Home Blog Page 1344

Trump “Ha igu mashquulin ee diiradda saar Kooxda argagixisada ah ee kharbudaadda ka wada UK,”

0

Muqdisho(SONNA) Donald Trump,madaxweynaha Mareynkanka ayaa Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May u sheegay iney diirada saarto argagixisada ingiriiska ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.

Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo “goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.

Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku sheegay Muslimiin.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shirka 5aad ee Madasha Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kaga qayb galaya magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga waddamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny ee Abidjan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas Mudane Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Marcel Amon Tanoh iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Inta uu shirkani socdo, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulshada tabaaleysan “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) ayaa maanta  Daah furay Mashruuc Qaliin guud ah oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad iyo Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Mashruuca lagu daah Furayay waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad, Madaxda Istibaalka Aadan Cadde oo ay ka mid yihiin Dr. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Dr. Maxamuud Maxamed Zaahid, Dhaqaatiir ajaanib ah oo ka qeyb qaadaneysa Qaliinka, Dr Mahad iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Mu’asasada Macalim Nuur Dr Mustaf Muxudiin

Mashruuca Qaliinka oo socan doona muddo bil ah ayaa waxaa looga faa’iideynayaa 435 Bukaan oo danyar ah, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan.

Dr  Maxamuud Saahid Maxamed iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde oo  ka mid ah masuuliyiinta sare ee Cusbitaalka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay talaabadan ay tahay mid wanaagsan ayna u diyaar u yahiin u adeegidda bulshada danta yar.

Mid ka mid ah dadka ka faa”iideystay  olalahan  qaliinka guud  oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay adeegga caafimaad ee loo sameeyay.

asiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow), ayaa waxa uu uga mahad celiyay Mu’asasada Macalim Nuur iyo Isbitaalka Aadan Cadde mashruuca bulshada looga faa’iideynayo, waxa uuna rajeeyay in mustaqbalka la fulin doono Mashaariic kale oo shacab badan ka faa’iideestaan.

Tani waa talaabo muujinayso in bulshada Soomaaliyeed ay dhexdooda isku gar gaaran.

 

Magaaladda Melbourne oo lagu qabtay wiil Soomaali ah oo qorsheynayey Weerar argagixiso inuu geeysto

0

Melbourne (SONNA), Booliska  iyo Hay’adda Sirdoonka Dolwadda Australia, ayaa Xaafad ku taalla magaaladda Melbourne kasoo qabtay Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Urur argagixiso ah, islamarkaana uu qorsheynayey inuu weeerar ka geeysto Banaanka hore dhismaha la yiraahdo Federation Squar-ka, halkaasi oo sanadka cusub la qorsheynayey in lagu qabto dabaal dagyo lagu  soo dhoweynayo sanadka 2018 ka, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay ku xiggeenka Madaxa Booliska gobolka Victori, Shane Patton,

Waxaa kale oo uu sheegay in Wiilkan Soomaaliga ah ee Booliska ay qabteen uu helay Buug kooxda argagixisada ah ee  Alqaacida ay soo saartay oo ay ku qorneyd macluumaad ku saabsan sida loo fuliyo fal argaggixisannimo iyo sida loo adeegsado qoryaha, iyaggoo caddeeyey booliska in wax qori ah aan laga helin hoygiisa.

Booliska Australia, ayaa sheegay  in Wiilka la qabtay uu  20 sano jir yahay, kuna dhashay dalkaasi, balse waalidkiisa ay kasoo jeedaan Dalka Soomaaliya, waxaana ay tilmaameyn in soo qabashadiisa ay iska kaashadeen Saraakiisha  booliska Victoria iyo  booliska Federalka.

Shirka dib u eegista sharciga SHaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed oo garoowe ka furmay+Sawirro

0

Garowe(SONNA) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey ayaa  si rasmi ah uga furay  magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay  wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaa shirkan daah-furkiisa soo qaban qaabiyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-tashan doono sharciga shaqaalaha rayidka ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa siweyn diirada loo saari doonaa dib u eegista sharciga shaqaalaha rayidka,iyadoo lafilayo in ugu dambeyntii laga soo saaro qodobo wax ku ool ah.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa maalinimadii shalay aheyd gaaray caasimadda Puntland ee Garowe waxaana  ay soo dhaweyn kadib kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kaasi oo lafilayo in dhawaan xarigga laga jaro.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo maalinta berrito ah fasaxday shaqaalaha rayidka ee Dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA), Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Radio Muqdisho u sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baraawe

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga wasiirka ku xigeenka waxaa soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Baraawe, Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka uu ugu horeeyo Taliyaha Ururka 25-aad ee Guutada Sedexaad Ciidamada Xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay inuu kormeeray Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Warbixin ku saabsan xaalada cidiamada ka dhageystay Saraakiisha hoggaamineysa.

Wasiirka ku xigeenka ayaa la hadlay Ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu bogaadiyay hawsha wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Soomaalkiyeed, isagoo u balanqaaday in wasaaradda Gaashaandhiga ay dardar galin doonto ka warqabka xaalada iyo baahida ciidamada si ay guud ahaan ula wareegaan Amniga guud ee dalka, wuxuuna ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii guud ahaan cadowga ay u ciribtiri lahaayeen.

Wafdiga wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna u sheegeen Bulshadii ay la kulmeen in ciidamda xoogga dalka ay shaqo wanaagsan ka hayaan magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo shacabka ka difaaca cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, Wasiir ku xigeenka ayaa dhankiisa ka codsaday Bulshada inay xoojiyaan taageerada iyo garab istaaga ay kula jiraan ciidamada xoogga dalka.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga iyo Mukhtaar Roobow oo gaaray Xudur

0

Bokool(SONNA) Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxmed uuna kamid yahay Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa goor dhow gaaray magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bokool,kan degmada,saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,maamulka K/Galbeed iyo qeybaha Bulshada.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ujeedada socdaalka Mukhtaar Roobow ay tahay in deegaankiisa uu dib ugu laabtay maadaama uu halkaasi ka yimid markii hore.

Maalinta beri ah ayaa lafilayaa in wafdiga uu meell fagaare ah uu kula hadlo shacabka iyo maamulka.

Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho,isagoo kulamo kala duwan la yeeshey mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deg Deg: Golaha Wasiirada Hirshabeele oo lagu dhawaaqay

0

Jowhar(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in goor dhow lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada kadib kulamo wadatashiyo ah oo uu maal mahan la lahaa Golayaasha kaladuwan ee Hirshabeele.

Wasiirada uu soo dhisay Madaxweyne Waare ayaa ka kooban 57 xubnood,kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowle.

Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa inta badan ah kuwo cusub ,balse waxaa kujira qaar kamid ah xubnihii hore oo dib ugu soo laabtay markale Golahaasi

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uu u Xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay, waxaana ciidamada si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaankaasi oo sheegay in dhibaato ay ku hayeen nabad diidka Al shabaab, isagoo dhanka kale sheegay in howlgalka uu socdo lagana yaabo in Tiro ka mid Argagaxisada Al shabaab gacanta lagu dhigo

“Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada nabad diidka gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo, waxaana Taliyaha uu balanqaaday inta Hal Cadow oo Al shabaab ah Soomaaliya ku sugan yahay uusan joogsan doonin Dagaalka Cirka iyo Dhulka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka iska kaashanayaan.