Home Blog Page 1343

Dood cilmiyeed looga hortagayo fikirka Xagjirka ah  oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA), Dood cilmiyeedkaan looga hadlayey ka hortaga fikirka Xagjirka ah oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, qaar kamid ah qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah iyo Madaxda xarumaha lagu dhaqan celiyo Maleeshiyaadka Nabad diidka Alshabaab kasoo goosta.

Shiikh Cali Shiikh Maxamuud (Wajiis) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in la joogo waqtigii dalka laga sifeyn lahaa fikirka Xagjirnimada ah, isagoo ku baaqay in ciribtirka fikirkaasi bulshada Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geeysato.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhankiisa sheegay in loo wada istaago siddii fikirka qaldan ee Nabad diidka Alshabaab Soomaaliya looga sifeyn lahaa, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey Fikirka Xagjirnimada ah iyo  ku talaxtagiisa.

Guddoomiyaha Xarunta Wacyi gelinta ee Irshaad, Mudane Maxamed Bukhaari, ayaa Munaasabaddaasi ka sheegay in xaruntaan ay waqti badan galineyso siddii wacyi gelin ballaaran  looga sameyn lahaa fikirka xagjirka ah ee ku saleysan wax qarbudaada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa Culimada Soomaaliyeed iyo  Bahda fanka, ayaa dadaal xooggan ugu jira siddii dhalinyarada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa fikirka qaldan ee Alshabaab, waxaana jira xarumo kale duwan oo dalka laga hirgeliyey, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimahaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo kulamo la qaadatay ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA), Masuuliyiinta  safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan  oo ay hoggaaminayso Danjire Marwo Khadiija Maxamad iyo u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Khadar Dheen Guuleed ayaa waxay kulamo ku saabsan dardargalinta ganacsiga labada dal kula qaateen rugaha ganacsiga ee ka dhisan dalka Pakistan kuwooda ugu firfircoon, kuwaasoo ay ka mid yihiin,  Rawalpindi Chamber of Commerce and industries (RCCI) iyo Islamabad Camber of commerce and industries (ICCI).

Goob ay xaadir ku ahaayeen Ganacsatada ugu waawayn dalka pakistan ayaa Danjire  Marwo Khadiija ayaa tiri  “Waxaa jiro fursado dihin ah oo ay labada dal ee walaalaha ahi ka wada faa’iidi karaan, fursadahaas oo loo baahanyahay in labada dowladood si hufan uga wada shaqeeyaan”.

U qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri  “Waxaan ka shaqaynaynaa in aynu yeelano heshiisyo ganacsi oo ku sulaysan sinnaansho ganacsi Soomaaliya waxaa la ansixiyay sharcigii maalgashiga oo la micno tahay Soomaaliya waa u diyaar maalgashi, waxaan ku boorinaynaa ganacsatada in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jiro dalka maaddaama uu dib u dhis ka socdo dalkayaga, waxaan kor ugu qaadi karnaa ganacsiga labadeenna dal, inagoo wadaagna wufuud ganacsi si uu u yimaado isdhexgal ganacsato iyo in aynu mataanayno rugaheena ganacsi si xog joogta ahi u kala helaan”.

Madaxweynayaasha Rugaha ganacsiga ee labada dal ayaa soo dhaweeyay talooyinkaas iyagoo ku daray in ay ahmiyad gaar ah saari doonaan in duulimaad toos ah qaybta xamuulka u gudbin doonaan dowladdooda diyaarna u yihiin ra’ayiga uu soo jeediyay u qaybsanaha Ganacsiga iyagoo ballanqaaday inay heshiisyo isfahan shaqo ah la saxiixan doonaan rugaha ganacsi ee ka jira dalka Soomaaliya.

Meelaha la isla afgartay in si wadajir ah loo hormariyo waxaa ka mid ah Xoolaha nool dalagga, dib u dhiska Soomaaliya, daawooyinka, bariiska shamiitada, tayayn ama kor u qaadis xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo rugaha ganacsiga, in la is dhaafsado wufuud ganacsi, iyo in bandhig carweed sanad la’ah oo ku kooban labada dal la qabto.

Sidoo kale u qaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha ee Safaaradda  Soomaaliya ee Pakistan mudane Khadar Dheen Guuleed oo dadaal dheer ugu jiro abuurista fursado ganacsi iyo sidii loo dardargalin lahaa ayaa la kulmay Agaasimaha laanta socdaalka Ganacsiga Pakistan iyo ku xigeenkiisa.

 

Maamulka Jubbaland oo bilaabay Mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyarada

0

Kismaayo(SONNA):–  Mashruuc shaqo loogu abuurayey dhalinyarada ku nool Tuulooyinka hoostaga magaalada kismaayo tababarna lagu siinayey  qaar kamid ah dhalinyarada ku nool deegaanada  kala ah buulo-gaduud yoontooy qaam-qaam iyo goobwayn ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka jubbaland ka biloowday deegaanadaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu horkacayay agaasimaha Guud ee Wasaradaa Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo ay  qeyb ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenada degmada dhinaca amniga iyo agaasimaha Arimaha bulshada Gobolka jubada hoose  oo socdaal shaqo ku tagay deegaanadaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland ayaa ugu horeyn la kulmay dadka tuulooyinkaasi una daahfuray mashruuc shaqo abuur loogu sameynayay dadka deegaanadaasi oo ay geedaha kaga jarayaan hareeraha wadooyinka si kooxaha nabad diidka aysan ugu qarin qaraxyada ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Markii kormeerkaasi uu soo gaba-gaboobay ayaa mas”uuliyiintani ay saxaafada kula hadleen gudaha xarunta cusub ee maamulka Goobween oo dhawaan ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha jubbaland ay ka hirgalisay deegaankasi.

Marka hore ayaa Wariyaasha waxaa la hadlay Jaamac C/llaahi Ugaas oo ah Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Jubbada Hoose,isagoo shacabka ka faa’ideysanaya mashruucyada ay daah fureen kula dardaarmay iney dhaqan geliyaan waxyaabaha ay  faa’ideystaan,islamarkaana dadka ka danbeeya ay la wadaagaan.

Tan iyo markii ay Jubbaland la wareegtay deegaanada Waqooyiga Kismaayo oo mudo badan ay ku sugnaayeen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa waxaa socday qorshe lagu fulinayay mashaariic horumarineed oo Bulshada tuulooyinkaasi baahi weyn u qabeen.

Xukuumadda Soomaaliya oo daah furtay Nidaam Cusub oo Askari walba uu ku qaadanayo Mushaarkiisa+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya  Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah.

Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.

Diwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkood ku aadan nidaamkaan cusub ee Dowladda Soomaaliya Akoonada ugu fureyso Ciidamada Xoogga dalka,waxayna sheegeen iney tahay talaabo horay loo qaaday oo dhiira gelineysa Ciidamada habeen iyo maalin u soo jeeda difaaca dalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa.

Harka Muwaadiniinta Waa Dawladnimo Kaliya!!!

0

Muqdisho(SONNA):–Weligaa ma is waydiisay waxa kaliya oo ay muwaadiniin dal kaliya ku nool wadaagi karaan? Mise is waydiisay haddii ay waayaan waxaasi sida ay u ekaan karaan?

Haa! Waa dawladnimo waxa na deeqa oo aan wada wadaagi karno, Mar kalana waxaan ku leeyahay Haa!! wax haddii aan wayno aan u ekaan karno duurjoogta oo kale waa dawladnimada, sida aan ahayn goor aan dheerayn

Ma Doonayo in aan kuu sheego ama aan ku waydiiyo wax aan aniga iyo adigaba wada ognahay xiligaan aan joogno, balse waxa ay iga tahay baraarujin iyo Caashaq iyo jacayl aan u qabo Dawladnimada,

Dad baa yiraahda dawladda waxay wax siisaa Shaqaale aan wax hawl ah u qaban qaranka Soomaaliyeed waxna aan ku soo kordhin dalka iyo dadka, culaysna ku haaya goobaha ay joogaan, taas qof ahaan kama doodayo waxaan isaga gaabsanayaa ruuxa ama shaqsiyaadka sidaas u carab dheereeyey in uusan ogayn ama uusan aqoon buuxda u lahayn goobaha shaqo ay hawlaha baaxadda wayn ka hayaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee dawladda u shaqeeya.

Midda kale Duulkaas fekerka qaldan aaminsan Miyeysan ogayan in dawladda ay tahay Hoos ama har ay soo wada hoos geli karaan Muwaadinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay dawladda mid matasha kana shaqaysa horumarintiisa qof ahaaneed dhinacyada nolosha sida Caafimaadka, Tacliinta,  Amaanka IWM.

Shaki kuma jiro in dawladda ay tahay mid uun ka shaqaysa danaha guud ee ay iska leeyihiin dadkii iyada nafteeda soo duubtay una doortay xilka ay hayso, nasiib darada ugu waynse waxay tahay in dadka qaar ay ka horyimadaan wanaag kasta oo ay dawladda sameeyso iyaga oo mar kastaa ku duraya wax aysan iyada mas’uul ka ahayn.

Dawladdu waa afraad mararka qaar umadda meel kuwada nool ay isla garteen in ay uga shaqeeyaan Umuurahooda Siyaasadeed, midkooda dhaqaale iyo dhaqan isla markaana iyaga uga dambeeyaan wax kasta oo ay u soo go’aamiyaan.

Haddana marka aad Soomaaliya joogto waxaad la yaabaysaa sida dhaqanka qaar dadka ka mid ah u majaro habawsan yahay–

Bal eeg: waxaad arkaysaa ruux shalay wax ka soo dhisay dawladda oo markii uu danihii uu lahaa ka dhex waayo shaashadda wayn ee dawladnimada isla maalinka xiga maalinkii la dhisay dawladda wax ka sheegaya oo si bareer ah u dhahaya waxaan ma dawlad baa? maba taqaano xaqdhawrka dadka waawayn ee iyada wax ka halayn kara!!

Hadalkaas waa Ceeb in uu yiraahdo ruux wayn oo wax garad ah, maxaa yeelay dawladdnimada runta ah waa in aad ka hormarisaa dantaada gaarka ah danta guud ee ay umadda oo dhan wada leedahay, laakiin ma aha in aad u qayliso wax yar oo aad adiga rabto in loo baabi’iyo wax ka badan oo umadda oo dhan ka dhexeeya, taana ma noqonayso jiritaan umadeed oo nadiif ah iyo ilbaxnimo wanaagsan, waxaana walaalkaas oo kale la gudboon in uu u soo noqdo xaqiiqda, kana tanasulo dantiisa gaarka ah, iskana dhaafo wax ka sheegga Madaxdiisa xalaasha ah ee uu shalay isaga maanta qaylinaya wax ka soo doortay, una arkaa in dawladda uu xaqdarada ku canbaaraynayo aysan isaga oo kaliya wax ka sugayn, ayna tahay Dawladdu har ama hoos ay u soo wada ordayaan Muwaadiniinta oo dhan.

Shaqaalaha dawladdana waxay ka mid yihiin dadka dawladda, waxay leeyihiin xuquuq la siman Muwaadiniinta kale, maadaama ay leeyihiin xaasas caruur iyo ehel fara badan oo iyaga hoos yimaada, si kale haddii aan u iraahdo ruuxa shaqaalaha ah waa dawlad yar oo wax wayn iyo wax yarba u tara mas’uuliyadda uu haayo, waxaa taas u sii dheer in uu ka shaqeeyo hawlo baaxad wayn oo uu naftiisa kaliya u qabane dadka oo dhan u haayo.

Waxaa Dhab ah halkaana aan ku qirayaa in farabadan oo Soomaaliyeed ay sidaasi dareemayaan isla markaana ay abaal uga hayaan shaqaalaha Soomaaliyeed hawsha ay dadkooda iyo dalkooda u hayaan.

Sidoo kale waxaa dhab in  shaqaalaha maanta jira ay udub dhexaad u yihihiin dawladooda xalaasha ah, dhagna jalaq aysan u siinaynin hadalada laga soo minguuriyey cadawga umadda Soomaaliyeed iyo Mucaaradka aan horay u socodka lahayn ee wanaag sheegga aanba aqoon.

Guntii iyo gabagabadii waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa horumarka kuma yimaaddo is macaarad indha la’aan ah balse wax uu horumarka ku yimaada xaq dhawr iyo wada tashi wada jir ah, iyada oo aan la is xasdaynin, runtana laga sheegayo wax qabadka muuqda sida midka maanta dalka jira hormuudkana ay ka yihiin Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaa Qoray: C/risaaq Axmed Absuge

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Ducaale Beyle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell.

Wasiir Beyle iyo mas’uulka ka socda Bangiga Adduunka waxay kulankooda kaga wada hadleen arrimaha ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka, iyagoo meel fiican wada dhigay waxyaabihii ay isla soo qaadeen, kuwaasi oo horumar u ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qarax sabaabay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso(SONNA) Ciidamada katirsan maamulka Puntland ayaa lagu soo waramaya in lagu beegsaday qarax bombaano xili ay ku sugnaayeen wado aad u mashquul badan oo ku taala magaalada Boosaaso.

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyootay ila 10 kale waa ay ku dhaawacmeen,iyadoo dadka waxyeelada soo gaartay ay u badan yihiin shacab.Sida uu soo sheegayo wariyaheena magaalada Boosaso Maxmed Muuse Tarsan.

Waxaa Goobtaasi durba gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano isla markaana samaynaya hawlgalo lagu baadi goobayo dadkii fuliyay qaraxasi.

Saraakiisha ammaanka iyo maamulka Gobolka Bari ayaa lafilayaa in dhawaan ay la hadlaan warbaahinta iyagoo ka warbixindoona  khasaaraha qaraxaasi uu geystay.

Xuska dhalashada Nabigeenna (NNKH) oo maanta ka soconaya Gobollada dalka

0

Muqdisho(SONNA) Xaflado lagu weyneynayo dhalashadii Nabigeenna Muxamed SCW ayaa maanta ka soconaya gobollo ka tirsan dalkeena Soomaaliya iyo guud ahaan wadamada muslimiinta ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday dhamaan shaqaalaha rayidka ah xuska dhalashada Nabigeenna awgeed,  taasoo ku beegan 12-ka Bisha Rabiicul Awal ee taariikhda Hijriyada.

Sanad kasta marka la gaaro maanta oo kale waxaa ummadaha muslimiinta ah u dabaaldegaan dhalashadii nabigeenna oo ku asteysan  12-ka Bisha Rabiicul Awal, iyadoo laga sheekeeyo siirada nabigeenna Muxamed.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada sida weyn looga ixtiraamo Guud ahaan Soomaaliya ayaa Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho kaga hadlay muhiimaddu ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacuubta Muslimiinta u leedahay xusidda iyo weyneynta dhalashada Nabigeenna Suuban (NNKH).

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xuska dhalashada Nabigeena Muxamad (NNKH) ay tahay mid raxmad ah oo loo baahanyahay in Ummadda ay wada ogaato, lagana sheekeeyo siirada Nebigga oo ay musliimta wax badan ka bartaan.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Baladul-Amiin ku qabtay hub iyo waxyaabo Qarxa.+Sawiro

0

Shabeelada Hoose(SONNA) Kadib howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga  shalay Al-shabaab kagala wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub Maleyshiyada Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaankaasi.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay guulahaasi ay gaareen ciidamada Dowladda,gacantana lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin,kuwaasi oo ay Shabaabka u adeegsan jireen gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gacanta ku dhegeen taleefano nabadiidka Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka ah.

Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ku dhuumaalaysanayaan.

Waxaa barbar socda  howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo horjoogayaasha Shabaab,waxaana duqeyntii ugu dambeysay lagu dilay horjooge katirsanaa Daacishta ku sugan Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.

Ra’iisal wasaaraha oo xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta Caasimadda

0

Muqdisho(SONNA) R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay kormeeray baraha Ciidamada Xasilinta ee Caasimadda Muqdisho.

Kormeerka uu sameeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa muhiimadiisu waxay ahayd sidii loo dhiira gelin lahaa loona dhisi lahaa niyada Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo habeen iyo maalin u soo jeeda sugida amniga Muqdisho iyo dagaalka kooxaha nabad diidka.

” Xarunta CID-da ayaan joognaa iyadoo Saq dhexe ay tahay,waxaan soo marnay dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho intooda badan,Miizaanka dhuxusha, Daaru-salaam, Excontrol,Kaxda,Deyniile meelahaasi dhan ayaan soo marnay anigoo Taliyeyaasha Ciidamada ay isoo tuseen sida xaaladda amniga uu yahay iyo sidey u shaqeynayaan Ciidamada oo dhaxanta taagan aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Sidoo kale, Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in inta uu howlaha kormeerka ah ku jiray Ciidamada ay tuseen dad Al-Shabaab ah oo la soo qab qabtay oo waliba ay soo sheegeen dad shacab ah oo wada shaqeyn dhow la leh Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu Ra’iisal wasaaraha hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyay Ciidamada amaanka iney sii laba jibaaraan waajibaadka loo igmaday ee shacabka ay u hayaan,islamarkaana gacan bir ah k qabtaan kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda dhibaatadana wada.