wasaarada arimaha gudaha oo tababar u furtay bulshada ku nool deeganada Gobalka Bakool

Date:

Tababarkaan ayaa loo qabtay, qeybaha bulshada ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool,oo ay ku jiraan Golaha deegaanka degmadaasi, iyadoo oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha horumarinta iyo dib u dhiska magaaladaasi Xudur C/risaaq Isaaq Maxamed ayaa sheegay in tababarka lagu barayo Golaha Deegaanka,hannaanka, Maamulka,Siyaasadda, Sharciga iyo fulinta.

“Waxaa furay tababarka Maamulka gobolka Bakool, waxaa sidoo kale joogay Maamulka Degmada Xudur, waxa ay tahay ujeedada in sare loo qaado aqoonta iyo qibradda xubnaha Golaha deegaanka,si ay bulshada ugu qabtaan adeegyo wanaagsan,maadaama ay matalaan,waxkastana ay guul ku dhammaadaan” ayuu yiri Guddoome C/risaaq.

Tababarkaan oo soconaya muddo 10 maalmood ah ayaa sidoo kale lagu barayaa ka qeybgalayaasha sida loo wajihi karo caqabadaha bulshada dhexdeeda ah,sida shaqo la’aanta iyo go’aan qaadashada.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto degmada Xudur, marka loo eego Dadka ka qeyb qaadanaya midka haatan, oo ay ka mid yihiin, Culumada, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo Maamulka Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...