Home Blog Page 1344

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horrey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

0

kulanka wasiirka iyo xoghayaha ayaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xoghayaha Guud ee Ururuka Jaamacadda Carabta warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, iyadoo xoghayuhu uu bogaadiyey horumarada iyo dadaalada ay wado dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Abul Qeyd ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay mar waliba garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysaneyso dib usoo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Xogahaya guud ee Ururuka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd ayaa xusay in si gaar ah Hay’adaha amniga Soomaaliya lagala shaqeyn doon sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda dhinaca sugidda amniga ah.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah ay kala hadli doonaan sidii gar gaar loo gaarsiin  Soomaaliya, sidaasi oo kalena dowladda federaalka ah ay kala shaqeyn doonaan dhinaca Doorashooyinka soo socda islamarkaana ay usoo diri doonaan kormeerayaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Boqortooyada sacuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee ururka Jaamacadda Carabta oo hor dhac u ah shir madaxeedka 29-aad ee madaxda ururka Jaamacadda Carabta.

 

Wasiir Maxamed Cabdullahi Salaad “Omaar” oo kulan la yeeshay jaaliyada Soomaliyeed ee Turki

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa booqday xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Jaaliyadda iyo qaar kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Madaxda Jaaliyadda iyo Bulshadii kale ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul, iyadoo wasiirka iyo wafdigiisa ay bogaadiyeen isku xirnaanta Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa u muujiyey wasiirka sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadiisa, waxaana uu xusay in dadka Soomaaliyeed ee Turkiga ku nool ay diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in arin wanaagsan ay tahay isku xirnaanta dadka Soomaaliyeed, waxaana uu kula dardaarmay in dowladooda ay ku taageeraan howlaha ay dalka ka wado.

Bulshadii kale ee kahadlay halkaasi ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo kulanka uu kula qaatay xarunta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad oo todobaadkii hore gaaray dalka Turkiga ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalka Turkiga, oo uu kala hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii Diyaaradaha ee Somali Airline.

 

Culumada Sufiyiinta Caalamka oo casho sharaf logu sameyay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu xalay casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

“Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

Wafdi ka socda wasaarada arimaha dastuurka oo gaaray magaallooyinka Kismaayo iyo Baydhabo

Labo wafdi oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kala gaareen magaalooyinka Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dawlad Goboleedka Jubbaland iyo magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeeddada labada safar ayaa ah in sedexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay Dawlad Goboleedyada ka talageliyaan tubta Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo hogaaminayay wafdigii gaaray Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Jubbaland, waxa uuna Wasiir Xoosh sheegay inta ay joogaan Kismaayo inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Bulshada Rayidka Jubbaland.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo hogaaminayay wafdigii gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale oo katirsan Koonfur Galbeed. Wafdigan Baydhabo gaaray ayaa waxay kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xuseen Maxamed Xuseen “Eelaay” iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Mudane C/llaahi Sheekh Xasan.

Ugu damabayn, banbax hawleedyadan ayaa ah kuwo Wasaaradda ay ku dardargelineyso waajibaadka saaran iyada oo kaashaneysa Guddiyada ay shaqo wadaaga yihiin.

 

                    —–DHAMAAD—–

Boko Haram Has Abducted Over 1000 Children Since 2013

0

The United Nations children’s agency UNICEF has said that the ISIS-affiliated Boko Haram operating in Nigeria has abducted over 1000 children from the northeast of the country since 2013.

The militants regularly took youngsters to spread fear and show power, the agency said on the eve of the fourth anniversary of the abduction of 276 schoolgirls from the town of Chibok, a case that triggered global outrage.

The Boko Haram conflict is in its tenth year but shows little sign of ending, but the government said that the recent release of the Dapchi girls alluded to ceasefire talks with the militants. Boko Haram which is affiliated to ISIS has been perpetrating violence in Nigeria and spreading to neighboring countries as they seek to establish an Islamic caliphate that denounced western education.

14 Al Shabaab Arrested By Puntland Security Officers In Bosaso Town

0

Security officers in Puntland region in Somalia have arrested 14 al Shabaab militants in the town of Bosaso. The 14 were arrested after security operation was launched in the town of the semi-autonomous region of Somalia targeting the fighters.

The security operation was targeting ISIS-affiliated faction of the al Shabaab in the region and who have been mounting attacks against security officials and military positions in the area.

The ISIS-affiliated faction of the al Shabaab has appeared to be more radical and violent as it tries to seek legitimacy from IS in Iraq and Syria. Security forces in the area have intensified security and operations to decapitate their operations in the area.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay waqtiga uu furmayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday,isagoona tillmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhamaan maamul Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 19-ka bisha May ee sanadkan 2018-ka,waxaana Qarashaadka ku baxaya dhamaan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan,Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa bogaadiyay Hay’adaha amaanka sida hufan ee uga qeyb qaataan sugida ammaanka dhammaan xarumaha Waxbarasho ee lagu qabto Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Dowladda ay qaato.

Madaxwaynaha JFS oo si kulul uga hadlay qarixii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Baraawe

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa la hadlayay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixii galabta argagixisada Alshabaab ay ku dileen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

 

“Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad.