Muwaadiniin Soomaali lagu dilay Columbus oo la aasay.

Date:

Columbus (SNTV)-Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaro oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

Dhalinyaradan waxa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah.

Booliska oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyara ah oo wali aan la hayn dadkooda waxaase maalin kadib ogaaday eheladooda oo lagu wareejiayay.

Maanta ayaa lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Columbus Ohio waxaana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan Dilalka loo geystay dhalinyaradaasi oo lagu kala magacaabi jiray C/laahi Sacid Sharif  oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq  Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.

Ehelada labadan dhalinyarada ahaa waxa ay noo xaqiijiyeen in aysan ilaa iminka helin wax faahfaahin ah oo la xariirta dilkooda baaritaan aysan ka hordhici karina uu socdo.

Culumadii iyo waxgaradkii ka hadlay meesha ayaa aad uga walaacay dilkan iska socda ee aan ilaa iminka cidna maxkamad la soo taagin

Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.

Ciidamada danbi baarista iyo Boolisku waxa ay aad uga wal walsan yihiin Cabsida aan micnaha lahayn ee haysa dadka Soomaaliyeed kuwaas oo hadii ay danbiilaha sheegaan u arkaya in iyaga la layn doono taasna ay tusaale xun u tahay sidii guul looga gaari lahaa arintaasi.

W/D: Deeqo Shire (Deeqo SONNA)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...