Taliyaha ciidaanka Booliska soomaaliyeed oo kormeeray xarunta general kaahiye

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Dugsiga tababarka Ciidanka Gen kaahiye, halkaasi oo uu kula kulmay Ciidan dhowaan tababar loo furay.

Taliyaha oo la hadlay Ciidankaasi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkeystaan noocyada kala duwan ee  tababarka la siinayo  islamarkaana ay oggaadaan in ujeedada tababarka loo siinayo ay tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego kana dhiidhiya ficilada arxan laawayaasha Argagixisada ah ee u geystaan shacabka soomaaliyeed, ciidankaana ay tahay tababarka ay qaadanayaan si aanan cadoowka uga guuleysan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa kormeeray qeybaha kale ee Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsigaasi oo sharxay tabarada ciidamada ay qaadanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka...

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad...