iyo Heshiisyadda Dowladdaasi ay la galeen miro dhalkooda dhowaan la arki doono.

Xarumo dheeraad ah oo laga heli doono adeegyada caasimadda oo xariga laga jaray.

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yarisow ayaa sheegay in xarumahan cuusb oo maamulku hirgaliyey ay bilow u yihiin daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo xaqiijiyey in Maamulka Gobolka uu xooga saarayo sidii dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir ay degmooyinkooda uga heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka gobolka.

“waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha howsha qaban doona in ay bulshada ugu adeegaan si hufan iyo in loo fududeeyo dadweynaha adeegyada ay xafiisyadan uga baahan yihiin, iyada oo sharafatooda la dhowrayo, waxaana ka maamul ahaan diyaar u nahay in aan dhammaan adeegyada asaasiga ah sidaan oo kale bulshada usoo gaarsiinno.” Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha labada degmo ayaa goob joog ka ahaa furitaanka xarumahan.

Dadka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabadan Maamulka Banaadir uu qaaday maadaama ay markii hore adeegyada maanta degmooyinkooda loogu geeyey ay usoo aadi jireen Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.