Muqdisho oo Bisha May marti gelin doonta kulan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha

Date:

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa 7-da Bisha May ee foodda innugu so hayso la iclaamiyay shirk u aaddan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

Kulankan oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa kasoo qayb geli doona khabiirro ku xeel dheer degaanka, Qaramada midoobay laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta,  deeq bixiyayaasha Caalamka,hay’adda Cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan oo ah kii horreeyay noociisa ah ee lagu qabto Muqdisho ahaa ah mid muhiimaddiisa leh, kaaso looga gol leeyahay in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darrada ah iyo soo saarista iyo adeegsiga aan habbooneyn ee Dhuxusha Dalka Soomaaliya.

Kulanka oo socon doono muddo labo Maalmood ah waxaa Gacan ka geysanaya hay’adda horumarinta ee Qaramada midoobay (UNDP), hay’adda QM u qaabilsan degaanka, iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada midoobay (FAO), waxaana maalgelinaya Midowga Yurub, Dowladaha Sweden iyo Talyaaniga.

Dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya waxaa lagu mamnuucay qaraarka 2012 ee uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya, iyada oo loo sababeynayo saameynta xun ay ku leedahay deegaanka, iyo sii hurinta colaadda iyo dhibaatooyinka Bani’aaddinimada.

Soomaaliya gudaheeda waxaa la jaray 8.2 milyan oo Geed intii u dhaxeysay 2011 ilaa iyo 2017-kii, taasi oo sare u qaadday nabaad-guurka iyo Cunno yarida, isla markaana ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha waa isha ugu weyn ee ay dhaqaale ka helaan maleeshiyaadka iyo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, kuwaas oo canshuur ka qaata dhuxusha la dhoofiyo.

Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha.

Waxaana kulankan looga gol leeyahay in loogu ololeeyo taageero, si loo qaado tallaabo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin in la helo iskaashi iyo maalgashadayaal caalami ah, si Soomaaliya looga joojiyo ganacsiga sharci darrada ah, isla markana loo xoojiyo howlaha socdo ee lagu dhisayo hab-nololeed iyo il-tamareed ka duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...