Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay u qaabilsan mashaariicyada.

Taliyaha, ayaa Hey’addaasi kala hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, taageerada booliska Soomaaliya ee dhinaca dhismaha, tababarka iyo Qalabeynta Ciidanka iyo taakuleynta laamaha ammaanka dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Qaramada midoobay sida hagar la’aaneed ee ay uga qeyb qaataan Horumarka dalka iyo taageerada ay siiso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...