Home Blog Page 1335

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen oo diiday sheegashada Xuutiyiinta

0

Muqdisho(SONNA):– Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdullah Saleh,ayaa beeniyay wararka sheegaya in kooxaha Xuutiyiinta ay la wareegeen gacan ku heynta inta badan caasimadda Sanca,sida ay sheegeen Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada Salah.

Dagaalyahanada Xuutitiinta ee taageerada ka helaya Dowladda Iran ayaa sheegay iney dib u qabsadeen seddex xarun Militari degmada Dilomaasiga iyo xaafado ku dhow,sidoo kale kooxaha Xuutiyiinta ayaa tilmaamay iney la wareegeen magaalada Dhamar oo ku taalo koonfurta magaalada Sanca iyo Gobollada kale ee ka agdhow.

Magaalada Caasimada u ah dalka Yemen ee Sanca ayaa la ruxaneysa rabshado u dhaxeeya taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Abdalla Saalah iyo Mucaaradka Xuutiyiinta (Houthi), Ugu yaraan 40-Qof ayaa lagu soo warramayaa in la dilay tan iyo Arbacadii, iyadoo ay socdaan

Inkastoo isku dhacyo ay dhaceen habeenkii Sabtida ahayd,hadana dadka deegaanka ayaa Warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dagaalka uu dib u soo cusboonaaday maanta oo Axad ah.

Marka loo eego warbixinta,isku dhacyada ayaa ka qarxay qaar ka mid ah xaafadaha bartamaha magaalada Caasimadda ah ee Sanca.

Dadka ayaa sheegaya iney maqlayeen dhawaqa Qaraxyo culus oo ka dhacayay Hasba,halka kuwo kale ay sheegayaan in Qolada Isbaheysiga ay duqeyn la beegsadeen xarumo loo badinayo iney ku sugan yihiin Mucaaradka.

Qaramada Midoobay ayaa ka deyrineysa xaaladda dalka Yemen,maadaama ay sii kordhayaan colaadaha iyo saameynta ay reebayaan.

Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 8-Xisbi siyaasadeed oo ka dhacday Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):– Munaasabad Shahaadooyinka lagu Gudoonsiinayey Xisbiyo Siyaasadeed kuwaasi oo  ah kuwii ugu horeeyey Xisbi ahaan loo aqoonsado ayaa Maanta ka dhacday Magaaladda Muqdisho, waxaana Shaahaadooyinka Gudoonsiiyey Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka.

Tiradda Xisbiyadda ayaa ah 7-Xisbi, waxaana Ruqsadda lasiiyey ay tahay mid ku-meel-gaar ah.

Munaasabadda Shagaadooyinka lagu guddoonsiinayay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshadda Rayidka iyo Marti Sharaf kale..

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheeegtay in Gudigu uu dajiyey Qorshe ah qaabka Doorashadda Qof iyo Codkiisa ah loo gaari karo sanadaha soo socda.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in tani tahay bilowga Doorashadda lafilayo inay Dalka ka dhacdo Sanada 2021.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa wuxuu sheegay in Nidaamka Xisbiyadda Badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo waxyaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Sadexda december  oo ah Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka ayaa munaasabad lagu xusayey oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talo galay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafadaha ay mudan yihiin in la dhiiro galiyo islamarkaana door wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa shegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walibo ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo gaba gabada munaasabadda ka  hadashay ayaa shegtay  in  xukumadda  ay diyaar u tahay in dadka naafada ah la caaawiyo.

16-ka December  sanadkii 1962-kii  ayey aheyd markii Golaha Guud ee Qaramada Miidoobey ay u aqoonsadeen 3-dii December iney tahay Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka.

Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka

0

Muqdisho(SONNA) Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka  ayaa lagu qabtay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan ee dowladda, xildhibanano, mas’uuliyiin ka socday haya’daha Caalamiga ah ee ka howlgala  Dalka iyo Gudiga ka hortagga Xanuunka HIVee Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya SCAC, Culummo, Dhallinyaro, Haween, dadka la nool HIV/ADIS-ka iyo marti-Sharaf kale.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC, iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin ka jeediyay guddoomiyaha guddiga SCAC, Axmed Maxamed Jimcaale isagoo si faahfaahsan ugu warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo caqabadihii ka hor-yimid, isagoo sheegey in dadka la nool xannuunka HIV ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah,

Sidoo kale, Jimcaale ayaa intaas ku daray in guddiga uu dajiyay qorashaal la doonayo in wax loogu qabto dadka la nool xanuunkan qorshahaas oo uu ku sheegay inuu yahay in ay Dhamaato Faquuqa lagu hayo Dadka la nool Xanuunka HIV wuxuuna si gaar ah uga Codsadey Dowlada in ay dadkaa Caawiyaan

Mr Axmed Maxamed Jimcaale waxaa uu sheegey in Haalku dhiga sanadkaan la isla qaatey uu yahay in “QOF WALIBA UU HELO CAAFIMAAD” waxaa uu sheegey inm Guddigha ka hortagga xanuunka HIV uu dhawaan uu bilaabi doono Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan  in gabi ahaan dalka laga joojiyo Xadgudyada loo geysnayo Dadka la nool Xanuunkaas

Xafladda waxaa kaloo ka Hadley Guddoomiyaha Dadka la nool Xanuunkaas Shiikh Sayid Shiikh  Abba waxana uu sheegey  in dowlada federaalka Soomaaliya  aysan meel-marin ballan-qaadyo ay hore u sameysay oo ah in la caawiyo dadka la nool xannuunkan, wuxuuna si gaar baaq ugu jeedisay ganacstada Shirkadaha, Hay’adaha Samafalka Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay garab-is-taagaan dadkaas.

Madaxa Agaasinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya qaybteeda Xanuunka HIV/AIDS-ka, Sacdiya Cabdisamad  oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa waxay ballan-qaaday in wax laga qaban doono cabashada ka soo yeertey dadka la nool xannuunkaas, gaar ahaan sidii loo daryeeli lahaa sidoo kale ku boorisay qaybaha bulshada Soomaaliyeed inay u gar-gaaraan dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka.

Sanator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare  ah oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri; “Weli horumarku waa mid gaabis ah, waxaa loo baahana yahay in Dowlada Federaalka iyo Hayadaha Samafalka ay ka qayb-qaadato sidii gaabiskaas loo dhameystiri lahaa si dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka ay u helaan daryeel guud maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul bulshada.”

Xubnhii kale ee Kulankaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dalada Bulshada Rayidka SOSCENSA Diini Maxamed Diini waxaa uu sheegey in Dadka Soomaaliyeed ay aad ugu Dhiban yihiin sidii ay daryeel Caafimaad u heli lahaayeen , isagoo ka Codsadey Wasaarada caafimaadka in ay  isbedel weyn oo Dhinaca Caafimaadka ah la timaado

Maxamed Cabdulaahi Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Maxamed  oo labadooda ka socdey Wasaaradda caafimaadka ayaa waxay Sheegeen in Baaris la sameeyey lagu ogaadey in weli ay jirto Faquuq lagu hayo Dadka la nool Xanuunka HIV,iyagoo ugu baaqey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay u istaagaan sidoo loo joojin lahaa Faquuqaas

Gunaanadkii waxaa kulanka ka hadashay Wasiirada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Drs Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa u mahad-celisay intii isku soo dubaridday Munaasabaddaan, gaar ahaan waxay u mahad-celisey guddiga ka hortagga HIV/AIDS SCAC oo ay sheegtay inay qabteen hawl muhiim ah.

“Marka la fiiriyo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa la nool xanuunka AIDS-ka dad fara badan sidaa darteed  waxaa jira baahi dhinaca wacyi-gelinta ah sidaa darteed dowladda Soomaaliya waxaa ka  go’an inay wax u qabato dadka la nool xannuunkan” waxayna halkaa ka balan qaadey in ay Xooga saari doonto sidii loo Caawini lahaa Dadka la Nool Xanuunka HIV.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC ayaa Munaasabadaas ku Daahfurey Barnaamij Bulshada looga wacyigelinayo sidii loo joojin lahaa  Faquuqa (Stigma)  lagu hayo dadka la nool Xanuunka HIV-ga.

 

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigay waxqabadkooda”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Xukuumadda iyo qorshaha Geeddi socodka hannaanka dawladnimada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, bulshada rayidka, oday dhaqameedyada, haweenka iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si toos ah halkaasi ugu soo bandhigay wax-yaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqeynayeen iyo qorshaha u dagsan dhowrka sano ee soo socda. Waxana wasiiradii goobta ka hadlay ay soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay.

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay markii ugu horeysay in dalka gudihiisa lagu saxiixay heshiisyo horumarineed oo ay ku baxayso malaayiin dollar, lacagtaas oo bixinayaan dawlado Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarka oo ugu danbeysay midkii qadar, dhowaana ay heshiis kale oo horumarka dalka wax looga qabanayo la saxiixan doonaan hay’adda USID heshiiskaas oo ku kacaya lacag dhan (300,000,000 USD) saddex boqol oo Milyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu ay sameysay  siyaasad hufan oo dhinaca maareynta maaliyadda ah, isla markaana uu kordhay dakhliga dawladda iyo canshuuraha, taasoo sahashay in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si joogto ah mushaarkooda u helaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayna jirinna wax dayn ah oo looga leeyahay gudaha dalka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa tilmaamay in dhawaan ay la soo wareegayaan hawada Soomaaliya, uuna gabagabo marayo qalabkii loo baahnaa si hawada ay ula soo wareegaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xusay in horumar laga gaaray dhinaca amniga, isla markaana la xaqiijiyey ammaanka caasimadda, lana qabtay xubno mihiim ah oo kamid ah shabaab,  Isla markaana uu heer fiican marayo qorshaha amniga iyo xasilloonda guud ee dalka.

Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay kormeer ku bixiyeen Xarumaha Maamul goboleedyada Dalka si ay wax oga ogaadaan hanaanka shaqaalaha u shaqeeya Maamulada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo diiwaan galin lahaa shaqaalaha Maamul goboleedyada islamarkaana loo waafajin lahaa hanaanka uu ku shaqeeyo guddiga shaqaalaha rayidka.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa  maanta Xarunta  Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda waxaa soo gaaray Wakiilo ka socda Maamulada Dalka si ay wax oga bartaan hanaanka uu ku shaqeeyo Guddiga.

Mas’uuliyiintaan ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga shaqalaha rayidka Xasan Abshiroow, Kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee Guddiga, iyada oo lagu wareejiyay qeybaha ay ka kooban Xarunta uu ku shaqeeyo Guddiga.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyada oo Dowladda federaalka ay wado dadaalo lagu mideynayo sharuucda dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada si loo helo hanaan federaal oo ka mideysan dhan kasta.

 

 

WAR-BiXIN:-Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

0

Muqdisho(SONNA):–Dal walba waxaa dhisa oo wax ka dhiga bulshadiisa, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare,

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Haweenka soomaaliyeed  maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi Karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,inkastoo Haweenku ay yihiin hooyooyin, gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna Hooyo.

 Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeen, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay  Haweenka kaga jiraan  Arimaha siyaasada Nabadgalyada , dib u heshiisiinta, waxbarashada,Ganacsiga iyo halgankii xornimada ee dalka.

Siyaasada

Haweenka soomaliyeed qeyb libaax leh ayey  ku leeyihiin Arimaha siyaasada ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii  ugu dambeeyey ee burburka kadib, Arintaasoo ka dambeysay sababao badan oo ay kamid yihiin iyagoo fahmay arimaha siyaasadda, islamarkaana ku biiray kuliyadaha lagu barto  Arrimaha siyaasadda Iyo waliba soo badashada  dadaalada lagu dhiiragalinayo  in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan.

Waana taas midda keentay in dawlada haatan jirtaa ay u garawdo haweenka kaalin muuqatana ka siiso barlamaanka, xukuumada, iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

Nabadgalyada

Maadaama wax kasta nabadu ay fure  u tahay la’aanteedna aanan la noolaan Karin ayaan dhihi karnaa Dumarka somaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo,

Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa  haweenka somalida waxay door fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa loona nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo  lagu dhameynayo Colaadahaas.

Dib uheshiisiinta

Sidaasi si la mid ah ayey waxay Dumarkeennu ka qeyb qaateen Dib u heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay  haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta nabadda,iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimada dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

Waxbarashada

Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku  ku badneyn Goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadi ugu dambeeyey ay haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa diiniga ahba.

Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo jaamacada dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada  si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan,

Waxaana Siyaabaha keenay in dumarku ay iskuulada iyo jaamacadaha kubataanna kamid ah, waalidiinti oo fahmay muhiimada waxbarashada ee aadaana iyo sida aaney usineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran, iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalmay, halkudhigga ah { Gabar wax baratay waa Qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

Ganacsiga

Kadib burburkii iyo qalalaasihi kadhacay wadanka ayaa Allaah kasokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, Iyadoo gabar walba ay kudadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay  ugusoo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

 

Xornimada iyo halgankii gobonimo doonka

Xornimada iyo halgankii gobanima doonka ee dalka haweenku waxay kagaleen baal dahab waxaana jirtay in haween badan oo somaliyed ay kuwaxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihi dalka katalinayey ay dhibaato kala kulmeen.

Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon kudhexleeyihiin bulshada somaliyed islamarkaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

W/Q  Amina ladan Axmed Cali

Sacuudiga oo soo dhaweeyey wadahadallo lala galo Madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax

0

Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay hindasa uu soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Yamen, Cali Cabdulle Salax, oo dalbaday in wadaxaajood lala galo.

Bayaan ay soo saartay xukuumadda Sacuudiga ayay ku ammaantay rabitaanka mr Salax ee wadaxaajood uu la galo xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo.

Ciidamada madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdale Salax iyo Xuutiyiinta ayaa ahaa isbahaysi dagaal kula jira sacuudiga iyo xulufadiisa.

Hogaamiyaha fallaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa uu dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo xoogagga taabacsan mr Salax.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa cambaareysay soo jeedinta madaxwaynihii hore ee Yamen uu soo jeediyay wadahadal lala galo Sacuudiga.

Dagaalo dad ay ku dhinteen oo wali ka socda dalka Yamen

0

Waxaa wali ka soconaya magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan u dhaxeeyo xuutiyiinta ay barataareyso Iran iyo taageerayasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada.

Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa inuu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee Sanca.

Illaa iyo haatan, labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.

Dhanka kale, dowladda Sucudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal kasoo yeeray Cali Cabdalla Saalax oo ah inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Isbaheysiga.

Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.