Raa’isulwasaraha dalka oo kulan looga hadlayo Fatahaadda Wabiga Shabelle la qaatay Guddiga Arrimaha Bulshada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada, si looga jawaabo Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddiga kala hadlay sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka kunool magaalada Baladweyne ee uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Kulankaasi kadidb ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu isugu yeeray Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgala dalka, kuwaas oo uu iyagana kala hadli doono sidii loo caawin lahaa dadka shacabka ah ee fatahaaduhu ay saameeyeen.

kulanka u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha iyo Hay’adaha Gargaarka oo wali socda ayaa diiradda lagu saarayaa habka looga jawaabayo Saameynta fatahaadda iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee shacabka gargaar loo gaarsiin karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...