Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah furay barnaamijka wacyigalinta dhalinyarada Gobalka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.

Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horu-socodka Dhalinyarada ayaa yiri; “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caasimadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasilloonida iyo amniga dalka.

Munaasabadda Daah-furka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isaga kala yimid 17-ka degmada ee Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...