Home Blog Page 1335

Xarunta Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo noqonaysa mid kamid ah goobaha ugu qurxoon Muqdisho (SAWIRRO).

0

S/guud Bashiir Maxmmed Jaamac “Keynaan” Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/guuto Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhinayo dhismaha Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex Control Afgo’e.

Saraakiishan ayaa su’aalo weydiiyay Injineerada dhisaya qeybaha cusub ee lagu kordhinayo  Xarunta taliska iyadoo sidoo kale dhismooyinka qaarkood loogu tala galey in eey ku shaqeeyaan Maxkamadaha  dalka, sida eey sharaxeen Injineerada dhisaya qeybahan cusub ee lagu kordhinayo  dhismaha Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan ayaa intii eey ku jireen kormeerkooda waxa eey booqdeen dhammaan qeybaha cusub ee la dhisayo iyagoo  ka dhageystay warbixinno  khubarada ka shaqeynaya dhismooyinkaas.

S/guud Bashiir Maxmmed Jaamac “Keynaan” Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  ayaa sidoo kale saraakiisha taliska weydiiyay in eey soo tira koobaan reeraha degan xarunta taliska si taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u dejiyo meela kale oo ku haboon.

S/guuto Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si wada jir ah ugu ammaanay taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed horumarka xagga qurxinta dhismaha taliska eey ka gaareen, gaar ahaan taliyaha Ciidama Asluubta Soomaaliyeed oo xil weyn iska saaray dhaqaajinta himilooyin kaasi hir-gelintooda wili eey socoto,  waxa eeyna sidoo kale sheegeen iyagoo ka wakiil ah Maxkamadaha kale ee dalka In eey soo dhaweynayaan xafiisyada quruxda badan ee taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu tala galeen si eey u gutaan waajibaadka kaga aadan dalka.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaa hadda ka socdo dhismooyin casri ah oo eey ku howlan-yihiin khubar isugu jiro Soomaali iyo ajaanib kale, waxaana hadda uu u muuqda in uu tar-tamayo mid kamid ah goobaha ugu quruxda badan ee Magaalada Muqdisho.

 

17-qof oo ka badbaaday kadib markii ay diyaarad ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee dalka Nepaal

0

Diyaaraddani oo ay saarnaayeen 71-qof oo isagu jiray rakaab iyo shaqaale ayaa burburtay markii ay cago dhiganaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kathmandu ee dalka Nepaal.

Samatabixiyeyaasha ayaa meedad gubtay kasoo saaraya burburka diyaaraddani oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee US-Bangla, wax-yar uun kadib markii la demiyay dabkii ka kacay diyaaradda.

Dhammaan duulimaadyada soo galayay iyo kuwaka baxayay garoonka Caalamiga ah ee Tribhuvan ayaa la joojioyay, sida ay baahisay warbaahinta muxaliga Nepaal, Diyaaradda ayaa lagu sheegay in nooceedu yahay S2-AGU, balse si rasmi looma shaacin.

Diyaaradda ayaa cago dhigatay 14:20 xiliga Kathmandu sida laga ogaaday bogga Raadeer-ka website-ka ee duulimaadka diyaaradda 24-kii saac  ee ugu dambeeysay.

Gobolka Benaadir iyo W. waxbarashada oo ku heshiiyey horumarinta waxbarashada caasimadda

Kulankani oo muhiimdiisu aheyd sidii loo xoojin lahaayay hormarinta waxbarashada Gobolka Benaadir  iyo in dib loo soo nooleeyo xarumahii waxbarashada ee Dowlada si markale ay bulshada Soomaaliyed u hesho waxbarasho lacag la’aan ah islamarkaana ay uga faa’ideystaan dadka danta yare e aan awoodin iney iska bixiyaan qarashka waxbarashada  si  loo dhiso aqoon tooda iyo mustaq balkooda waxaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista tayada Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka,

Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  ayaa sidoo kale kawada hadalay in la balaariyo waxbarashada Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee 15-may  oo xiligaan ay si lacag la’aan ah ay wax ugu bartaan arday Soomaaliyed

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yarisow) oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa tilmaamay in waxbarshadu ay tahay mustaqbalka aas aaska bulshada,

Wasiirka wasaarada Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan wax uu sharxay qodobada ay kawada hadleyn maamulka Gobolka Benaadir.

Baarlamaanka soomaaliya oo dalka ka mamnuucay shirkada DP world

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa meel mariyay “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED” oo qeexaya in dalka laga mamnuucay shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kullankii maanta ay isugu yimaadeen Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyay EERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.

Xeerkaan qodob ka mid ah waxa uu si rasmi ah dalka uga mamnuucayaa shirkadda Dubai Port World “DP World” kadib markii ay si bareer ah ugu xad gudubtay siyaasadda, madaxbannaanida midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada waxaa la hadlay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaam “Jawaari ” , Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cawad oo xeerkan Akhriyey.

 

Bandhig farshaxanka qarsoon ee haweenka naafada Soomaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

0

Waxaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Lagu Qabtay Barnaamijka Soo Bandhigida Farshaxanka Qarsoon ee Haweenka Naafada Soomaliyeed

Barnaamijkaan oo Lagu Soo Bandhigayay Wax qabadka Haweenka Nadafada Soomaaliyeed,ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Dhanka arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Guddomiyaha Ururka Hawenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabbale iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir marwo jawaahir Maxamud Jaamac(Barqab)

Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma ayaa ku amaantay Haweenka Naafadda Wa qabadka ay Soo Bandhigeen Waxayna ku Bogaadisay in ay Halkooda Kasii Wadan Dadaalkooda.

Waxay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhiirgelinayo horumarka Haweenka Naafada Soomaaliyeed uuna ku garab istaagayo wax walba oo ay awoodaan.

Haweynka ku jira barlamaanka soomaaliya oo casho sharaf u sameyay hawenka ciidanka soomaliyeed

0

Qaar kamid ah xildhibaanada haweenka ah ee kujira Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,haween ka kala socday qeybaha bulshada iyo ciidanka qalabka sida ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyagoo ka hadlay dowrka ay haweenku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday baarlamaanka oo ka qeybgalay munaasabadaasi waxaa kamid ahaa Maryan Macalin isxaaq iyo Farxiyo Muumin oo ka socday Golaha Shacabka,Siciido Xasan Cusmaan iyo Jawahir Axmed Cilmi oo ka socday Aqalka Sare iyo xildhibaano kale,waxaana ay ka hadleen kaalinta ay ka geysan karaan horumarka dalka,dhinacyada dhaqaalaha,waxbarashada,Dowladnimada iyo Difaaca Dalka.

‘’Haweenka Soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaa dadaal loo galay 30% in ay ka helaan baarlamaanka Soomaaliya,hadda waxaa soo socota doorasho kale oo dalka ka dhici doonta,marka hadii aan u diyaar garowno dadaal aan gelino aan midnimo muujino maal maskas iyo karti intuba waxbadan ayaa inoo qabsoomaya’haweenka Soomaaliyeed dowr muuqda ayay ka qaateen horumarka iyo dhismaha dowladnimo,taasi oo ku timid halgenkii aan bilownay lixdankii,maanta dalkeena wuxuu u baahanyahay badbaado iyo halgenkii in la soo celiyo,waxaa la rabaa in dhaqaalaha nalaka xiro,in aan dagaalano in aan isdilno,dalkaan anagaa iska leh,dalkaan hooyaa badbaado u ah’. Ayay tiri Senator Jawahir Axmed Cilmi.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa la aaminsanyahay in ay muujiyeen dowrkii ay ku lahaayeen bulshada,iyagoo muddadii dalka uu burbursanaa ay si gaar ah isaga xil saareen sidii loo bad baadin lahaa nolosha qoysaskooda oo ay la soo mareen duruufo adag.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir oo kormeeray Degmada Hilwaa

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Benaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmoonley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiirigalina ciidamada amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada.

“Mudane Guddoomiye waxaa sharaf inoo ah in aad caawa nagu wehliso kormeerkaan hadda meesha aan taaganahay waa deegaanka darmooley waa meesha xamar looga baxo dhanka Balcad, mudane Goddoomiye waxay noo tahay dhiiri galin iyo yadidiilo kormeeradaan joogtada ah aad nagala qayb qaadanayso,taasi oo Ciidanka mooraalkooda kor u qaadeysa”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan oo adag haatanna ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo horimarkeeda iyo xasiloonideeda.

“dhamaan goobihii aan soo marnay ha noqato suuqa Bakaaraha, Cali kamiin Jamhuuriya,suuqa xoolaha  iyo dhamaan isgoyska Warshadda Baastada, waxaan ku soo aragnay Ciidan heegan ah oo diyaar u ah in Amniga ay sugaan ,waxaa kale oo aan soo aragnay shacab diyaar u ah in Ciidamada ay la shaqeeyaan, arimahaasoo oo dhan waa arimo yididiilo iyo dhiira-galin nasiinaya.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Dhanka kale Guddoomiye Yariisoow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loogu guulaysto xaqiijinta Amniga Caasimmadda,taasi oo dan u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

 

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee New Delhi

0

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India kaga qeyb galaya Shirka Caalamiga aha ee ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta (International Solar Alliance), oo shalay ka furmay dalka India ayaa Khudbad ka jeediyay shirkaasi wuxuuna kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo muhiimadda shirkaasi dalka u leeyahay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka wuxuu xusay in aysan Soomaaliya xubin kaliya ka ahayn  isbaheysiga caalamiga ah ee Tamarta (International Solar Alliance),sidoo kalena ay ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA Framework Agreement ISA.

“Soomaaliya ma ahan oo kaliya xubin ka mid ah Axdiga Caalamiga ah ee (International Solar Alliance),balse waxay sidoo kale ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA. Soomaaliya ayaa sidoo kale saxiixday Heshiiska Paris, waxaana uu si joogta ah u xoojiyay mudnaanta sare ee la xiriirta wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo in lala sii wado beesha caalamka hirgelinta qorshayaal caalami ah”ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka

Mr. Mahdi,ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay madaxweynay Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisal wasaaraha dalka India Narendra Modi in Dowladda Soomaaliya ay ku casuumaan shirka Taariikhi ah ee ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimadda India.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beesha caalamka ugu baaqay iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,maadama horumaro laga sameynayo dhinacyo badan oo dhanka Siyaasadda,Amniga iyo Arrimaha Bini-adanimada ah.

 

Raa’iisulwasaare ku xigeenka soomaaliya oo la kulmay ra’iisul wasaaraha hindiya

0

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleed iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Dalka Hindiya ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Hindiya Narendra Modi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Raiisal Wasaaraha India Narendra Modi ayaa mas’uuliyiintan waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo in Hindiya dal ku galkeeda u fududayso dadka Soomaaliyeed ee u soo safra Dalkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyay salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Mohamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya,isagoo ka dalbaday in Xukuumadda New Delhi ay Soomaaliya kala shaqayso taageeridda iyo sidii loo caawin lahaa dadka hayaanka dheer usoo gala badigoobka Waxbarasho iyo mid Caafimaadba,loona sahlo in ay si fudud u helaan dal ku galka India.

‘’Waxaan la kulanay Ra’iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya”ayuu yiri mudane Mahadi Maxamed Guuleed R/wasaare ku-xigeenka Dalka’’.ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaare Modi, ayaa balan qaaday in Hindiya ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirka iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeed, wuxuna tilmaamay in kulankani albaab cusub u furayo xiriir dhow oo dhex mara labada dal.

Wafdiga Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo weli ku sugan Hindiya ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ahaa ee ka faa’idaysiga khayraad dabiiciga ah ee Tamarta,kaasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Dowladaha India iyo Faransiiska.

Safarkan shaqo ee Hindiya oo qaadanaya mudo 4 cisho ah waxa Ra’iisal wasaaraha kuxigeenka ku wehelinaya Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Pro. Saalim Caliyow Ibrow,Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abdulqadir Axmed Khayr, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waaxda Asiya Shirwac Abdulaahi iyo Xildhibaan Biixi Iimaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka.

Masuuliyiinta wasaarada maaliyada oo ka tacsiyeeyay geerida masuul ka tirsanaa wasarada Maliyada

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali, Agaasimaha xafiiska Wasiirka Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Osman Abshir Egal Yay, Agaasimihii Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo habeennimadii Sabtida ahayd, kuna beegnayd March 10, 2018, ku geeriyooday Muqdisho.

Osman Abshir Egal Yay oo ka qalin jebiyay Kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Shevchenko ee Magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine, Waxa uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka shaqa billaabay sanadkii 1971, isaga oo noqday sharci yaqaan ka howlgalayay Waaxda sharciyada iyo heshiisyada, kadib waxa uu noqday sarkaal hab maamuus.

Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal Yay, waxa uu ka mid ahaa saraakiil hab maamuus iyo Guddi farsamo oo loo xilsaarray qaban-qaabada shir madaxeedkii Ururkii Midnimada Afrika ee ku qabsoomay Muqdisho sanadkii 1974.

Intii u dhexeysay 1976-1978 waxa uu noqday Siihaye ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda.

May 28, 2013 waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Agaasimaha Waaxda sharciyada iyo keydinta qoraallada ee Wasaaradda.

Marxuumku waxa uu muddooyinkii dambe ku howlanaa dardargelinta dadaalo diblomaasiyadeed oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonaysay in lagu soo siidaayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku kala xiran wadamada Saldanadda Cumaan iyo Iiraan.

Allah u naxariisto Marxuum Cusmaan Abshir Cigaal waxa uu ifka kaga tagay hal xaas , sagaal caruur oo sideed ka mid ah ay yihiin wiilal.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN