Itoobiya oo sheegtay inay sii wadayso howl-galkeeda Soomaaliya

Date:

Addis Ababa-(SNTV)-Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta si weyn loo wiiqayo Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Meles Alem, ayaa Shalay u sheegay Saxaafadda inay Dowladdiisu doonayso inay sii waddo shaqada AMISOM ee la dagaallanka argagixisa.

Wuxuuna midowga Afrika u soo jeediyay inaysan ka bixin Soomaaliya illaa la naafeeyo Al-Shabaab ama ay Ciidamada Soomaaliya awood buuxda ugu yeelanayaan sugidda ammaanka Dalka.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa Dalka Soomaaliya yimid 2007-, si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu dhisaya Ciidamada Xoogga iyo Booliska, si ay ammaanka Dalka ula wareegaan marka ay laabtaan Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Isha/ Anadolu

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...