Ciidanka Booliska oo Gacanta Kusoo dhigay Horjooge ka tirsan Aragagixisada Daacish.

Date:

Muqdisho(SNTV)–Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooyo waxay kusoo qabteen Horjooge ka tirsan Argagixisada Daacish, kaasi oo markii lasoo qabaneynayey Wadada Afgooye aado ku aasayey waxyaabaha Qarxa.

Horjoogahan oo Ciidanka Booliska ay ku soo bandhigeen Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Jaamac Xuseen Xasan, waxaana horay uu uga tirsanaa Nabad diidka Alshabaab sida uu sheegay.

“Markii hore waxaan ka tirsnaa Alshabaab waxaana xiligaas ka howlgali jiray deegaanka Beerxaani, kadib waan ka soo tagay Waxaana Ku biiray Kooxda Daacish waxaana aaday Gobolka Bari” ayuu yiri Horjooge  Jaamac

Jaamac ayaa qirtay in gacantiisa uu ku dilay dad fara badan, isaggoo xusay muddo seddex sano ah inuu ka mid ahaa Kooxda Argagixisada Daacish.

Ciidanka ayaa Horjooge Jaamac waxay lasoo qabteen Labo qof oo dumar, kuwaasi oo Argagixisada u qidmeynayey, una qaabilsanaa dhanka Shirqoolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...