wasaarada arimaha gargaarka oo maanta daahfurtay shir wax loga qabanaayo Abaaraha soomaliya

Date:

Mashruucaan maanta uu daah furay Sii hayaha wasiirka gargaarka ayaa ah mid lagu caawinaayo dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaarahi isbiirsadey ee dalka ku dhuftay waxaana maal galintiisa iska kaashanaaya Bangiga hormarinta Africa.iyo IGAD ayado daahfurka mashruucani ay ka qeyb galayeen ku xigeenka u qeybsanaha qaramada midoobey ee soomaalia madax ka kala socotay hadaha deeq bixiyayaasha ururada bulshada Rayidka iyo wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada.

Shirkani intii uu socday ayey Madaxda wasaraada Gargaarka hayadaha madaxda deeq bixiyayaasha iyo Nnenna Nwabufo ah ku xigeenka maamulaha guud ee  Bangiga hormarinta Africa oo dhaqaalaha mashruucan bixinaaya wakiilada maamul goboleedyada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa bini’aadanimada ka dhageysteen baahiyaha gaarka ah ee xiligani ka jira gobollada soomaalia

Markii uu shirku soo idlaadey ayuu sii hayaha wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ahna wasiirku xigeenka wasaradaas waxa uu warbaahinta u faahfaahiyey mashruucani ahmiyada uu u xanbaarsanyahey dadka soomaaliyeed iyo xiliga sida rasmiga ah uu u bilaabanaayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...